Sign in to follow this  
xiinfaniin

Kismaayo:Security Sweep Results One Death

Recommended Posts

Kismaayo:Ciidanka maamulka Jubbaland oo kala didiyay maleeshiyaad jidgooyo dhigtay

June 7, 2013

Wararka naga soo gaadhaya magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in koox maleeshiyo beeleed ah ay saaka jidgooyo dhigteen mid kamida wadooyinka magaalada.Maleeshiyada ayaa rasaas kufuray gaadhi uu saarnaa mid kamida saraakiisha ciidamada Jubbaland oo wadada marayay iyadoo ilaaladii sarkaalka ay rasaas ku jawaabeen.Israsaasayntaas ayaa waxay sababtay dhimashada mid kamida ilaaladii sarkaalka.Kooxdii jidgooyadu utiilay ayaa goobtii ka baxsaday waxayna galeen mid kamida guryaha magaalada iyadoo halkaa uga daba tageen ciidamada maamulka Jubbaland.

 

Maleeshiyadan jidgooyada dhigtay ayaa horay uga mid ahaan jiray ciidamada dowlada waxayna ciidanka ka gadoodeen isbuucii lasoo dhaafay.

 

Wixii kasoo kordha shaqaaqadan kala soco wararkaanaga dambe

Share this post


Link to post
Share on other sites
The Zack   

^:D :D He did. He posted it three times LOL. Suu u farxay baan la yaabay. The HAG news portals he relies on have failed him big time. Every time they excite him, they end up telling a lie. He is about to give up on them.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^:D :D @He is about to give up on them

 

Qolyo isbaaro dhigtey iyo Ciidanka Jubaland oo isxabadeeyey

 

Maleeshiyo isbaaro dhigtey iyo Ciidanka Dowladda Jubaland ayaa is fara saarey, Maleeshiyada ayaa markii hore amar lagusiiyey iney kukala tagaan meesha wayse ka dhaga adeygeen, Waxaana durba bilaabatey xabado.

 

laba kamid ah maleeshiyada ayaa dhintey 15 kalana waa la qabtey, Waxayna sheegeen in dhinaca Xamar lagasoo abaabuley amarna lagusiiyey iney wadada Xiraan.

 

Ciidanka Amaanka Jubalandcwaxay sheegeen iney hayaan Cadeymo sheegaya in falka maanta dhacay ay Dowlada Federaalku soo abaabushey iyagoo uga gol leh iney khalkal ka abuuraan amaanka Magaalada.

 

Ciidanka Amaanka Jubaland waxay Sheegeen iney Talaabo adag ka qaadayaan cid kasta oo fal noocaan ah sameeya iyo Waliba Dowlada Federaalka oo ku lug leh falkaan maanya dhacay.

 

Dhinaca kale waxaa jira saxaafado buunbuuninaya falkiii maanta dhacay oo ay VOA du ugu horeyso.

 

Xaafada Calanlay ayaa hada ciidanku ka wadaan howlgal lagusoo qabanayo qaar ka mid ah maleeshoøiyaadkiivIsbaarada dhigtey.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^Give it up, Xaaji Habaar, you jumped the gun hoping your prayers will be accepted and Kismayo will witness another bloodshed

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^ Who said i jumped the gun i just posted what was posted on all the Somali websites i didn't even gave my opinion on the matter i just said reconcalation before state formation is needed. Now how is that wrong

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^ I post all sort of news from Somalia getting aid from development projects , to the wars these are the realities on the ground.

Do you want me to stop war topics , they will be posted by some one else so what does it matter. News is news.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ilaa 7-ruux ayaa ku dhimatay dagaalkii maanta ku dhex maray bartamaha magaalada Kismaayo maleeshiyaad taabacsan Madaxweynayaasha lagu kala doortay magaalada, iyadoo beryihii u dambeeyay magaalada ka jirtay xiisad siyaasadeed.

Xaalada magaalada ayaa ah mid degan, inkastoo ay jirto cabsi ku aadan in mar kale dagaalada soo laabtaan, iyadoo dhinacyada is hayana ay daaraha magaalada la koreen qoryaha daran dooriga u dhaca.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Haatu   

Cambuulo iyo bun;959894 wrote:
Ilaa 7-ruux ayaa ku dhimatay dagaalkii maanta ku dhex maray bartamaha magaalada Kismaayo maleeshiyaad taabacsan Madaxweynayaasha lagu kala doortay magaalada, iyadoo beryihii u dambeeyay magaalada ka jirtay xiisad siyaasadeed.

Xaalada magaalada ayaa ah mid degan, inkastoo ay jirto cabsi ku aadan in mar kale dagaalada soo laabtaan, iyadoo dhinacyada is hayana ay daaraha magaalada la koreen qoryaha daran dooriga u dhaca.

If wishes were true. You and Xaaji Habaar continue cooking that bun and the unceasing dikri.

Share this post


Link to post
Share on other sites

President of Jubbaland Mr Baasto, Ahmed madoobe militia wanted to Kidnap me

Faahfaahin dheeri ah oo ku saabsan iska-horimaadkii ka dhacay Magaalada Kismaayo iyo Bandow lagu soo rogay Magaaladaas

 

Jimce, Juun 07, 2013 (HOL) — Faahfaahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxa dagaal maanta ku dhexmaray bartamaha magaalada Kismaayo maamulka uu hoggaamiyo Sheekh Axmed Madoobe iyo ciidammo taageersanaa mid ka mid ah raggii ku dhawaaqay inay madaxweynaha ka yihiin maamulkii looga dhawaaqay Kismaayo ee Jubaland.

 

Wararka ayaa waxay sheegayaan in saddex qof oo laba shacab ah iyo mid ka mid ah dhinacyadii dagaalamay ay ku dhinteen dagaalka, halka ay ku dhaawacmeen lix qof oo kale oo laba ka mid ah ay ahaayeen shacab.

 

Magaalada Kismaayo ayaa lagu soo rogay bandow, iyagoo waddooyinka ay ku sugan yihiin ciidammo fara badan ka amarqaata maamulka Sheekh Axmed Madoobe, iyadoo la xiray dhammaan goobihii ganacsiga iyo isku socodka dadka iyo gaadiidka.

 

“Ciidamadii dagaalamay waxay isku horfadhiyaan isgoyska Somali Star ee xaafadda Calanleey, waxaana weli laga maqlayaa magaalada rasaas mararka qaarkood dhacay xiisad ayaana taagan,” ayuu yiri wariyaha HOL uga soo warrama Kismaayo, Xasan Nuur.

 

Sidoo kale, wariyuhu wuxuu sheegay in xiisad aad u kacsan ay ka jirto gudaha magaalada, dadkuna ay cabsi badan muujinayaan, wuxuuna xusay in baqdinta ugu weyn ee la qabo ay tahay inay mar kale dagaalamaan dhinacyada uu dagaalku dhexmaray.

 

Iftin Xasan Baasto oo ka mid ah madaxweynayaasha sheegtay inay madax u yihiin maamulka Jubbaland oo dagaalka qayb ka ah ayaa sheegay inay isku-dayeen ciidammo ka tirsan kuwa Sheekh Axmed Madoobe inay afduubaan taasna ay keentay inuu dagaalku qarxo.

 

“Dagaalkan wuxuu ahaa mid lagu doonayo in aniga la igu afduubo, waxaana i soo weeraray ciidamada Axmed Madoobe, waana ka baxsaday,” ayuu VOA-da u sheegay Iftin Baasto oo sheegay in weli ay ka taagan tahay Kismaayo xiisad kacsanaan ah.

 

Xiisaddan ayaa noqonaysa tii ugu horreysay oo u dhexeysa rag isku haysta xilka madaxweynimo ee Jubbaland oo ka dhacda magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, iyadoo dowladda Soomaaliya ay horay uga digtay in khilaafka ka taagan Kismaayo uu sababi karo gacan ka hadal.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Mr. Baasto and his likes will soon understand what the will of Kismayo people mean; law and order. There is a sheriff in town, and sbaaro profiteer will not be allowed to set up roadblocks in the middle of the city.

 

Tonight there is a security curfew in Kismayo , and major sections of the city are being combed. That is a sign of resolve that the days of warlords are over

Share this post


Link to post
Share on other sites

Kismaayo(AGGM) Wararka hadda laga helayo gudaha magaalada kismaayo ayaa shaacinaya in dagaal culus hadda ka socdo gudaha magaalada kismaayo dagaalkaas oo u dhexeya ciidamada Daacada u ah Nin Lagu magacaabo Xasan Baasto oo madaxweyne dhawaan sheegtey iyo ciidamada Jabhadda Raaskambooni ee uu hogaamiyo Axmed Madoobe,waxaana dagaalkaasi yahay mid si xoogan u socda.

 

Ciidamada Jabhadda Raaskambooni ayaa la sheegey inay weerar ku qaadeen guri uu deganaa Xasan Baasto waxaana la sheegay in dagaal culus halkaasi ka qarxay kaasi oo sababay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh oo labada dhinac soo kala gaarey,waxaana la sheegey in ciidamadii weerarka soo qaadey ee Raaskambooni dib loo riixay isla markaasna laga qabsadey gaari nooca dagaalka ah.

 

Xabadda ayaa la sheegayaa inay ku faaftey qaybo ka mid ah magaalada kismaayo waxaana dagaalkaasi hadda u muuqda mid sii qaboobaya waxaana wararku sheegayaan in labada dhinac isa soo gaarsiiyeen dhimasho iyo dhawac labada dhinac soo kala gaaray iyo dad shacab ah.

 

Xaalada magaalada ayaa ah mid kacsan waxaana lagu wadaa in labada dhinac ee dagaalamay mar dhaw saxafada la hadlaan inkastoo dagaalku hadda ka socdo qaybo ka mid ah xaafadaha magaalada Kismaayo,waxaana la sheegayaa in dhaawacyada dagaalkaasi ku waxyeeloobay loo qaadey isbitaalka weyn ee magaalada kismaayo.

 

Ugu dambeyntii khasaaraha labada dhinac ayaa la sheegaya inuu gaarayo 5 askari oo dhimasho ah iyo hal gaadiid dagaal ah oo laga qabsaday dhinac Axmed madoobe,waxaana la sheegayaa in gaarigaasi hadda ay gacanta ku hayan kooxda la sheegey inay tageersan tahay Xasan Basto oo sheegtey inuu madaxweyne Yahay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ciidamada Jabhadda Raaskambooni ayaa la sheegey inay weerar ku qaadeen guri uu deganaa Xasan Baasto waxaana la sheegay in dagaal culus halkaasi ka qarxay kaasi oo sababay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh oo labada dhinac soo kala gaarey,waxaana la sheegey in ciidamadii weerarka soo qaadey ee Raaskambooni dib loo riixay isla markaasna laga qabsadey gaari nooca dagaalka ah.

 

After disappointment trip to Kenya , out of frustration and disappointment Sh Modaba attacks his rivals a weak link and was defeated...

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this