Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somali and Ethiopian troops withdraw from Xudur Bakool.

Recommended Posts

Ciidamada Dowladda iyo kuwa Itoobiya oo isaga Baxay Degmada Xudur iyo Cabsi ka jirto halkaasi

Axad, 17 Maarso, 2013(HOL) - Ciidamada dowladda Soomaaliya kuwa Itoobiya ayaa lagu soo waramayaa in ay gabi ahaanba isaga baxeen magaalada Xudur ee xarunta gobolka Bakool, iyadoona daafaha magaaladaasi ay soo buuxdhaafiyeen cutubyo ka tirsan dagaalyahannada Al-shabaab.

 

Goobjoogeyaal ku sugan degmada Xudur oo qadka teleefonka ugu waramay HOL ayaa sheegay in Ciidamada Itoobiya iyo kuwa Dowladda ee ku sugnaa degmadaasi ay isaga baxeen magaalada, iyadoona lagu soo waramayo in ay u jiheysteen dhanka deegaanka Ceelbarde ee isla gobolkaasi Bakool.

 

Xaaladda degmada Xudur ayaa ah mid aad u kacsan, iyadoona qaar kamid ah dadka deegaanka ay bilaabeen in ay u barakacaan deegaanada ku dhow dhow degmadaasi, iyagoo ka cabsi qaba in ay halkaasi ka dhacaan dagaallo dhexmara ciidamada huwanta ah iyo Al-shabaab.

 

Ma jiraan ilaa imika masuuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya oo ka hadlay ka bixitaankooda degmadaasi, waxaana sidoo kale la garaneyn sababta rasmiga ah ee ka danbeeysa in ay halkaasi isaga baxaan.

 

Ciidamo aad u tiro badan oo ka tirsan dhaqdhaqaaqa Al-shabaab ayaa lagu soo waramayaa in ay ku suganyihiin daafaha degmadaasi, waxaana xaaladda guud ee magalaada Xudur ay maanta tahay mid aad u qasan.

 

Xoogagga Al-shabaab weli gudaha uma gelin degmadaasi. haseyeeshee wixii warar ah ee kusoo kordha arintaasi dib ayaan idinka soo gudbin doonna haduu Alle yiraahdo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xabashada meesha awalba gumeysi ku haayeen wax kale kuma heynin maadaama degmadaas gishay go'doon ba'an oo silac ah. Baabuur ma gali jirin oo jidadkii ku wareegsanaa Barbaarta gooyeen. Sicir barar xad dhaaf ahna wey ka jirtay degmadaas bilooyinkii u dambeeye oo xataa kiiladii sokorta ka gaartay 120,000 shilin Soomaali, halka meelaha kale u dhow ka tahay 20,000. Dadka in baahi lagu dilo ma'aha.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Al-Shabaab uu gudaha u galay magaalada Xudur ee gobolka Bakool

 

MARCH 17, 2013

 

Ciidamada Dowladda iyo kuwa Itoobiya ee ku sugnaa magaalada Xudur ee Gobolka Bakool ayaa halkaas isaga baxay, waxaana isla maanta subaxnimadii hore gudaha u soo galay magaalada ciidamo taabacsan Xarakada al-Shabaab kuwaas oo fadhiyey meel aan ka fogeyn magaalada.

 

Maalmihii u danbeeyey waxaa dagaalo culus ay ka dhaceen gobolka Bakool kuwaas oo u dhexeeyey al-Shabaab iyo Ciidamada dowladda oo ay taageerayaan kuwa Itoobiya, waxaana ay Xarakada al-Shabaab geystey goobahaas ciidamadii ugu badnaa ee ay heli kareen, taas oo la sheegay in ay culeys ku noqotey ciidamada Itoobiyaanka iyo Dowladdu isla markaana ay isaga baxaan magaalada Xudur oo ahayd goob istaraatiiji u ah isku xirka gobolada maadaama ay isku xirto Baay, Hiiraan iyo Gedo.

 

Magaalada Xudur ayaa ahayd mid ka go’doonsan inta kale magaalooyinka kale, waxaana lagu tegi jirey diyaaradaha qumaatiga u ka aoo keliya kadib markii jidadka gala oo dhan ay xireen Xarakada al-Shabaab, isla markaana waddooyinka ay Miinooyin geliyeen.

 

Ciidamada Dowladda ee ka baxay Xudur ayaa la sheegaya in ay u dhaqaaqeen dhanka Ceel-barde ee isla gobolka Bakool.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^

And to think Culosow knew the Somali proverb that says,"Don't set out on a journey using someone else's donkey" ...him being a donkey connoisseur and all. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Sheekh caan ah ayee maanta ku bireeyeen bartanaha magaalada Xuddur kuwii Barbaarta la dhahaaye oo daraad Xuddur qabsaday. Iimaamka masaajidka ugu weyn degmada ayuu ahaa, da'diisana toddobaatameeyo ayee ahayd. Eebbe haku u raxmado Sh. C/raxmaan Warsame.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Kooxo Taabacsan Xarakada Al-shabaab oo Dilay

Imaamkii Masaajidka Degmada Xudur ee Xarunta

Gobolka Bakool

 

Talaado, Maarso 19, 2013 (HOL) — Dagaalyahanno

taabacsan Xarakada Al-shabaab ayaa xalay gurigsiisa

kala baxay, Sheekh Cabdiraxmaan Macallin Warsame

oo 75-jir ahaa, isla markaana ahaa imaamkii

masaajidka weyn ee degmadaas, iyadoo maydkiisa oo

qoorta laga jaray saakay laga helay god ku dhow

gurigiisa.

 

Wararka laga helayo degmada Xudur ayaa waxay

sheegayaan in sidoo kale ay Al-shabaab xabsiga

degmada Xudur ku xirxireen 10 ruux oo ka mid ah

dadka deegaanka kuwaasoo ay laba ka mid ah yihiin

haween.

 

“Sheekha waxaa gurigiisa laga baxay xalay saqdii

dhexe, waxaana laga jaray qoorta, iyadoo maydkiisa

lagu riday god ku dhow gurigiisa, taasoo cabsi weyn

gelisay dadka deegaanka,” ayuu yiri goobjooge ku

sugan degmada Xudur oo la hadlay HOL.

 

Goobjoogahan oo sababo ammaan awgood u qariyay

magaciisa ayaa intaas ku daray in arrintan ay aad

uga naxisay dadka deegaanka oo aad tiradoodu u yar

tahay, iyadoo saraakiisha Al-shabaab aysan ka hadlin

dhacada naxdinta leh ee ka dhacay degmadaas.

 

Xarakada Al-shabaab ayaa la wareegtay degmada

Xudur maalin ka hor markii ay isaga baxeen

ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwii ay gacanta

ka helayeen ee Itoobiya.

 

Lama oga sababta keentay in Al-shabaab ay

gowracaan Sheekhan, balse wararka ayaa waxay

sheegayaan in Sheekhu uu dadka deegaanka u kala

xumin jiray dacwooyinka ay isku haystaan, isagoo

xukunkiisa ku saleynaya diinta Islaamka.

 

Tallaabadan ayaa waxay si weyn uga horimaanaysaa

hadal ay saraakiisha Al-shabaab ka jeediyeen

degmada Xudur maalintii ay galeen, taasoo ahayd

inay dadku dib ugu soo laabtaan, iyagoo sheegay

inaysan jirin cid dhibaato loo geysanayo.

Xigasho: Hiiraan.con

Share this post


Link to post
Share on other sites
Reer xudur waa ineey al-Shabaab kula dagaalaan wixii awoodooda ah, dawladana waxaan dhihi lahaa waa ineey ciidan u dhistaa dadweynaha gobalka oo ka dhiciya kuwan KHAWAARIJKA ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this