Sign in to follow this  
malistar2012

Qoyska Madaxweyne Cabdi Raxmaan Faroole iyo Puntland Maxaa Kala Heysta?(Warbixin Xasaasi ah)

Recommended Posts

Waxaa in dhaaweeydba dadka reer Puntland isku wada raaceen wadajir sidii heeryadii saarnayd ee xukuumadii ay Faroole iyo Wiilashiisu ku soo daadahayeen Maamulkii xaqdarada iyo xatooyada ku caan baxay siday 5tii sano ee talada hayeen iskaga xayuubin lahaayeen.

 

Dadka reer Puntland waxay doorteen oo ku qatalmeen 9 Jan, 2008 Madaxweyne Faroole, markii uu la wareegay maamulkii waxaa talladii ku lamaaniyay wiilashiisa iyo Aaran Jin &Jaan. Talladii iyo barnaamijkii loo doortayna dhabihii ka leexiyay.

 

Wiilashiisa oo uu u kala qeybiyay gacantana u galiyay maamulkii gudahaha Wiilkiisa Mohamed Faroole iyo Aaran Jini & Jaan oo usoo xuuraama xanta iyo waxa dalka ka socda sida ilaha Dhaqaale, dadka loo magacaabayo dawlada iyo Khadar Faroole oo degan Dubai dalka Imaaraadka kaasoo laga qaabilsan Maamulka dibada, shirkadaha Betroolka, Saarasiin, maraakiibta Kaluumaysiaga.

Madaxweyne Faroole waxaa reer puntland yaab iyo amkaag ku ribay markay arkeen maaulkiisa waxaa ka mid ah

Markii shirka golaha wasiirada uu dhex fariisto, wiilkiisa Maxamed Faroole kun canaanto wasiirada iyo madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka, talada dalkana isga kaliya ka go’do.

Haykalka Dawlada uu qofkii uu rabo u magacaabo, qofkii ka horyimaadana uu ka qaado. Isagoo adeegsanaaya saxiixa Aabihii Madaxweyne Faroole. Inuu saaro xanibaad ajaaniibta u imaanaysa ganacsatada reer Puntlad iyo inuu saaro xanibaad TV(Univesal, Somali Channel, Horn Cable iyo SNTV, xirxiro wariyayaasha sabab la’aan.

 

Markii ay arkeen illihii dhaqaalaha dadka reer Puntland uu gacan maroojiya Willka Faroole,furtay Hotel dadka martida ee Dawlada iyo shaqaalaha, Isimada Garoowe imaanaaya seexdaan iyo makhaayad lagu qabto casumaadaha hayada dawlada, shaqaalaha sare ee dawlada ku caweeyaan lacagtana Wasaradda Maaliyada bixiso, taas oo cunqabatayn weyn ku noqotay Hoteeladii iyo Maqaayadihii reer Garoowe.

 

Qasabna kula wareegay qandaraasyadii cunada ee shaqaalaha UNO. Markay keensadeen kuuk cunada u kariyana, ku amray Ciidanka dawlada inay qasab ku galaan xarunta UNO Garowe labadan Kuuk ee cunada kariya la dhoofiyo.

 

Taas oo abuurtay khalalaaso xirriirka Dawlada Puntland iyo UNO iyo in la joojiyo mashaariicdii UNO, markii la jabiyay xeerkii.

 

Qandaraasyadiina Dalkawaxaa qaatay Mohamed Faroole ka dibna ciddii samaynaysay hawshaas uu la qaybsado sida qandaraasyada Dhismaha, qandaraaska Saarasiin, qandaraasyada Idaacadaha (radio Garowe), Batroolka,Warshadda Gaaska, Dhismaha Airporka Bosaso.

 

Hay’adihii(WFP,UNICEF,UNHCR) hawlgalaayey Bosaso uu ku qasbay inay usoo waregaan Garoowe, si uu uga helo qandaraasyada kale.

 

Wiilkiisa Khadar waxaa uu qaatay qandaraasyada Dalka dibada sidaa wakiilka Shirkada Saaraseen, betroolkaa, Maxjarka iyo maraakiibta ka kaluumaysta Badda, Lacagaha jeegaga ah shirkadahaas siiyeen dawladda Puntland lagu qoro magaca Khadar Faroole, maadaama uu deganyahay Dubai, accountigiiga lagu shubo, waxna kama soo noqdaan.

 

Waxaa kale oo uu maamulaa wafdiga Madaxweynaha markay dibada u dhoofaan Hoteelkooda iyo diyaarahooda, halkaas oo uu ku dulaalo lacag fara badan.

 

Waxaa ceeb weyn ku ah maamulka Faroole in markii shirarka laga caumo dalka dibadiisa uu dhex fadhiyo wiilkiisa khadar talada uu gooyo Lacagihii la siiyay Puntland

Haddaba Siyaasadii Dalka Madaxweyne Faroole waxaa ay kabadinweyday inuu dagaal ku qaaday, Isimadii, Baarlamaankii iyo masuuliyiintii Dawladii Federaalka (madaxweyne Shariif, Raiisulwasaarayashii soo maray oo dhan) waxaa ka soo haray Aflagaado iyo Faan been ah iyo Cabsi dheeraad ah, iyo inuu canshuurtii dalka kordhiyo taasoo sababtay,Baayacmushtarkii inuu joogsado iyo inay xirmato Dakadii Bosaaso,Golaha Wasiirada tiradoodii waa 72, Darajadii Ciidanka Jananka uu bixiyay waa 16 (Janakii waa Taya beelay),Shaqaalihii iyo ciidankii 10 bilood inaysan mushaar qaadanin,Dalkiina soo foodsaartay Dhaqaalo xumo.

 

Amni xumada dalka waxaa uu maraayaa halkii ugu xumayd, waxaa lagu toogtay 368 qof oo, ah Shuyuuqdii ugu waaweyneyd ee dalka Somaliya, Cuqaashii, Xildhibaanadii Puntland, Garsoorayaashii dalka, Ciidamadii, Wariyayaashii, Ardaydii. waxaa kaliya oo la qabtay dadkii dilay Shiikh Cabdulqaadir alaaha u naxariisto, waxaana qabtay shacabkii. Waxaa dalka ka bilawday Colaad iyo Dagaal Ahliga oo ay ku dhinteen in ka badan 616 qof, MEEDAY DAWLADII DALKA.

 

Haddaba FAROOLE maaulkiina Wiilashiisu buu u dhiibay Dal iyo Dibadaba, Lacagtiina waa ay qaateen, isagiina muddo ka badan 40 cisho ayuu dalka ka maqan yahay, isagoo ku raaxeeysanaya hoteel qaali ah oo halkii habeen lagu seexdo laba kun iyo shan boqol oo dollar, illaah baan idinku dhaarshaye ka warama lacagtaas Puntland ma ka baxdaa, inuu Dubai hoteel qaali ah lagu dego muddo intaas le’eg.

Hadii Faroole iyo kooxdiisa mar kale talada dalka loo gacan geliyo oo khalad kale la sameeyo waxay soo afjaraysaa soona gunaanadeysaa maamulka Puntland, maxaa yeelay 5-sano oo khasaara ah iyo go’doon siyaasadeed 0o dambe ma sugi karno .

Share this post


Link to post
Share on other sites

sons_and_father.jpg

 

 

Qoraal dhawaan soo shaac baxay oo laga helay dhanka Madaxtooyada Dowlada Puntland ayaa lagu sheegay in lagu magacaabay wiil uu dhalay Madaxweynaha Puntland inuu qabto Jagada Isuduwaha dib usoo nooleynta Baaritaanka Shidaalka ee shirkad Conoco/Phillips ee laga leeyahay dalka Maraykanka.

 

Sida qoraalkan ku cad waxaa saxiixay Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Faroole 7dii bishii June ee sanadkan 2011.

 

Qoraalkan ayaa loo gudbiyey shirkad lagu magacaabo (The Moffet Group) oo fadhigeedu tahay magaalada Washington DC ee caasimada dalka Maraykanka.

 

Shirkadan The Moffet Group ayaa laga codsaday in Puntland kala shaqeyso sidii looga dhaadhicin lahaa shirkada ConocoPhillips inay dib u timaado deegaanada Puntland oo ay horey uga sameysay baaritaano shidaal kahor dagaalkii sokeeye ee dalka Soomaaliya 1991dii.

 

Shirkada ConocoPhillips ayaa inta badan gobalka Nugaal ka sameysay baaritaano shidaal ayadoo horey u calaamadesay goobaha uu shidaalka ku jiro walow aan lagu guuleysan shidaalkaa in lasoo saaro, xiligii dowladii Siyaad Barre.

 

Qoraalkan bishii June 7dii kasoo baxay xafiiska Madaxweynaha Puntland ayaa lagu wargelinayaa The Moffet Group in dowlada Puntland hawlahan isuduwe ugu magacowday Khadar Cabdiraxmaan Maxamed Faroole, oo ah wiil uu dhalay Madaxweynaha Puntland.

(Halkan ka akhriso Qoraalkii Madaxweynaha Puntland xilka ugu magacaabay Khadar)

http://cdn.horseedmedia.net/wp-content/uploads/2011/11/Farooles-son-intial-Assigment-with-Oil-Deals.pdf

 

Dhanka kale Khadar ayaa noqonaya wiilkii labaad ee uu dhalay Madaxweynaha Puntland oo si rasmi ah jago looga magacaabo dowlada Puntland, tan iyo intuu xilka qabtay Madaxweynaha Dr.Cabdiraxmaan Faroole. Macada khibrada uu Khadar arrimahan u leeyahay .

 

Madaxweynaha Puntland ayaa asagu horey wiilkiisa curadka ah ee Maxamed Cabdiraxmaan ugu magacaabay Lataliyahiisa dhanka Saxaafada iyo Warbaahinta.

junior_faroole-150x150.jpg

 

Dikreeto ka soo baxday xafiiska madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiraxmaan Faroole ayaa maalintii shalay loogu magacaabey in Maxamed Cabdiraxmaan Faroole in uu noqdo la taliyaha madaxweynaha ee arimaha saxaafadda, hadaba warbaahinta Horseed Media ayaa waraysi gaar ah kala yeelatay Maxamed Faroole, waxaana waraysiga qaaday Cabdiqani Cabdullaahi oo ah soosaraha barnaamijka Xog-ogaal

Share this post


Link to post
Share on other sites

sons_and_father.jpg

 

Nepotism Meaning

 

Noun

 

The practice among those with power or influence of favoring relatives or friends, esp. by giving them jobs.

 

 

Faaroole the Monkey thinks he can get away with corruption and Nepotism by becoming Spoiler the story of dumb way to die

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

How can you call someone a monkey, you want people to support the government, and calling them monkeys would make them support miyaa dowlada, isku xishoo waryaa cunugyahow lunsan

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wiilka uu dhalay Madaxweyne Faroole oo ciidamo xoogan dul dhigay shirkada Taleefanada Golis ee Boosaaso

 

ina_faoole_128122978.jpg

 

 

Wiilka uu dhalay madaxweynaha mamaulka Puntlnad Maxamed Cabdiraxaam Faroole ayaa ciidamo xoogan uu wato dul dhigay shirkada taleefanada Golis ee magaalada Boosaaso iyadoona ilaa xiligaana arinta cakirantahay.

 

Warar kala duwan ayaa ka soo baxayo sababta keentay in ciidamo ka amar qaato wiilka uu dhalay Faroole la dul dhigo shirkad taleefan ee dad shacab lee yihiin iyadoo warar hor dhac ay sheegayaan in masuul ka tirsanaa shirkadaasi isku soo sharaxay madaxweynanimada Puntland taa oo ka careysiisay qooska Faroole oo boqortooyo ahaan u doonayo in ay ku maamulaan gobolada Puntlnad

 

Wiilka Faroole oo ah awooda ugu weyn ee ka jirta Puntland lehna ciidamo qaas ah ayaa u muuqta shaqsi caburin ka wado deeganadaasi oo dadkeeda ay aad u jecel yihiin nabaad iyagoona maanta aad dadka reer boosaaso ula yaaban yihiin dhaqan xumadaan uu ku kacay wiilka Faroole oo deeganada punlnad looga yaqaano Seefal Islaam oo loola jeedo in uu dhaqo sidii wiilkii madaxweynahii hore Liibiya Maxamed Cumar Qadaafi

 

Si kastaba ha ahatee dhaqan xumada madaxda Afrika ayaa sidaa iska ah in dadka shacabka Canshuurta laga qaado hadana lagu dhibo xataa aysanba garan in ay xishoodaan madaama dadka kala dhaxeyso awooda dowladnimo

Share this post


Link to post
Share on other sites
YoniZ   

malistar2012 Saxiib,

 

Ma fiicnaan laheyd inaad ku sugnaatid wadaniyada iyo jaceylka aad dowladnimada u mujiisid. Dabcan hadii aysan wadaniyadu ku ekeyn xuduuudo cayiman.

 

In siyaasiyiinta SFG markii lataabto aad xajiimootid, waxaan oo kalena aad soo qortid waa wax aan isqban ee xaalka dib u eeg. :)

 

Doorasho ayaa gobaladaas ka dhici waqti dhow, marka propogandada u daa dadka tartanka kujira ama u diyaar garow hadii Faroole laga adkaado, sidii midka badala aad u caayi laheyd markii uu qolyaha aad cabsantahay ka hor yimaado.

Share this post


Link to post
Share on other sites

YoniZ;981252 wrote:
malistar2012 Saxiib,

 

Ma fiicnaan laheyd inaad ku sugnaatid wadaniyada iyo jaceylka aad dowladnimada u mujiisid. Dabcan hadii aysan wadaniyadu ku ekeyn xuduuudo cayiman.

 

In siyaasiyiinta SFG markii lataabto aad xajiimootid, waxaan oo kalena aad soo qortid waa wax aan isqban ee xaalka dib u eeg.
:)

 

Doorasho ayaa gobaladaas ka dhici waqti dhow, marka propogandada u daa dadka tartanka kujira ama u diyaar garow hadii Faroole laga adkaado, sidii midka badala aad u caayi laheyd markii uu qolyaha aad cabsantahay ka hor yimaado.

Well said YoniZ.

 

I am surprised the person who is accusing PL leaders of Nepotism while supporting a government who's track record of this disease is well known, Villa Somalia became Villa Unuka. just have a look at the pic below, it sums up what Nepotism really means.

IMG_8696.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Apart from Monkey thing everything Malistar2012 wrote about reer Faroole is true, God damn ina faroole what did last Saturday to Golis Garowe Branch by shutting down Mobile and internet services for abt 3 hrs was unjustifiable but he get away with it.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this