Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland signs 60 million aid package with Britain and Denmark SL development fund launched

Recommended Posts

Madaxweynaha Somaliland oo Heshiis la Saxeexday Dawladaha Somaliland Ka Taageera Dhinca Dhaqalaha.

posted by Maxamuud Jama | November 28, 2013 | In Waaheen News

 

 

IMG_7178Hargeysa(Waahee) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md.Axmed Maxamed Maxamuud (Siilanyo) ayaa Maanta Qasriga Madaxtoooyadda ku qaabilay Wafti balaadhan oo ka socday Dalalka Ingiriiska iyo Denmerka kuwaasi oo ahaa Safiirada u kala qaabilsan Labadaasi dal ee Itoobiya iyo Kenya.

 

Madaxweynaha iyo labaasi Safiir ayaa kala Sexeexday heshiis ku saabsan Mucaawi ay soomaliland ugu deeqen Dalalka Ingiriiska iyo Denmark, kaasi oo si toos ah dawlada Somaliland Qasnadeeda loogu soo shubidoono iyada oo la sheegay in wasarada Maaliyadda ay maamulidoonto.

 

Kulankaasi Madaxweynaha Somaliland iyo Labada Safiir ay ku kala Saxeexanayeen Siddii Somaliland loo caawin lahaa ayaa Waxa Madaxweynaha ku wahelinayey Wasiirka Arrimaha Dibada Md. Maxamed Biixi Yoonis, Wasiirka Qorshaynta Qaranka Sacad Cali Shire, Wasiirka Maaliyadda Cabdicasiis Maxamed Samaale iyo Wasiirka Madaxtooyada Md.Xirsi Xaaji Cali Xassan.

 

IMG_7185

 

Madaxweynaha Somaliland Md.Axmed Maxamed Maxamuud Siillanyo oo ugu horeyan Waftigaasi hadal soo dhaweyn ah u jeediyey ayaa uga mahad naqay sidda ay Somaliland ula garab taagan yihiin Taageerada dhinac walba, waxaanu xusayn in labada Dale e Ingiirska iyo Denmark ay Somaliland leeyihiin Xidhiidh Saaxiibtinimo oo aad u fiican.

 

Dr.Sacad Cali Shire ayaa faahfaahin ka Bixiyey halka ay ku bixi doonto Lacagta Somaliland lagu caawiyey , Waxaanu yidhi. “Sanduuqan waxa la yidhadaa Sanduuqa Horumarka Somaliland waxaana iska kaashaday Labbada Dal ee Ingiriiska iyo Denmerk Sanduuqani waxa uu ku biloowday 52Milayn oo Dollar, marka Dawlada Ingiirku 5Milyan oo Dollar oo kale ayey ku soo dartay, runtii waxaanu rajeynaynaa in dawlada kale ee Somaliland la Saaxiibka ahina ay iyaguna ku soo daridoona, oo ay ku soo biiridoonan Sanduuqan, Sanduuqa lacagta ku jirta waxa go’aaminaya Inaga,lakiin inta badan Deeqa ah laynoogu deeqo inta badan waxa go’aamiya Deeqbixiyaasha ama hay’ada loo soo dhiibay, waxa go’aaminaya waxyaabaha inoo mudan Guddida horumarka qaranka, iyo wasaradaha sanad walba waxa laga maalgalinayaa wax yaabaha inoo mudan Sanadkan waxaanu isla garanay in ay inoo mudan yihiin, Mashaariic la Xidhiidha Beeraha, Xoolaha, Biyaha, Deeganka, iyo wadooyinka.”Ayuu yidhi Wasiirka Qorshaynta Qaranku.

 

IMG_7209

 

Wasiirka Maaliyada Cabdicasiis Samaale oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa yidhi.“Sidaad la socotaan Dhaqaalahani waa Mid Somaliland loogu deeqay oo ku dhicidoona Wasarada Maaliyadda Somaliland, runtii waxaad odhan kartaa dawlada Somaliladn Amaanada ay muujisay iyo Xilkasnimada ay muujisay ayeynu ku helay dhaqaalaha intan leeg, runtii waa mid dalkeena iyo dadkeenaba wax weyn taridoona.”Ayuu yidhi Wasiirka Maaliyadda.

 

IMG_7159

 

Wasiirka Arrimaha Dibada ee Somaliland Md.Maxmaed Biixi Yoonis oo isaguna ka hadlay ayaa sheegay in Labadaasi dawladood ay Somaliland ugu deeqen dhaqaalo aad u badan waxaanu uga mahad celiyey Sidda Ay Somaliland u garbtaagan yihiin.

 

Gabogabadii Waxa halkaasi ka hadlay Labada Safiir ee u kala Qaabilsan Dawlada Ingiirska iyo Denmerk Waddamada Itoobiya iyo Kenya waxaayna sheegen in Xukumada Somaliland looga bahan yahay Xisaab celin iyo Maamul wanaag, waxayna tilmaameen in Dhaqaalahani yahay mid ka yimid Cashuurta ay Bixiyaan Dadka Ingiriiska iyo Denmerka.

Share this post


Link to post
Share on other sites

This is the reality on the ground. Hassan Shiekh, Shirdoon nor the 275 MPs in Mogadishu don't represent nor have any control over Hargeisa. Somali runta iskuma sheegto.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Classified;988086 wrote:
This is the reality on the ground. Hassan Shiekh, Shirdoon nor the 275 MPs in Mogadishu don't represent nor have any control over Hargeisa. Somali runta iskuma sheegto.

Oo sowtan aad adiguba runtii sheegtay, mase adigu Soomali maahid? :)

Share this post


Link to post
Share on other sites

lol

Homunculus, wallahi, when ever see a Somali politician of any political stripes returning from a trip abroad and i hear them speak, I am often left feeling sick and bemused at the same. wallahi socdaalkayagii guul buu kuso dhamaaday. faransiisku kiish baris ah buu noo balanqaday, ingiriisku shuub sonkor ah, EUduna kiish daqiiq ah. hada saliidii ba inaga dhimin uun. And if the incessant begging was not bad enough, they now think the aid money is literally owed to them. They even present the donors with actually contracts like the clowns above (notice how contracts have Somaliland emblem). Furthermore, they still have the gull to wright s'hit like 'Madaxweynaha Somaliland iyo Labada Safiir oo kala Sexeexday heshiis ku saabsan Mucaawi'. That is like me signing on at the job Centre and brandishing my jobseeker's agreement as a piece of bilateral agreement with UK government.

Share this post


Link to post
Share on other sites

@ Gar maqaate....and you go again here and have the nerve to ask me why I defend Somaliland.This is the 3rd thread in less than one hour you been talking evil.:

 

your name says all...Gar maqate:D

Share this post


Link to post
Share on other sites

@ Gar maqaate....and you go again here and have the nerve to ask me why I defend Somaliland.This is the 3rd thread in less than one hour you been talking evil.:

 

your name says all...Gar maqate:D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Gar maqaate hold on do some search and understanding before you reply. Dhagayso waxa ay saancadalaha noo yimid uu sheegayo iyo sababta ay lacagta u bixinayaan.

 

This is their own words

“Our visit represents today here in Hargeisa reiterates the continued commitment of the UK and Denmark to support Somaliland. We recognise the efforts the government is making to strengthen governance, and providing access to equitable basic services for all citizens of Somaliland” said British ambassador Mr Wigan

 

“The Somaliland Development Fund will ensure that ordinary people in Hargeisa and across Somaliland will benefit from improved services. For example 500,000 men, women and children will soon have access to a clean water supply” added Ms Reid.

 

Danish Ambassador Mr Geert A. Andersen said, “Having visited Somaliland on several occasions, I am truly impressed by the progress seen in so many areas. Our support to SDF and other areas is based on a close partnership with Somaliland having demonstrated leadership and ownership. SDF is the New Deal in practice.”

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Gar_maqaate;988141 wrote:
^^^

I see two beggars!, Don't tell me you haven't noticed the common denominator?.

I don't see two beggars. I see one loser beggar and one who is doing his own responsibility with his own development plan (NPD) with or without international community. I see recognition on way

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this