Sign in to follow this  
Haatu

Xildhibaan Cabdiraxmaan Xoosh oo ka warbixiyay kulan Maanta dhexmaray Guddiga dowladda iyo Maamulka

Recommended Posts

Haatu   

Xildhibaan_Xoosh.jpg

 

Talaado, May 28, 2013 (HOL) — Xildhibaan Xoosh Jibriil oo kamid ah guddi ka koobnaa 16 xubnood ee ay dowladda Soomaaliya usoo xilsaartay arimaha Jubbooyinka ayaa ka warbixiyay kulan ay maanta la qaateen mas'uuliyiinta maamulka Kismaayo.

 

Xildhibaan Xoosh oo warfidiyeenada kula hadlay Hotel Cas-caseey ee magaalada Kismaayo ayaa sheegay in kulankii ay maanta la qaateen maamulka Kismaayo ay uga wadahadleen arrimo dhowr ah, wuxuuna intaa ku daray in ay isku afgarteen dhammaan qodobbadii ay ka wadahadleen.

 

Mas'uulkan ayaa sheegay in arimaha ugu muhiimsan ee ay isku afgarteen ay kamid ahayd in lawada ilaaliyo nabadda iyo xasiloonida dalka iyo in la taageero go’aamadii kasoo baxay shirkii IGAD islamarkaasina laga qeybgalo shirka ka dhici doona magaalada Muqdisho.

 

“Waxyaalo badan baan meel isla dhignay oo ay kamid tahay in aan isku wada raacnay amarkii kasoo baxay IGAD inaan u wada hogaansanno iyo shirarka lagu xusay go’aamadii kasoo baxay IGAD shirarka lagu qaban doono xamarna inaan wada fududeeyno siduu u dhici lahaa kadib waxaanu ku ballannay inaanu isu soo noqonno oo waxyaalo cad cad isku raacno maalmaha soo socdo,” ayuu masuulkani hadalkiisii raaciyay.

 

Xildhibaan Xoosh ayaa sheegay in maamulka Kismaayo gaar ahaan garabka uu hogaamiyo Sheekh Axmed Madoobe ay u cadeeyeen in ay taageersanyihiin dowladda Soomaaliya islamarkaasina ay diyaar u yihiin in si nabad ah xal looga gaaro khilaafaadka u dhexeeya maamulka iyo dowladda Soomaaliya.

 

Kulanka ay isugu yimaadeen xildhibaanada dowladda Soomaaliya iyo maamulka Kismaayo ayaa imaanaya iyadoo garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo ay ku suganyihiin wafdigii wasiirada ahaa ee uu hogaaminayay wasiirka gaashaandhigga xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane C/xakiin Max’uud Xaaji Fiqi.

 

Xasan Nuur, Hiiraan Online

hnur@hiiraan.com

Kismaayo, Soomaaliya

 

http://www.hiiraan.com/news/2013/May/wararka_maanta28-22051.htm

Share this post


Link to post
Share on other sites

Hoosh will be singing a different tune very soon; such is the nature of amateur politicians. The administration told this committee Jubbaland admin's policies . That there is an admin in the city, if they recognize it , and we can engage , if not go back to Mogadishu and wait the IGAD reconciliation. Apparently Hoosh now recognizes the administration whom he characterized as unconstitutional few days ago :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
YoniZ   

Haatu;955942 wrote:

“Waxyaalo badan baan meel isla dhignay oo ay kamid tahay in aan isku wada raacnay
amarkii kasoo baxay IGAD inaan u wada hogaansanno
iyo shirarka lagu xusay go’aamadii kasoo baxay IGAD shirarka lagu qaban doono xamarna inaan wada fududeeyno siduu u dhici lahaa kadib waxaanu ku ballannay inaanu isu soo noqonno oo waxyaalo cad cad isku raacno maalmaha soo socdo,” ayuu masuulkani hadalkiisii raaciyay.

Saxiib Ma istiri halkaan ayey arintu ka qurunsantahay, Somalina nabarka daa'uuska haya ee bogsan la' waa kaas.

Waxay u egtahay shir ay IGAD hogaaminayso in hadana lagu wada heshiisiin doono oo midwalba hankiisa dib u laqi doono. Bal maxaa u diiday inay is afgartaan oo isfahmaan ayagoo Somali kuwada hadlaya.

 

Waxa markiiba kuu soo baxaya in ducfigan ay dadkeenu isbadayaan ayadoon lagu khasbin ay muda dheer soo jirtay bal eeg erayadii AUN Abwaan Cadullahi Timacade:

Doc hadday u wada jeedsatooy, dhowrto danaheeda

Ooy duul walaala ah tahaooy, duunka ka heshiiso

Dadka kama yaraateene ways, dabar jaraysaaye

Dubba madaxa wayskala dhacdaa, daa'in abidkiise

Goortay is wada dooxatay baa, daad u soo geliye

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this