Sign in to follow this  
Somalia

Ethiopian plane carrying weapons crashes in Mogadishu

Recommended Posts

Somalia   

Jimco, August 09, 2013 (HOL) — Diyaarad la sheegay inay hub iyo saanado ciidan oo kala duwan u sidday ciidamada Midowga Afrika ee AMSIOM ayaa saakay ku gubatay garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Muqdisho, kaddib markii ay si aan sax ahayn ugu dagtay, sida ay sheegeen mas’uuliyiin ka tirsan garoonka diyaaradaha Muqdisho.

 

Saddex ka mid ah shaqaalihii diyaaradan ayaa ku dhintay, saddex kalena dhaawacyo ayaa soo gaaray inta la hubo, iyadoo diyaaradda iyo saanaddii ciidan ee ay wadday ay gabi ahaan gubteen.

 

Wararka ayaa sheegaya in diyaaraddan ay lahayd dowladda Itoobiya, iyadoo aan la ogeyn halka ay kasoo qaadday hubka iyo saanadaha ciidan ee wadday , waxaana shilkan uu keenay in la hakiyo gabi ahaan duullimaadyadii kasoo degi lahaa garoonka diyaaradaha Muqdisho intii ay diyaaraddu gubanaysay.

 

“Diyaaraddu waa mid milatreri oo weyn, markii garoonka soo cago-dhigatay ayay ka baxday jidka ay diyaaraduhu ku cararaan, waxaana ka dhashay dab xooggan, kaasoo keenay inuu si fudud u qarxo hubkii saarnaa. diyaaraddii iyo qalabkii saarnaa oo dhanna way gubteen,” ayuu yiri sarkaal ka tirsan howl-wadeenna garoonka diyaaradaha Muqdisho.

 

Ciidamada AMISOM oo isku dayay inay damiyaan diyaaradda markii uu dabku ka kacay ayay u suuro-geli waxaana intii ay diyaaraddu gubanaysay hakad la geliyay howlaha garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

 

Ma jiro hadal kasoo baxay AMISOM oo ku saabsan burburka diyaaraddan u sidday hubka iyo saanadda ciidan, waxaana shilkan oo dhacay 8:00 aroornimo ee saaka oo Jimco ah uu noqonayaa kii ugu horreeyay noociisa oo ka dhaca garoonka diyaaradaha Muqdisho.

 

Wixii warar ah ee kusoo kordha shilkan diyaaradeed ee ka dhacay garoonka diyaaradaha Muqdisho waxaad kula socon doontaan wararkeenna dambe haddii ALLE ogolaado.

 

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalia   

Published:
July 24, 2013

 

images?q=tbn:ANd9GcR8catcxRdVSynFCiXzV7u

 

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Fiqi ayaa kasoo laabtay safar uu ku tagay dalka Ethiopia isaga oo ay weheliyaan laba masuul oo wasaaradda difaaca ka tirsan. Wasiirka oo kusoo laabtey dalka ayaa saxaafadda usheegey inuu safarkiisu la xariiray xoojinta xiriirka labada dal balse KismaayoNews waxay heshay xog kusaabsan safarka Fiqi iyo waxii u tagay ee saxaafadda laga qariyay.

 

Safarka wasiirka ayaa ahaa mid aan la shaacinin oo aan helin soo dhaweyn iyo maamuuskii wasiir waloow maalmo kadib ay u suuro gashay inuu la kulmay Raisul Wasaaraha Ethiopia ayna ka wada hadleen xiriirka labada waddan
. Balse muddadii uu joogey waxuu halkaas u tagay inuu si dhuumasho ah usoo gato hub u badan rasaas iyo qoryaha la saaro baabuurta ee Soomaalidu u taqaano Dhashiike
. Wasiirka ayaa sidaan Warlugeed ku helnay soo iibsaday rasaas aad ubadan una badan qoriga AK47 iyo Qoriga BKM ka iyo dhawr kun oo qori oo isugu jira, AK47, BKM iyo Dhashiikeyaal ku kacay qiime malaayiin doolar ah.

 

There's no doubt HAG wanted to use these weapons against the blessed state of Jubbaland.

Share this post


Link to post
Share on other sites
GAROODI   

Cambuulo iyo bun;972784 wrote:
D-block conspiracy theory Rofl
:D

They think everyone thinks like them hense why they are always suspicious of others lol.

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Haatu   

*Ibtisam;972791 wrote:
The amazing thing is that form these pictures I found out there is a working and kitted fire department!

Such an arrogant and belittling post!

 

(I know that's not what you meant but it could very easily be twisted that way :P)

 

PS: troll get a life.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalia   

Cambuulo iyo bun;972784 wrote:
D-block conspiracy theory Rofl
:D

The facts are displayed right in front of you. Cambuulo iyo bun (kkk).

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this