Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Turku Mayor of Finland arrives in Somaliland meets with Hargeisas Mayor+PICS

Recommended Posts

maayarka hargeysa oo qaabilay weftiga maayarka magaalada turku ee dalka filand

 

 

News

 

Maayarka Caasimada Magaaladda Hargaysa ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Maayarka Magaada qadiimiga ah ee Turku ee dalka Finland, kadib booqasho uu ku yimid dalka JSL.

 

Maayarka Caasimada JSL ee Magaalada Hargeysa Md. Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Cabdiraxmaan SOLTECO) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Maayarka Magaalada qadiimiga ah ee Turku ee dalka Finland, ka dib booqasho ku yimid dalka JSL.

 

Weftigan ka socda dawladda Finland ee uu hogaaminayo Maayarka Magaalada Qadiimiga ah ee Turku ee dalka Finland Mr. Seppo Lehtinen ayaa waxay ka koobnaayeen sadex xubnood, kuwaas oo muddada ay dalka joogayaan booqan doona qaar ka mida degmooyinka dalka JSL, isla markaana waxay sheegeen in ay Xidhiidh wada-shaqeynayd ah la yeelan doonaan Golayaasha Deegaanka JSL.

 

Maayarka Caasimada Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid ( Cabdiraxmaan SOLTECO ), kadib markii uu kulankaasi la yeeshay Weftiga ka socda dalka Finland ayaa waxa uu Warbaahinta uga waramay u-jeedada Weftigani u socdo iyo waxyaalaha ay ka wada hadleen, waxaanu yidhi, "Maanta waxaan xafiiskayga ku qaabilnay Wefti ka socda dalka Finland oo ah saddex xubnood, oo uu ka mid yahay Guddoomiyaha Golaha Deegaanka, Ahna Maayarka Magaaladda Turku oo ah magaalo qadiimiya oo ah Caasimadii hore dalka Finland. Waa magaalo sideed boqol oo sanno ka hor la dhisay, waxaanay sanadkii 2012 noqotay magaaladda dhaqanka ee waddamadda Yurub".

 

Cabdiraxmaan-SOLTECO isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi, "Weftigan waxa la socda Marwo Rooda Xasan oo ah gabadh u dhalatay JSL oo iyaduna hore u ahayd Maayar-ku-xigeenka magaalada oo mika xubin ka ah Golaha Deegaanka Magaaladaas iyo gabadh ka socota Green Party ee Midowga Yurub oo iyaduna arrimaha dibadda kulan la yeelatay,"

 

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi, "Waxaan aad uga mahad-celinayaa Wasiirka Arrimaha Dibadda JSL Md. Maxamed Biixi Yoonis oo nagala shaqeeyey hawshan baddankeedda, waana markii ugu horeeyey ee uu JSL yimaado maayar ka socda waddamada Yurub. Wax baddana waanu ka wada-hadalnay, waxyaalaha aanu ka wada hadalnay waxa ka mid ahaa in aanu xidhiidh fiican wada yeelano JSL iyo Finland, isla markaana naga ay gacan-siin doonaan sida loo maamulo qashinka magaalada iyo Biyaha".

 

Mar uu Maayarka Caasimada Hargeysa Md. Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid ka hadlayey muddada ay JSL joogi doonaan weftigan uu hogaaminayo Maayarka Finland, ayaa waxa uu yidhi, "Waxa kale oo ay soo eegi doonaan muddada ay weftigani joogaan Degmooyinka dalka. Waxaanay naga ballan qaadeen in ay waddankeena u noqon doonaan marin si adduunka siyaasad ahaan inooga caawiyaan, kulankayaguna warbaahinta wuu u furnaa waxayna naga caawin doonaan in xidhiidh la yeelano waddamada Yurub".

 

Maayarka Magaaladda Turku ee dalka Finland Md. Seppo Lehtinen oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu sheegay in uu ku faraxsan-yahay in ay soo booqdaan JSL, isla markaana xidhiidh wanaagsan dhex maro, isaga oo Maayarkana ku booriyey in uu Samir, dadaal iyo waxqabad la yimaaddo si uu labaatan sanno uu maayar u noqdo.

 

Sidoo kale, waxa isaguna goob joog ka ahaa kulankan Xoghayaha Fulinta Dawladda Hoose Md. Mawliid Cabdilaahi Weris

 

SL Media

Share this post


Link to post
Share on other sites

Welcome Mr Seppo Lehtinen to hargeisa the capital of Somaliland, Somaliland hargeisa or other SL councilors should also visit Finland the Turku city.

 

Turku Looks good

 

Finland_Turku_446d1e5f9f124b55b968e1ba35

Share this post


Link to post
Share on other sites

I think Siilaanyo mixed up the phone numbers, he wanted to invite Turkey's leader but instead phoned the mayor of sleepy, ship building town of Turku.;)

Share this post


Link to post
Share on other sites
Ibtisam   

^^^^ Loool Sii dhacad aha baan uu qosley.

 

Actually they requested an invite- and it was extended by the Ministry of Foreign Affairs and the Mayor- there is a large Somaliland population in Finland and they have started many developmental projects in Somaliland. Also the MP/councilor for Turku is Somaliland national Roda Hassan- and she is always bringing Finnish politicians to Somaliland- this would be her 3rd visit to the country this year.

 

Today they are swimming in Berbera and checking out the port.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Tallaabo   

MoonLight1;984114 wrote:
I think Siilaanyo mixed up the phone numbers, he wanted to invite Turkey's leader but instead phoned the mayor of sleepy, ship building town of Turku.
;)

;)

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this