Sign in to follow this  
Dalmar1

Salebaan ciise xagla toosiye oo Kasoo Goostay S/Land

Recommended Posts

Dalmar1   

Siday ku soo baxayaan wararka naga soo gaaraya dhankaas iyo maamulka la baxay soomaaliland wasiir ka tirsan maamulkaas ayaa lagu sasabayaa magaalada burco xarunta gobolka togdheer ka dib markii uu ka soo caruuday xukuumadii uu wasiirka ahaa.

 

Wasiir saleebaan ciise xagla toosiye oo ahaa wasiirka wasaarada caafimaadka maamulkaas ayaa la sheegay in uu u soo goostay dhanka maamulka puntland markii uu khilaaf soo kala dhex galay isaga iyo qaar ka mid ah wasiirada iyo masuuliyiinta maamulkaas.

 

Wasiir xagla toosiye ayaa habeenkii labad seexanaya magaalada burco hotel ku yala halkaas oo ay ku ilaalinayaan ciidan farabadan oo ay wateen saraakiil ku hakisay halkaas oo ay isku dhow yihiin.

 

Warar ayaa sheegaya in wasiirku doonayay in uu gudaha u galo deegaanada puntland siiba magaalooyinka buuhoodle iyo widh widh halkaas oo uu ka soo jeedo hada ka horna uga biiray maamulka la baxay soomaaliland.

 

Xubno ka mid ah golaha wasiirada maamulka soomaaliland ayaa la shegay in ay u tageen wasiirka iyagoo la qaatay kulan balse lagu guul dareystay xal laga gaaro iyagoo dib ugu laabtay magaalada maamulkaas caasimada u ah ee hageysa.

 

Khilaafka soo kala dhexgalay wasiir xagla toosiye iyo xukuumada uu wasiirka ka ahaa ayaa la sheegay in uu salka ku hayo arimaha madaxtooyada iyo fadhi la sheegay in loo fidiyay qaar ka mid ah ugaasyo ka soo jeeda bariga siiba deegaanka widhwidh.

 

Wararkale oo ay qoreen baraha wararka maamulka soomaaliland ka faalooda ayaa sheegaya in arimaha wasiirku ka carooday ay ka mid yihiin ciidan uu hada ka hor la galay maamulkaas oo laga jaray mushaaharaadkii la siin jiray.

 

Waxaan la xaqiijin Karin halka ay sheekadan ku sal dhigandoonto inkastoo la soo sheegayo in uu adagyahay mowqifka wasiirka caafimaadka soomaaliland mr saleebaan xagla toosiye

 

 

You can listen to him on this website under:

http://saadaalnews.com/2014/03/07/dhagayso-salebaan-ciise-xagla-toosiye-oo-kasoo-goostay-somaliland/

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

SSC folks have it sweet, lose a jago in somaliland, head to garowe. Lose a jago in puntland then head to somaliland. If no positions available in either places check out khatumo or hamar. If I had that arrangement, you would never be out of a job. This is a joke.

 

Xaglotoosiye is not even someone I think Puntland cares to much for, he is what is known as magac ku yeelo siyasada manta, but has very little influence in SSC whichever camp he decides to go too. He gains more from getting a position for nothing in return.

Share this post


Link to post
Share on other sites

This is ridiculous: How on earth does Silanyo not pay the blackmail of his beloved "Minister of Health"? Has the senile Silanyo lost it completely?

 

It is of paramount importance that the minister get paid and QUICK too! :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wasiir Xagla-toosiye Oo Beeniyay warar Laga faafiyay

MARCH 7, 2014

Wasiirka cusub ee caafimaadkaHARGEYSA (Somaliland.Org)-Wasiirka caafimaadka Somaliland, Dr Saleebaan Ciise Axmed (Xoglo-toosiye) ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay khilaaf la sheegay inuu soo kala dhexgalay isaga iyo madaxtooyadda Somaliland.

 

Wasiir Xaglo-toosiye ayaa waxa uu sidoo kale deedefeeyey cadho la sheegay inuu doraad kaga amba-baxay magaaladda Hargeysa, kaas oo sida ay tibaaxuhu sheegayaan Burco markii uu gaadhay ay wasiiradda duulista Maxamuud Xaashi iyo Ciyaaraha Cali Siciid Raygal kaga daba-tageen isla markaana ay soo lad-qabeeyeen.

 

Wasiirka Caafimaadka oo isagu xalay Wargeyska Haatuf khadka telefoonka ugu waramay ayaa khilaafkaasi gaashaanka ku dhutay, waxaanu ku dooay inuu arrimo shaqo oo wasaaradiisa la xidhiidha u tagay magaaladda Buroc ee xarunta gobolka Togdheer, kaas oo xussay inaanu wax cadho ah u tagin halkaas, isaga oo arrimahaasi ka hadlayana, waxa uu si kooban u yidhi “Waa waxba kama jiraan warkaasi ma jiro khilaaf noo dhexeeya aniga iyo madaxtooyada, waxaana naga dhaxaysa wada-shaqayn fiican markaa waxaan bulshadda Somaliland u sheegayaa inuu warkaasi yahay mid aan xaqiiqada ku salaysnayn”.

 

Wasiirka Caafimaadka Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-toosiye) isaga oo hadalkiisa sii wata, isla markaana ka jawaabaya su’aal aanu ka waydiinay cadhada la sheegay inuu Hargeysa kaga baxay, waxa uu yidhi “Ma jirto cadho aan anigu Hargeysa kaga baxay, Magaaladda Burco-na waa run oo waan tagay laakiin waxa aan u tagay shaqo, socdaalkayga Burco-na waxa uu ahaa safar shaqo, markaa sida aan kuu sheegay ma jirto cadho aan caasimadda kaga baxay.”

 

Sidoo kale sida ay wargeyska Haatuf u sheegeen dad xogogaal ahi wasiirka caafimaadka Dr Xaglo-toosiye ayaa isagu cadho kaga baxay maalintii doraad magaaladda Hargeysa, kaas oo sida ay ilo-wareedadaasi tilmaameen cadhadiisa lala xidhiidhiyey Odayaal uu ka mid yahay Ugaas ay xidhiidh dhaw lahaayeen wasiir Xaglo-toosiye oo ka yimid deegaanka Boocane oo caasimadda u jooga wada-hadalo ku taxaluqa gogashii nabada ee uu hore madaxwaynuhu ugu fidiyey beelaha barriga Somaliland, ayaan doorkii uu ku lahaa arrimaha deegaanada uu ka soo jeedo aan waxba laga waydiinin, kaas oo arrintaasi u arkay mid lagu yaraysanayo.

 

Dhinaca kale sida ay xogahaasi Haatuf u sheegeen wasiir Saleebaan Ciise Axmed ayuu khilaaf awood maroorsi oo ku wajahan deegaanadda Sool iyo Buuhoodle uu wakhtigan ka dhexeeyaa Wasiiru dawlaha arrimaha barriga iyo nabadaynta Cali Sandulle oo isagu hormuud u ahaa Odayaasha deegaanka Widh-widh ee madaxtooyadda la geeyey.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this