Sign in to follow this  
Dr_Osman

1200 Homes Open For IDPS In Garowe And Burtinle. PICS + AUDIO

Recommended Posts

Dr_Osman   

Dr.Farole oo furey guryo loo dhisay barakacayaasha

20 May 20, 2013 - 1:07:42 AM

 

GAROWE ONLINE

 

Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiraxman Maxamed Farole ayaa maanta 20 May ,2013 xariga ka jaray 600 oo guri kuwaasi oo hayada World Vision u dhistay barakacayaasha Garowe ku dhaqan.

 

Wasiiro ka tirsan xukuumadda ,xildhibaano ,madaxda hayada World Vision ,maamulka gobolka Nugaal ,masuuliyiinta degmada Garowe ,gudoomiyaasha barakacayaasha iyo dadweyne ayaa ka soo qaybgalay xaflad loo qabtay wareejinta guryahan.

 

Xaafada Jilab oo duleedka Garowe ku taal ayaa duqa degmadu Cabdicasiis Cilmi Koor uu sheegay inay noqoneyso xaafada 8-aad ee magaalada Garowe ,waxana ay soo bandhigeen qaar ka mida cayaaraha hidaha iyo dhaqanka ee gobollada Konfureed.

 

Gudoomiyaha gobolka Nugaal Cabdi Xirsi Cali ayaa ka warbixiyey guryahan oo uu sheegay in 1200 ay ahaayeen lagana kala dhisay mid 600 oo guri degmooyinka Garowe iyo Buurtinle islamarkaasina ay ku dhanyihiin adeegyadii kala duwanaa sida Ceel biyoodka ,Saldhig Boolis ,Xarunta caafimaad iyo mid waxbarasho.

 

Puntland ayaa waxa ku sugan in ka badan 300 kun oo barakacayaasha Koonfurta Somalia ka yimid ka dib colaado iyo abaaro ka dhacay goboladaasi.waxana guryahan loo dhisay yihiin kuwo deegaan ay iska leeyihiin ayadoona qoysasku u heleen qori tuur ama nasiibka.

 

Wasiirka arrimaha gudaha Puntland Gen.Ilkajiir ayaa maalin qiimo wayn ku tilmaamay maanta ka dib 600 oo qoys oo lagu wareejinayo guryo ay leeyihiin ,isagoona xusay in Puntland ay soo dhoweyneyso walaalahooda Soomaliyeed ee colaadaha Koonfurta ka jira ka soo barakacay.

 

''Hadii ay horey barakacayaal u ahaayeen maanta waa deegaan ,Somalia dadkoo dhan ayaa wadaag,waxaan ognahay kuwa Muqdisho jooga inaan loo ogolayn deegaan balse anagu waan u ogolaanay ,way shaqeystaan .ilmahooda bay waxbartaan waxana ay nagu leeyihiin xuquuqdooda inay helaan'' ayuu yiri Ilkojiir.

 

Wasiirka ayaa ku booriyey dadka degaya xaafada Jilab inay adkaystaan nabadgelyada ay haystaan islamarkaasina iska ilaaliyaan in lagu soo dhex dhuunto.

 

Madaxweynaha Puntland ayaa soo xiray xafladan waxana uu u mahadceshay hayadii dhistay guryahan iyo dowladda Canada oo ku deeqday dhaqaalaha ku baxay dhismaha guryahan.

 

''Waxaa waxtar ka ah wixii muuqda oo dadka wax u noqonaya sida guryahan ,biyaha ,waxbarashada ,cafimaadka ,wadooyinka iyo baahiyaha kale ee jira'' ayuu yiri madaxweynuhu oo ka hadlay deeqaha caalamku ku bixiyo taageerida Somalia oo badidood ku baxaan safaro iyo siminaaro.

 

Dadka reer Puntland ayaa Dr.Farole ku amaanay sida ay u soo dhoweeyeen walaalahooda dalka qaybihiisa kale ka soo barakacay ,isagoona ku baaqay isdhexgal bulsho iyo in la kala faa'ideysto hidaha iyo dhaqanka.

 

''Waxa Muqdisho laga soo sheegayo inaysan halkan ka dhicin idinkaa marqaati ka ah,taasina waxaan ku amaanaya dadweynaha reer Puntland oo soo dhoweyey walaalahooda colaadaha iyo abaaraha ka soo cararay'' ayuu yiri Farole.

 

Xeryaha barakacayaasha Muqdisho ayaa HRW shaaciyey bishii March in tacadiyo iyo kufsi ciidamada dowladdu iyo kooxo hubaysani u gaystaan haweenka,waxana la raaciyey in cagojuqlayn iyo hayb sooc u dheertahay halka qaarkood loo diiday inay ku noqdaan goboladii ay ka yimaadeen sida Bay iyo Bakool.

 

Halkan ka dhageyso khudbada uu jeediyey madaxweynaha Puntland

http://www.garoweonline.com/artman2/publish/Wararka_19/Garowe_Dr_Farole_oo_xariga_ka_jaray_xaafada_barakacayaasha.shtml

 

IMG_0249.JPG

IMG_0263.JPG

IMG_0270.JPG

IMG_0278.JPG

IMG_0281.JPG

IMG_0299.JPG

IMG_0286.JPG

IMG_0296.JPG

IMG_0287.JPG

IMG_0337.JPG

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

Puntland oo 1200-guri ku wareejisay barakacayaasha Garowe iyo Burtinle [sawiro]

 

Waxa maanta 600-guri lagu wareejiyay qaar ka mid ah barakacayaasha ku nool magalada Garowe,guryahaan la wareejiyay ayaa waxaa dhistay Hay'adda Wold Vision oo dhaqaale ka helaysa Ingiriiska iyo Cenada.

 

Dadka barakacayaasha ah ayaa guryahaan looga dhisay duleedka bari ee magalada Garowe,waxana loo baxshay xaafada Jilab.waxayna ka mid noqonaysaa xaafadaha magalada.

 

Munaasibadii lagu taah furayay wareejinta xaafada cusub ayaa waxaa kasoo qayb galay Madaxwaynaha Puntland,gollayaasha xukumada,saraakiil ka socotay Hay'ada dhistay hoygaan ee Wold Vision,mamulka gobalka kan degmada iyo masuuliyiin kale.

 

Bilowgii xafada waxa ka hadlay Gudoomiyaha Gobalka Nugaal Cabdi Xirsi Cali Qarjab,wuxuna sheegay Hay'adda Wold Vision inay Garowe iyo Buurtinle ka dhistay 1200-oo guri looguna talo galay dadka soo barakacay ee degan Puntland.

 

Qarjab waxa uu sheegay xaafadaan cususb inay u dhan yihiin adeegyadii arimaha bulshada sida ,biyaha,xarunta caafimaadk,xarunta nabadgalyada,wuxuna sheegay dowlada Puntland inay dadaal dheeraad ah ku bixisay sidii mar qura dadka danyarta ah loogu heli lahaa hoy ayay kaga harsadaan qoraxda iyo dabaysha magalada ka dhacda.

 

Muuse Gaarana Cilmo oo ku hadlayay afka dadka guryahaan loo dhisay ayaa uga mahad celiayay hay'adii dhistay iyo xukumada Puntland,wuxuna sheegay kolkii hore inay deganaan jireen guryo ka samaysay baco iyo xooshado la isku talow,balse hada ay ka najaxeen daruuftii ka haysatay dhanka hoyga.

 

Sargaal ka tirsan Hay'adda Wold Vision oo munaasibada ka hadlay ayaa ka waramay dhismaha guryahaan maraxaladihii ay soo mareen,wuxuna sheegay sanadkii hore inay bilaabeen dhismaha isla markasna hada ay gaareen guushii laga lahaa oo ahayd in dadka danyarta ah ay helaan meel ay ku nagaadaan.

 

Wasiirka arimaha gudaha Puntland Cabdilaahi Axmad Jaamac''Ilkajiir'' ayaa dhankiisa sheegay sidaan oo kale Degmada Burtinle inay ka socoto munaasibad lagu wareejinayo guryo 600-gaaraya oo ay ha'adda Vision ka dhistay,wuxuna dadka danyarta ah ugu baaqay Ilkajiir inay ammaankooda ka shaqeeyaan oo ay laamaha amniga kusoo wargaliyeen cidii ay ka shakiyaan si gacan bir ah loogu qabto.

 

Ugu danbayntii munaasibada waxaa soo xidhay madaxwaynaha Puntland Dr,Cabdiraxmaan Shiikh Maxamad Faroole,wuxuna sheegay xukumada uu hogaaminayo inay ka go'an tahay sidii dadka danyarta ah gacan waxqabad loogu fidin lahaa,wuxuna sidoo kale tilmaamay in looga baahan yahay barakacayaasha inay waxqabad la yimaadaan oo ay xafidaan guryaha loogu deeqay.

 

Puntland waxay ka mid tahay dhulka ay kusoo barakacaeen dadka uu saameeyay colaada iyo dagaaladii ka dhacay koonfurta Soomaaliya.

 

 

Dunidaonline.com

Xafiiska Garowe

 

Daahfur3.JPG

Daahfur2.JPG

Daahfur4.JPG

Daahfur6.JPG

Daahfur7.JPG

Daahfur8.JPG

Share this post


Link to post
Share on other sites
Baashi   

Good stuff. Why build all 1200 units in one locality? Wouldn't be better to spread the love and build 300 in Buuhoodle, 200 in Baran, 300 in Goldogob, 300 in Caluula district and so on and so forth :)

 

Still it's all good. Good job.

Share this post


Link to post
Share on other sites
D.O.C   

It is good to see the tamil brothers coming back to their homeland after long struggle with Srinlakan government. Well done Puntland!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this