Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Heavy clan clashes continue in the Lower shabelle death toll rises

Recommended Posts

Dagaalo khasaare fara badan geystay oo Maalintii labaad ka socda Gobolka Shabeellada Hoose iyagoo ku fiday deegaanno cusub

Axad, December 15, 2013 (HOL) — Dagaallo khasaare nafeed oo fara badan geystay ayaa maalintii labaad ka socda deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose ee Koonfurta Soomaaliya, iyadoo dagaalladan ay si xowli ah maanta uga socdaan deegaanno u dhexeeya degmooyinka Jannaale iyo Awdheegle.

 

Wararka laga helayo gobolka Shabeellada Hoose ayaa sheegaya in 10-qof dad ka badan ay ku dhinteen dagaalladii maanta ayna ku dhaawacmeen in ka badan labaatameeyo qof, kuwaasoo qaarkood dhaawacyadooda la geeyay isbitaalka weyn ee degmada Marko.

 

Deegaanka Busley oo ku dhow degmada Janaale ayaa la sheegay in maanta uu dagaalku gaaray, waxaana dadka ku dhintay dagaalka ay isugu jiraan dad rayid ah iyo beelaha uu dagaalku u dhexeeyay oo ay la kala safan yihiin ciidammo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya.

 

Sidoo kale, wararka ayaa waxay sheegayaan in rasaastii ay dhinacyadu isku adeegsanayeen ay dishay kontomeeyo neef oo xoolo ah, kuwaasoo meelo aan halka lagu dagaalamayo ka fogeyn, waxayna xoolahaa isugu jiraan geel, lo' iyo ari.

 

Iskahorimaadyadan ayaa waxay daba socdaan dagaallo horay uga dhacayay gobolka Shabeellada Hoose, kuwaasoo u dhexeeya beelo dhul isku haysta, iyadoo aysan jirin wax talaabo ah oo ay dowladda Soomaaliya qaaday si loo joojiyo dagaalladaas.

 

Boqolaal qoys oo ku noolaa deegaannada labada maalmood ay dagaalladu ka socdaan ayaa ka barakacya deegaannadooda, kuwaasoo gaaray meelo ka fog goobaha ay dagaalladu ka socdaan.

 

Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku baaqay in dagaalka la joojiyo, iyagoo dowladda Soomaaliya iyo taliska guud ee ciidamada ugu baaqay inay qaadaan tallaabooyin dagaalladaas lagu joojinayo.

 

Guddoomiyaha gobolka Shabeellada Hoose, C/qaadir Maxamed Nuur (Siidii) ayaa dagaalka ku tilmaamay mid nasiib-darro ah, wuxuuna dowaldda Soomaaliya ugu baaqay inay dadaal u gasho sidii dagaalladan lagu joojin lahaa.

 

Sannadkan ayaa waxaa gobolka Shabeellada Hoose ka dhacay dagaallo ay ku naf-waayeen dad fara badan, kuwaasoo u dhexeeyay laba beelood oo taageeryo ka helaya ciidammo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya oo qaab beeleed u abaabulan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
cadnaan1   

maanta ayaan waxaan ka sheekeysanay qof sxb nahay dadka deegaankaas janaale ah waxaan weydiiyey sababta qabiilada kale ay ugu fiirsanayaan dagaalka beesha aysan u caawinin wuxuu ii sheegay in beesha ay ayagaba ka darnaayeen iljeexda waagii 1990skii markii ay ayaga awooda ku lahaayeen gobolkaasi oo aay qabiilada kale ay si xun dhibi jireen.marka hada qabiilada kale waxay aaminsan yihiin hadii ay beesha ka gulaysato beesha iljeex inay dhibkii hore soo celinayaan oo aysan aheen daris fiican.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this