Sign in to follow this  
Dr_Osman

Bosaso 22 Years On - PICS

Recommended Posts

Dr_Osman   

22sano ka dib Muuqaalka Magaalada Boosaaso Maanta waa sidee?+Sawiro

 

May 8, 2013 - Written by Webmaster - Edited byWebmaster

 

Salaama Markale, Maanta waxaan Idiin hayaa Sawiro Guud oo ku tusinaya Boosaaso waa magaalo ganacsiga Puntland, oo Dulsare ka sawiran, quruxda Guryaha, Bilicda kale iyo Qaab dhismeedka loo bogay.

 

Sawirada Aad daawan Doontaan waxaa laqaaday Dhowaan, lakin waqtiyo kala duwan sida kuwo la qaaday Xili Qorax dhac ah Ama Galab ah, iyo kuwa la qaaday xili Barqo ah

 

Daawasho Wacan

 

07.jpg

08.jpg

DSC00404.jpg

DSC00406.jpg

DSC01428.jpg

DSC01512.jpg

DSC01516.jpg

DSC08647.jpg

DSC08654.jpg

DSC08656.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

All Bossaso needs now is shiny towers going up. I suggest all the telecommunication and banks stand up and invest in headquarters like iftin and golis is. I urge the business community abroad return now and invest in the city because this is going to be home for a long time to come.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalax   

Nice pictures.

 

Wiil Cusub;948367 wrote:
From Bosaso to Kismanyo and back to Bosaso good luck

 

:D

Share this post


Link to post
Share on other sites

DAAWO SAWIRADA: Mudaharaad looga soo hor jeedo Faroole oo ka dhacay Boosaaso iyo Ciidamada oo rasaas ku jawaabay

May 10, 2013 - jawaab

 

Views 123

Banaanbaxa maanta ayaa ahaa mid ay dhigayeen shacabka magaalada Boosaaso oo iskood isu soo abaabulay, xili ay shacabka si weyn uga cabanayaan sicir bararka magaalada ka jira iyo siyaasada xukuumada Puntland.

Ciidamada dowlada gaar ahaan ciidamada Bada iyo kuwa Boliiska ayaa rasaas xoogan ka riday xaafada Laanta Hawada iyo Wadada Laamiga halkaasi oo ay ka dhaceen mudaharaadyo ay dhigayeen dad rayid ah.

Rasaasta ayaa keentay shacabku ay guryahooda galaan, halka qaar kamid ah xaafadaha magaalada ay isaga baxeen shaqaalaha hay’adaha u shaqeeya. Xaafada Laanta Hawada oo ah xaafada ay ku yaalaan inta badan xarumaha hay’adaha NGO, ayaa la arkayey saaka iyagoo halkaasi isaga baxaya qaar kamid ah hay’adaha halkaasi degenaa.

Dhinaca kale waxaa illaa iyo hada hawada magaalada Bosaaso dul heehaabeysa diyaarad helikobter ah oo ay adeegsadaan ciidamada Bada oo uu ku rakiban yahay qoriga Dhashiikaha.

Mudaharaadka maanta ayaa kusoo beegmay xili ay shaqaalaha dowlada ay ka cabanayaan mushahar dhimis ay dowlada todobaadkan ku dhawaaqday.

Arbacadii lasoo dhaafay ayey magaalada Bosaaso gadood ka sameeyeen ciidamada Darawiishta kuwaasi oo weli ku sugan magaalada Bosaaso.

Madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Farole ayaa magaalada Bosaaso usoo diray Kuxigeenkiisa Gen.Cabdisamad Cali Shire oo saaka magaalada kula kulmay qaar kamid ah Saraakiisha Darawiishta ee codsanaya mushaharkooda. Wadahadalkaasi oo aan weli wax natiijo ah kasoo bixin.

 

mu.jpg

mu1.jpg

mu2(1).jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ciidamo Lacunay Mushahar Koodii oo Mudo Qabsaday Kantarolka Boosaso

 

 

May 8, 2013 - jawaab

Ciidamado Katirsan Maamulka Puntland Fadhiisin Kooduna yahay Deegaanka Sugure ee Duleedka Magaalada Boosaaso ayaa Saacado kooban la Wareegay Hoggaanka Kantaroolka,waxayna Joojiyeen gebi ahaanba Isu socodka Gaadiidka soo galaya Magaaladda iyo kuwa ka baxaya.

 

Ciidamada oo ku hubeysnaa Gaadiidka Dagaalka ee Tiknikada ayaa sida la sheegay ka Cabanayey Mushaar muddo shan bilood ah oo aysan siin maamulka Faroole ee Puntland,waxaana Carada ugu weyn ay ka dhalatay ka dib markii loo geeyey Mushaarka bishii 4-aad.

 

Mid kamid ah Gaadiidleyda Safarka ee u baxda Magaalada Qaradho ayaa Warbaahinta u sheegay in Ciidamadu u diideen in ay ka baxaan Magaalada isla markaana Kantaroolku ahaa mid Gaadiid badan isugu Yimaadeen.

 

Ciidamada oo difaac kaga jiray deegaanka Sugure ee duleedka Boosaaso ayaa laga gooyey 30% lacagaha ay Mushaar ahaan u qaadan jireen,iyagoona bishii Mushaar u qaata laba Milyan oo Shilin Somali ah,waana tan keentay iney ka gadoodaan Lacagaha laga jaray iyo bilaha ka maqan.

 

Amuurtaan ayaa waxay Imaanaysaa iyadoo Ay Dhowaanahanba Soo Ifbaxaysay Dhaqaalo la’aanta Xoogan ee lasoo Deristay Maamulka Faroole.

Ciidan2.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalia   

^^ Like a scorned housewife, this secessionist chooses to ruin what is else a decent thread about development, cajiib!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this