Sign in to follow this  
malistar2012

Dowladda Soomaaliya oo Qorsheynaysa inay Maxkamad soo taagto Sheekh Xasan Daahir Aweys oo Muqdisho k

Recommended Posts

Dowladda Soomaaliya oo Qorsheynaysa inay Maxkamad soo taagto Sheekh Xasan Daahir Aweys oo Muqdisho ku xiran

Isniin, September 16, 2013 (HOL) — Madaxii warfaafinta ee ururkii Xisbul Islaam, Sheekh Maxamed Macallin Cali ayaa maanta sheegay in dowladda Soomaaliya ay qorsheynayso inay dhawaan maxkamad soo taagto Sheekh Xasan Daahir Aweys oo muddo bilooyin ah u xiran dowladda federaalka Soomaaliya.

 

Sheekh Maxamed Macallin oo warbaahinta kula hadlay Muqdisho ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay xarigga Sheekh Xasan Daahir iyo maxkamadda ay dowalddu doonayso inay soo taagto dhawaan.

 

“Dowladda waxaan ugu baaqayaa inay sii dayso Sheekh Xasan Daahir ayna eegto masxlamadda shacabka Soomaaliyeed,” ayuu hadalkiisa ku daray Sh. Maxamed Macallin.

 

Madaxii warfaafinta ee Xisbul Islaam wuxuu hadalkiisa ku daray in xaalad aad u liidata oo dhinaca nolosha ah ay xabsiga ku haysato Sheekh Xasan Daahir Aweys wax daryeel caafimaad ahna uusan helin.

 

Sheekh Xasan Daahir Aweys oo dhowr bilood ka hor kasoo goostay Xarakada Al-shabaab ayaa ku xirnaa tan iyo markii uu Muqdisho soo gaaray xabsi ay Muqdisho ku leeyihiin ciidamada nabad-sugidda.

 

Warar hoose oo soo baxaya ayaa sheegaya in dowladda Soomaaliya ay Sheekh Xasan Daahir u wareejinayso xabsiga dhexe ee Muqdisho, iyadoo horay ay dhowr jeer madaxda dowladdu u sheegeen in xalaaddiisa caafimaad ay aad u wanaagsan tahay.

 

Lama oga go’aanka ugu dambeeya ee Sheekh Xasan Daahir ay ka qaadan doonto dowladda Soomaaliya, balse horay ayaa loogu soo bandhigay dhowr qodob oo ay ka mid yihiin inuu ka tanaasulo Al-shabaab iyo fikirkooda iyo in uusan dib ugu laaban howlihii uu ku jiray.

 

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online

maxuseen@hiiraan.com

Muqdisho, Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites
Wadani   

Khadafi;977865 wrote:
If this is true it is a major shift in somali politics. Accountability for murder and mayhem is the key to peace.

But why should he be punished, while others with blood on their hands just like him are rewarded with government positions and a comfortable retirement?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalia   

This will never happen and it's just for publicity. They'll start prolonged trial like here in the West and he'll perish way before he even makes it to the stand.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Somalia;977881 wrote:
This will never happen and it's just for publicity. They'll start prolonged trial like here in the West and he'll perish way before he even makes it to the stand.

he's getting sentenced to death trust me on this.

Share this post


Link to post
Share on other sites

When will they learn this Killer need to be put down ,by hanging or injecting poison to his venus ,let him die slowly and fell the pain that he has caused some of us, We will never forgive him the likes of him.

Share this post


Link to post
Share on other sites
YoniZ   

Good start, they should make the court proceedings public then, every high profile murderer will think twice before carrying his atrocities.

Share this post


Link to post
Share on other sites
RedSea   

Cambuulo iyo bun;977887 wrote:
he's getting sentenced to death trust me on this.

What specific crimes is he being charged? And how do you know his end , Yaa kuu waxyooday?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in ciidamada dowladda Soomaaliya ay xireen Sheekh Maxamed Macalin oo ahaa Xoghayihii ururka Xisbul Islaam ee dhinaca Arrimaha dibada, kaasoo goor dhoweyd Mas'uul u hadlay ururkaas uu sheegay inay xilka ka qaadeen.

 

Wararka ayaa sheegaya in Maxamed Macalin lagala baxay Hotel uu ka deganaa magaalada Muqdisho, iyadoo war uu saxaafada siiyay ku sheegay maalin ka hor in Ururka Xisbul Islaam uu shir nabadeed ugaga furmay magaalada Muqdisho.

 

Goor sii horeysay ayaa Ismaaciil Xaaji Caddow oo la hadlay qaar ka mid ah warbaahinta Muqdisho oo sheegtay inuu yahay Xoghayaha guud ee Golaha Shuurada Xisbul Islaam waxaa uu ka dhawaajiyay in Sheekh Maxamed Macalin ay xilka ka qaadeen, isla markaana aanu jirin shir ugaga furmay Muqdisho.

 

Lama oga halka uu ku xiran yahay, hase ahaatee xubno ka tirsan Xisbul Islaamkii bur buray ayaa sheegaya in la xiray Maxamed Macalin oo ka mid ahaa garabyo ururkaas ka tirsanaa oo Muqdisho ka waday dhaq dhaqaaq.

 

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay dowladda Soomaaliya oo ku aadan xarigan ninkan, hase yeeshee waxaa uu maalin ka hor sheegay in Sheekh Xasan Dahir loo wareejin rabo Xabsiga dhexe, isla markaana dowladdu dooneyso inay Maxkamad Milateri saarto.

 

 

Somali news leader

www.jowhar.com

jowharcom@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this