Sign in to follow this  
Saalax

Al shabab attacks Afmadow district of Lower Jubba region

Recommended Posts

Saalax   

Xoogaga Al Shabaab oo weeraray degmada Afmadow

 

Waxaa habeenimadii Talaadada ee soo galeysay Arbacada weerar lagu qaaday magaalada Afmadow ee gobalka Jubbada Hoose, weerarkaasi oo ay sheegteen inay ka danbeeyeen Xoogaga Al Shabaab.

 

Weerarkan xalay magaalada ka dhacay ayaa la sheegay in maleeshiyaadka Al Shabaab kusoo duuleen magaalada iyagoo kasoo galay dhinaca Bariga magaalada iyo waliba dhanka wadada ka timaada magaalada Buaale.

 

Dagaal muddo hal saac ah magaalada ka socday ayey xoogaga Al shabaab dib uga baxeen magaalada, weerarka ayaa xoogiisa ka dhacay nawaaxiga xarunta ciidamada amaanka ee magaalada Afmadow oo ay ku sugnaayeen ciidamada Soomaalida iyo kuwa AMISOM ee dalka Kenya.

 

Illaa iyo hada macada khasaaraha labada dhinac soo kala gaaray, walow la sheegayo in labada dhinac dhimasho iyo dhaawac ay soo kala gaareen. Xaalada magaalada Afdamow ayaa maanta degen.

 

Xoogaga weerarka ku qaaday Afmadow ee Al Shabaab ayaa la rumeysan yahay inay ka kala yimaadeen magaalooyinka Bu’aale ee gobalka Jubbada Dhexe iyo dhinaca magaalada Jilib.

 

Weerarkan ayaa lagu beegay wakhti uu xalay ku hoyday magaalada Kismaayo ee xarunta Jubbada Hoose Ra’iisul Wasaaraha Dowlada Federaalka Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon oo ah hogaamiyihii ugu horeeyey ee Dowlada Federaalka oo booqasho ku taga Kismaayo, tan iyo intii la dhisay Dowlada Federaalka Soomaaliya.

 

Horseed Media

News Desk

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this