Sign in to follow this  
Wiil Cusub

Xasan Culusow oo Galaydh kula shuraakobay mashruuca khaatumo

Recommended Posts

47kkk.jpg

 

Waxa Uu Ka Dhaadhiciyey In Dawladiisu Joojinayso Wadahadaladii, Somaliland-na Ay Kala Xidhiidhayso Cida Ogol Inay Xukuumada Fadaraalka Hoos Yimaadaan Oo Kaliya

Muqdisho, November 10, 2013 (Haatuf) – Madaxweynaha dawlada Xamar Xasan Sheekh Maxamuud ayaa siyaasiga Cali Khaliif Galaydh kula taliyey inuu u kicitimo dhinaca Somaliland oo uu halkaas ka dhiso maamul goboleed ay xaruntiisu tahay Taleex.

Shir saacado dheer qaatay oo todobaadkan labada nin ku dhex maray Madaxtooyada Muqdisho ayaa Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu Cali Khaliif ku qanciyey inuu boodhka ka tumo mashruucii Khaatumo ee hore uga fashilmay, sida ugu dhakhsaha badana uga amba baxo magaalada Xamar, isagoo gacanta ka saaray sahay hal milyan oo dollar ah isla markaana u balanqaaday inuu ka soo daba diri doono taageero dhaqaale oo intaas ka badan iyo taakulayn dhinaca Milatariga ahba. Siday dad goobjoog ah xogogaalna ahi ay Haatuf u xaqiijiyeen, Xasan Sheekh Maxamuud waxa kale oo uu Cali Khaliif ku qanciyey in xukuumadiisu ay joojinayso wadahadaladii ay Somaliland la lahayd isla markaana in wixii hadda ka dambeeya ay Somaliland kala xidhiidhi doonto cida ogol midnimada iyo inay hoos yimaadaan dawlada Xamar ee uu Madaxweynaha ka yahay oo kaliya. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa horaantii bishii ina soo dhaaftay sidan oo kale lacag aad u tiro badan ku taakuleeyey nin reer Puntland ah oo la yidhaa Cali Xaaji Warsame si uu ugu iibsado doorashada madaxtinimada gobolkaas ee la filayo inay halkaas ka dhaco bisha January ee sanadka 2014-ka.

Wadahadaladii u socday Somaliland iyo Somalia oo ay ahayd inay dalka Turkiga dib uga bilaabmaan 8-dii bishan ayaan qabsoomin kadib markii Xasan Sheekh Maxamuud uu madaxda Turkiga u cawday in wada-xaajoodkaasi aanu dan u ahayn midnimadii Somalia isla markaana ka codsaday inay joojiyaan martigalinta wadahadaladaasi.

Dhinaca kale xukuumada Xasan Sheekh Maxamuud ayaa muddo laga joogo dhawr biloow waxay taageero maaliyadeed oo marka la isku geeyo lagu qiyaaso $50 Milyan ka heshay maalqabeeno waaweyn oo xubno ka ah ururka Akhwaanul Muslimiinta ee dalka Kuwait iyo Xukuumada Qatar iyadoo tani aanay ahayn markii u horaysay ee Xasan Sheekh Maxamuud taageero dhaqaale ka helo labadaas meelood balse ay jirtay in dhawr jeer oo hore ay lacago uga yimaadeen iyadoo ay ka mid ahayd lacagtii uu ku iibsaday doorashadii 10-kii September 2012-kii uu madaxweynaha ku noqday.

Sida la ogsoon yahay lacagaha ay Akhwaanul Muslimiinta Kuwait usoo diraan Xasan Sheekh Maxamuud waxay soo mariyaan urur samafal ah waxaanay kusoo hagaajiyaan Wasiirka madaxtooyada Somalia Faarax Cabdulqaadir oo xidhiidh iyo wadashaqayn hore la lahaa kooxda Akhwaanta Kuwait, halkay dawlada Qatar ugu soo dhiibto Wariyaha Aljazeera Fahad Yaasiin iyo nin la yidhaa Cabdiraxmaan Caynte oo isaguna ka mid ahaan jiray shaqaalaha Aljazeera, haatana agaasime ka ah madaxtooyada Muqdisho, isla markaana sheegta inuu yahay Madaxa xarun cilmi-baaadhisteed oo la yidhaa Heritage taas oo xafiiskeedu ku dhexyaalo madaxtooyada. Sida la ogsoon yahay Madaxweynihii Masar ee la casilay Maxamed Mursi oo ka tirsanaa ururka Akhwaanul Muslimiinta Masar ayaa waxa uu taageerada dhaqaale ee ugu balaadhan ka heli jiray dawlada Qatar halka dawladaha kale ee Khaliijka oo uu hogaaminayo Sucuudigu ka soo horjeedeen Mursi iyo xukuumadiisa. Inkastoo aan Qatar laga ogolayn asxaabta siyaasada iyo ururka Akhwaanul Muslimiin toona hase yeeshee waxa dawladaasi u dhaqan ah inay la safato cid kasta oo aanay isku wanaagsanayn dalka Sucuudiga iyadoo mararka qaarkood ay Qatar fashilaad iyo dhibaatooyin ka soo gaadhaan habdhaqankeedaasi ay kula xintamayso dalka weyn ee ay jaarka yihiin. Xasan Sheekh Maxamuud oo intii aan Mursi talada laga tuurin ku faani jiray in ururkiisa Damul-Jadiid uu ka mid yahay xarakada Akhwaanul Muslimiin ee caalamiga ah ayaa waxa isaga Qatariyiinta ka wasteeyey oo isku xidhay Murshidka Akhwaanul Muslimiinta Masar Maxamed Badiic kaas oo haatan ku xidhan xabsi ku yaala dalka Masar. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mucaawinooyinka uu ka dalbado Akhwaanul Muslimiinta Kuwait waxa uu inta badan ku sababeeyaa inuu ku qabanayo hawlo la xidhiidha xoojinta xukuumadiisa iyo faafinta mabaadiida siyaasadeed ee Akhwaanul Muslimiinta taas oo uu ku tilmaamo istiraatijiyad uu ku soo xero-galinayo dawladiisana ku hoos geysnayo dhamaan deegaamada lagaga hadlo Afsomaliga ee ku yaala Bariga Afrika oo Somaliland ka mid tahay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Che -Guevara;985259 wrote:
Our people and conspiracy theories hehe

No conspiracy it's fact and we will see what he deserve with new conflict when he lost conflict that he created in Kismanyo view months ago and after hundreds death he return and accept dialog

Share this post


Link to post
Share on other sites
Hawdian   

Hadoo cadow ku noqdey oo dagal soo ababulayo Xassan iyo reer koonfur all options must be on the table to secure Republic of Somaliland:cool:

Share this post


Link to post
Share on other sites

Who are the sources? Even if the meeting did take place between these two men? Who was there that could possibly verify what was discussed. Sheekada waa waxaa la yiri.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Che -Guevara;985268 wrote:
No one will be better off, if you think there will be winners , then you might as well live on the moon.

Nin qoyani biyo iskama dhawro aniga maaha ka aqoonsi iyo caawimo caalamiya haysta awalba survival of the fittest baan ahaa

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this