Sign in to follow this  
Waranle_Warrior

Caasimada Soomaaliya waa in Sadex Magaalo ku tartamaan midii noqon laheyd

Recommended Posts

Caasimada Soomaaliya waa in Sadex Magaalo ku tartamaan midii noqon laheyd.

March 31, 2013 3:26 pm GMT - Written by Mukhtar - Edited by Mukhtar

Print Print

 

Waxaa shaki ku jirin in weli aan la isku afgaran halka sida rasmiga ugu noqon doonta Xarunta Dalka magaalo madaxda Soomaaliya, tan iyo markii Dagaalada Sokeeye ka qarxeen Caasimada Dalka Soomaaliya ee Muqdisho, kuna kaliftay dadkii wada deganaa in ay ku kala qaxaan ilaa iyo maantana la haysto deegaano shacab leeyahay iyo dhulalkii dowladda oo laga dhigay intoodii badneyd kuwo gaar loo leeyahay oo la boobo.

 

Muqdisho oo u magaalo lagu kala dhaqaaaqay

 

Muqdisho oo u muuqata magaalo lagu kala dhaqaaaqay

 

Haddaba, iyadoo aan weli lagu heshiin sida rasmiga ah halka Caasimad u noqonaysa Ummadda Soomaaliyeed ayaa weli waxaa jira fursado lagu tatansiinkaro sadex magaalo oo dhex dhexaad ah una sinaankara shacabka Soomaaliyeed inay xarun dhexe oo magaalo madax u noqonkarta.

Gaalkacayo oo ah Magaalada ku taal Bartamaha Dalka

 

Gaalkacayo oo ah Magaalada ku taal Bartamaha Dalka

 

Sadexda Magaalo ee Baraawe, Gaalkacyo iyo Laascaano waxaa la orankaraa waa kuwo fursad fiican u leh in loo tartansiiyo halka Caasimadda Soomaaliya laga dhigayo madaama meelaha ay ku yalaan iyo deegaanada ay ka tirsan yihiin kulmiyaan dadyow kala duwan oo Soomaali ah.

Magaalada Baraawe oo loo arki karo Magaalo dhexdhexaad noqon karta

 

Magaalada Baraawe oo loo arki karo Magaalo dhexdhexaad noqon karta

 

Haddaba, iyadoo weli colaadihii sokeeye iyo wixii dhibaato la isku geystay aan la iska shaafin ayaa mooda weli inuu jiro ismaandhaaf weyn oo u dhexeeya dadka degan muqdisho iyo shacabka Soomaaliyeed eek u kala Nool Gobolada Dalka oo dhan kuwaas oo kala aaminsan in wixii dhacay iyadoo aan laga wada hadlin dhac iyo dil lagu qasban yahay in Muqdisho lagu laabto, taasoo dadkii ka qaxay aaminsan yihiin inaan lagu kalsoonaankarin dhul Deegaan Qabiil dadkii Caasimadda ka dhigtay ka barakiciyey in dib loogu laabto oo lala wadaago Caasimad inay dalka oo dhan u noqoto.

Laascaanood oo kamid ah Magaalooyinka u qalma caasimad Soomaaliyeed

 

Laascaanood oo kamid ah Magaalooyinka u qalma caasimad Soomaaliyeed

 

Haddaba, si ummadda Soomaaliyeed dowladnimadeeda aanay mar kale burbur iyo is dil ugu imaan waa in laga wada hadlaa halka Caasimad u nqonaysa Ummada Soomaaliyeed oo dhan, taasoo lagu dooranayo meesha ay dhacdo, deegaanka dadka degan iyo qabiilooyinka inay tahay meel dhexdhexaad u nqonkarta oo dhinacyada qabiilo kala duwan ka degan yihiin.

 

 

 

Sadexda Magaalo ee aan soo jeediyey ayey igula quman tahay inay istaahilaan in look ala doorto Xarunta dhexe ee Caasimadda Dalka Soomaaliya Sida Baraawe, Gaalkacyo iyo Laascaano, laakiin aan marna niyadda la gelin in dib loogu laabto Muqdisho oo dhiig badan ay ku daadiyeen dadkii deganaa, boob iyo bililiqo baahsana ku dhaceen hantidii Ummadda ka dhexeysay iyo tii gaarka u lahayeen shacabka.

 

Waxaa kaloo barakac lagu sameeyey dadkii muqdisho deganaa dhamaan Soomaalidii ku nooleyd qarniyo badan kuwaasoo lagu khasbay in ay gobolada waqooyi galbeed, (Somaliland) waqooyi bari (Puntland) Baay, Bakool iyo Jubbooyinka u qaxiyaan dadkii mudada dheer ku noola Caasimada, hadaba dadweynow sow ma haboona in lagu tartansiiyo Xarunta Dalka ee Caasimadda in mid ka mid ah laga dhigo sadexda Magaalo ee Baraawe, Gaalkacyo iyo Laascaano si mar kale loo wada dhiso Qarankii Dalka iyo Hay’adihii Dowladda Federaalka Soomaaliya, lagana fogaado Dagaal sokeeye iyo barakac dambe oo isu geysato Ummadda Soomaaliyeed

 

 

 

Soomaalijecel Part

 

Hargaysa Somaliland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xamar ugu yaraan ku dho dhowaad 3 malyan oo qof ba degan its the largest Somali city and the oldest. there is no city that can compete with Xamar, there is no iskudir , But Xamar is ur capital and will remain ur capital.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xamar was the capital of the old republic and former governments' seat but the future capital of Somalia would be decided by the Somali people.

 

Xamar waxay ahayd capital 1960 - 1991. Intaa wixii kadanbeeyay wadanku fowda ayuu kujiray marka Somali isku soo laabato waxaa la isla meel dhigayaa meesha la isku raaco inay noqoto Magaala madaxda the federal republic of Somalia.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Haatu...you have sugar addiction if you never had malawax without sugar.

 

Many countries like Brasil and Australia built new capitals from onground up.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this