Sign in to follow this  
xiinfaniin

New Somali Ambasador to London

Recommended Posts

Soomaaliya oo Safiir u Magacowday Ingiriiska, ka hor inta aan la qaban shirka looga Hadlayo Arrimaha Soomaaliya

 

Khamiis, Abriil 18, 2013 (HOL) — Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta u magacowday dalka Britain danjire cusub, kaasoo loo magacabay, C/llaahi Maxamed Cali (Sanbololshe), waxaana magacaabistiisa lagu ansixyay kulan ay golaha wasiirradu maanta yeesheen.

 

Danjirahan ayaa wuxuu noqonayaa kii ugu horreeyay ee ay Soomaaliya u magacowdo dalka Britain tan iyo markii ay dhacday dowladdii dhexe ee Soomaaliya muddo laabtan sano ka badan laga joogo.

 

“Maadaama lagu wado in bisha May ee sannadkan lagu qabto London shir looga hadlayo arrimaha Soomaliya, waxaa lagama maarmaan noqotay in la magacaabo safiirka Soomaaliya ee Britain,” ayuu yiri wasiir ku xigeenka wafaafinta, Ibraahim ***** Yaroow.

 

Sidoo kale, wasiir ku xigeenku wuxuu sheegay in danjiraha sababaha loo magacabay ay ka mid tahay sidii loo adkeyn lahaa xiriirka Soomaaliya iyo Britain, iyadoo dowladda Britain ay horay u sheegtay inay daneynayso sidii ay u xoojin lahayd xiriirka ay la leedahay Soomaaliya.

 

Xukuumadda Britain ayaa horay safiir ugu soo magacowday Soomaaliya, iyadoo madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh uu siiyay dhul ay ka dhisato safaarad, waxaana Britain ay sheegtay inay ciidammo gaar ah oo ilaaliya safaaraddeeda u soo diri doonto Muqdisho.

 

Tan iyo markii la doortay madaxweyne Xasan Sheekh waxaas oo kordhayay dalalka daneynaya inay safaarado ku yeeshaan Soomaaliya, waxaana maalin ka hor Muqdisho yimid danjireyaasha Soomaaliya u fariisan doona dalalka Sweden iyo Holland, kuwaasoo warqadahooda aqoonsiga ku wareejiyay madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

 

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online

maxuseen@hiiraan.com

Muqdisho, Soomaaliiya

Share this post


Link to post
Share on other sites

malistar2012;939633 wrote:
C/llaahi Maxamed Cali (Sanbololshe ? info on this guy xiin

In other pertinent words, qabiilkiisa inaa ogaatid soo ma rabtid? Waa Reer Hiiraan oo Ingiriiskana mudo badan ku noolaa saa jeclahay. Haye ma kugu filantahay intaas. Sanadkii 2009 wasiirka nabadsugidda ayuu ka noqday dowladii Cumar C/rashiid.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this