Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland mobilizes its troops in eastern sanaag

Recommended Posts

Xaalada Badhan Oo Caawa Degan Ka Dib Markii Saaka Ay Ciidamada Qaranku Agaasi Ku Ruqaansadeen

 

Writen by Qaran News | Published: Mar 21st, 2014 at 06:58 PM

email to a friendprintsharesubscribe

 

Ads by Media ViewAd Options

 

 

Ceerigaabo,(Qaran news)- Ciidmada qaranka ayaa saaka waabarigii gudaha u galay isla markaasina hareeraha ka degay magaalada Badhan oo ku taala bariga Sanaag, ciidamada qaranka oo meelo kala duwan kaga soo baxay magaalada Badhan iyo deegaanada ku hareeraysan ayaa gabi ahaanba si buuxda agaasi gacanta ugu dhigay, iyada oo aan wax khasaare ahi ka dhacin goobtaasi.

 

Magaalada Badhan waxa hore u tagay wasiirka kaluumaysiga Somaliland, xaga wasiirka gashaandhiga oo isna islaa degaankaasi ka soo jeeda uu ayaamahii ina soo dhaafayba uu ku sugnaa magaalada Ceerigaabo, halkaasi oo ay wararka qaar sheegayaan in loo diiday in uu tago magaalada Badhan oo uu xiliyadii hore uu si caadi ah u booqan jiray, diidmadanina waxa ay salka ku haysay socdaalkii uu dhawaan madaxweyne Siilaanyo uu ku tagay magaalada Laasqoray.

 

Dadka siyaasada gobolka u dhuun daloola ayaa sheegaaya in aarintani iyo dhaqa dhaqaaqan malatari ee ay xukumadda Siilaanyo ay qaaday uu yahay dhoola tus, taasi oo ayaamahii ina soo dhaafay la hadal hayay in magaalada Badhan uu iman doono madaxweynaha maamul goboleedka Somaliya ee Puntland isaga oo ka jawaab celinaaya socdaalkii madaxweyne Siilaanyo ee ku tagay gobolka Sanaag dhankiisa bari.

 

Dhanka kalena waxa la sheegayaa in abaabul uu ka socdo iyo qaylo dhaani xaga dhanka Putland oo la doonaayo in ciidamada Somaliland laga saaro aaga ay qabsadeen, taasi oo hawl aad u culus ku noqon doonta maamulka Puntland oo aan awoodi karin in uu dagaal ku xaliyo dhulka Somaliland taasi oo u baahan maskax ee aan u baahnayn dhiig daata.

 

Degmada Badhan ayaa caawa nabdoon wax dhibaato ahina ma jiraan, sida uu ku soo waramaayo wariyaha qarannews ee ku sugan aagaasi.

 

Waxii warar ah ee soo kordhana kala soco wararkeena danbe

Share this post


Link to post
Share on other sites

Latest news The Somaliland minister of defense ina xaaji cadami said he is and will visit Badhan Allah willing parts of the city Akils of Badhan are puntland affiliates and do not want the minister but his initial sub clan wants him there, Cadami is now in haafaatimo with the Sultan of Maakhir , he called up the 3rd brigade in Erigabo to send reinforcement

Share this post


Link to post
Share on other sites

CEERIGAABO:: Sidaanu warkayagii hore ku sheegnay akhristayaasha sharafta leh,waxaa shalay

 

soo gaadhay magaalada ceerigaabo ciidan ka yimid degaanka bixin oo ay halkaas uga socotay tababar ciidan ciidankaas ayaa ah ciidan degaanka ah balse hoos taga maamulka somaliland.

Ciidankan waxaa magaalada ceerigaabo xalay ka soo kaxeeyey taliyaha saldhiga ciidamada somaliland ee badhan guray cismaan saalax,waxay wararku ku darayaan in ciidankii guray watay ay dhexdoodii is qabsadeen iyadoo salka ku haysa qabylad maadama labada ciidan markii horeba aanay isku qorshe ahayn balse wasiirka gaashaandhiga somaliland ayaa isku khasbay in ciidanka la isku dhafo badhana la geeyo.

Ciidankan ayaa waxay ka soo bexeen magaalada ceerigaabo salaadi subax balse waxaa kala baxay ciidankii oo qaybi amar diidaysay waxyna badankoodii soo galeen magaalada,fursadaas ayaa waxaa ka faiidaystay ciidamo beeledyo hadaaftimo ku sugan oo waxay gaadhi u direen ciidankii somaliland ka soo goostay waxaana hada wararkii ugu danbeeyey ee hadaaftimo naga soo gaadha aya sheegayaan in ciidankii ay magaalada ku soo fool leeyihiin kuna biiri doonaan ciidanka ka soo horjeeda imaantinka somaliland ee gobolka.

Dhinaca kale ciidanka intii soo hadhay ayaa waxaa soo kaxeeyey taliye guray cismaan saalax waxayna saaka lixdii subaxnimo soo gaadheen hadaaftimo waxayna ugud been xagaas iyo magaalada badhan.

 

 

CABDI JAMAAL IYO C/AALHI CUMAR CASHUUR OO BANEEYEY FURINTII KALGUBATAALE

Ciidamadii puntland ee uu watay taliyaha ciidamada daraawiishta puntland c/laahi cumar cashuur iyo wasiir ku xigeenkii hore ee amniga puntland cabdi jamaal cusmaan ayaa waxay xalay soo baneeyey furintii ay kaga jireen degaanka kalgubataale oo qiyaastii 5 km u jirta magaalada hadaaftimo.

Ciidankan ayaan war laga hayn meesha ay jaan iyo cidhib dhigeen,wasiirka gaashaandhiga ayaa hada waxa uu ku guulaystay in uu ciidankan badhan yimid ee somaliland ay u noqdaan miina baadhayaal balse caqabada ugu weeyn ee ciidamada somaliland hada soo foodsaartay ayaa ah ciiidankii somaliland ee bixin laga wada keenay oo cududiisii ay soo baneeyey furimaha kuna biireen ciidamo beeleedyada sii xoogaysanaya ee iyagu iskood isu abaabulay oo raba in ay isbaaro u dhigtaan wasiirka gaashandhiga somaliland si aanu u iman gobolka.

Taasi waxay keentay in wasiirka gaashandhigu uu soo raaci waayo ciidankii xalay balse uu ku xisaabtamayo dhaqdhaqaaqyada ka soo horjeeda meesha ay wax marinayaan.

Dhinaca puntland wax cududu ah uma soo dirin gobolka waxaana taas kuu cadaynaya sida ay ciidankii kalgubataale joogay ay u soo baneeyey dhufayskoodii saakana ciidamo somaliland ah ay badhan joogaan kuwaas oo wasiir cadami gogol xaadh u ah.

 

source hadaaftimo.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

War xaji Somalia rising Iska da waa miskeen. He has nothing left just clutches on any hope tht is anti somaliland.

 

Hahaha...

 

Nin gurigisa la haysto aya guri kale ka hadlaya.

 

Calashan...

Share this post


Link to post
Share on other sites

This dog CidanSultan has really reduced the quality of the forum wallahi. This forum is starting to resemble others, with the tribalism and tough talk.

 

Cidansultan has even dragged Xaaji down to his level, with this nonsense talk.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Doctor Kennedy: you are not allowed to mention other forums on this website. I do not use direct reference of clan names and I don't insult using swear words. The level of arguments I provide prove your narrative wrong and because of that you are angry.

 

I don't go around calling people dogs like you just did.

 

If it was not for me your garbage and propaganda would go unchallenged. Just because you can not handle the truth go somewhere else and cry about it.

 

 

Recent developments regarding the somaliland army moving east...

 

 

Badhan (BurcoOnline) 22.03.2014 Guutooyin Ciidanka Qaranka oo isugu jira kuwo fadhiyadoodu yihiin Ceerigaabo iyo kuwo degaanno debedeed kazoo xeroodayba ayaa gelinkiii danbe ee xalayto gudaha magaalada Ceerigaabo waxay uga dhaqaaqeen dhinaca degaannada Sanaag-bari oo maalmahanba laga soo sheegayey dhaqdhaqaaqyo ciidan in ay ka wadeen maammul-goboleedka Puntland.

 

 

 

Wararka aannu ka helnay ciidammadan ayaa sheegaya inay gaadheen degaanno badan oo Sanaag-bari ka tirsan oo horeyba ciidammada qaranka Somaliland fadhiisinno ugu lahaayeen

 

 

 

"Waxan ku suganahay Carmale iyo xeryahayagii ciidanka qaranku hore u degganaayeen dhinaca Badhan-na waxa ku sugan guutadii halkaas hore u degganayd”. Sidaas waxa yidhi Abbaanduulaha ciidammada qaranka gobolka Sanaag Saleebaan Maxamed Guuleed oo aannu khadka telefoonka kula xidhiidhnay.

 

 

 

Ruqaansiga Ciidanka Somaliland ayaa ka dhashay sida ay Farriinnews.com wararku ku soo gaadhayaan kadib markii doraad Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland oo booqasho ku yimi magaaladda qardho uu ku dhawaaqay in uu tagayo Goboladda uu ku muransanyahay ee Somaliland, kuwaas oo uu dhawaan Madaxweynaha Somaliland booqday.

 

 

 

Warkan ayaa sheegaya in diyaarad siday saanad uu iska soo horaysiiyey C/wali Gaas isla markaana ay leeyihiin Ciidamadda Calooshood u shaqaystayaasha Shirkadda ilaalisa maamulkiisa ee Saarason doraad soo caga dhigatay magaaladda Badhan abaara sagaalkii subaxnimo, taasoo qalabkii ay siday ku wareejisay badhasaabka ugu magacaaban Gobolkaasi.

 

 

 

Lama oga C/wali Gaas goorta uu iman doono Badhan, hase yeeshee marka laga tago ciidamadda Saarasn ee hordhaca u ah safarkiisa, waxa kale oo dhaqdhaqaaq hordhac ah oo la doonayo in Ciidanka Somaliland lagu hor istaago deegaanadaas ka wada Suldaanka Beesha suldaan Siciid Suldaan C/salaan, kaasoo la sheegayo in uu Abaanduullaha Ciidanka Sanaag barri ka codsanaya in uu Ciidanka Somaliland ka joojiyo Gobolka in ay soo galaan inta safarka madaxweynaha Puntland dhamaanayo ee uu ka noqonayo.

 

 

 

Ilo wareedyada kulankan xogogaalka u ahaa ayaa sheegay Suldaan Siciid in uu Dib ugu soo noqday Haadaaftimo, kadib markii Ciidanka Qaranka saraakiishiisa uu kulan guul-daraystay kula yeeshay deegaanka Carmale.

 

 

 

Dhinaca kalena ruqaansiga ciidankan qaranka ee Sanaag-bari ayaa u muuqda mid ka dhashay wasiirka gaashaandhigga Somaliland (Cadami) oo kaddib maalmo uu magaalada Ceerigaabo ku sugnaa booqan kari waayey degaannada degmada Badhan halkaas oo uu ka soo caraabay, halka wasiirka Kalluumaysigana Beeshiisu ay ka soo eriday kadib markii uu habeen madaw galay magaaladda Dhahar.

 

 

 

Si kasta ha ahaatee, xaaladda Gobolka Sanaag Barri ee Somaliland ayaa haddii uu yimaado C/wali Gaas waxa lagu wadaa inay ka dhici doonaan dagaalo la isugu awood sheegan doono.

Share this post


Link to post
Share on other sites

<cite>
said:</cite>

This dog CidanSultan has really reduced the quality of the forum wallahi. This forum is starting to resemble others, with the tribalism and tough talk.

 

Cidansultan has even dragged Xaaji down to his level, with this nonsense talk.

 

How come you Criticize Ciidanssultan why did you not mention the guy with the name Somalia rising is it because he is from your clan you gave him a free pass.

Share this post


Link to post
Share on other sites

<cite>
said:</cite>

How come you Criticize Ciidanssultan why did you not mention the guy with the name Somalia rising is it because he is from your clan you gave him a free pass.

 

First off Xaaji I am not aware of what clan SomaliaRising belongs to nor do I care what his particular clan affiliation is.

 

Second of all CidanSultan has been doing this tough-guy act from the day he registered on this forum

 

From the way he talks, Cidan has more animosity towards Somalia than even the Ajnaabis so you can't compare the two.

 

He's dragging you down to his level. And you're falling for it

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^ it's all about narrative xaji clearly he doesn't mention anyone that shares his opinion because it's to his advantage he didn't omit it unintentionally trust me it was done on purpose.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

I listened to the radio post you attached funny stuff was almost in tears because of the interview.

 

Saxib we all know these people do not have a fighting bone in their body. History shows that. Hundreds of years f losing land, the dervishes wiping out entire scores of them. The failure of the ssdf and even with one of Africa's largest armies and soviet weapons and South African merceneries they were destroyed by the landers.

 

Today they are talking about the last few villages in East Sanag.

 

Ironic if you ask me.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dalmar1   

This cidansultan walee has some sick issues,.....how can this deranged person hate Somalia so much (by spewing hate comment toward Somalia 24H) and yet visit and register himself into a Website that dedicates itself positively for Somalia????

 

This is SOMALIAONLINE not trianglelandonline!,.....so I suggest you take your disgusting hate you have for Somalia and leave this Somaliaonline site!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this