Sign in to follow this  
Saalax

Support for creation of Jubbaland and against lifting of arms embargo of Somalia held in Garowe

Recommended Posts

Saalax   

Kulan Jubbaland lagu taageerayo loogana soo horjeedo Cunaqabateynta Hubkoo Somaliya laga qaado oo Garoowe ka dhacay (Sawirro).

ecrK2FX.jpg

Garoowe (RBC RADIO) Xarunta Gobolka ee Magaalada Garoowe waxaa lagu qabtay Kulan ay soo Abaabuleen Waxgaradka ku dhaqan Magaaladaasi oo isugu jira Nabadoono Ganacsato Haween iyo Dhalinyaro waxayna ku taageerayeen Maamul u samaynta Jubbooyinka iyo Shirka ka furmay Kismaayo iyagoo dhanka kale kaga soo horjeestay in Cuna qabateenta Hubka ee Soomaliya Saaran la qaado iyagoo taasi ku tilmaamay hadii ay dhacdo in Qolo gaar ah loo xaqgliyay sida ay hadalka u dhigeen.

 

Nabadoon Khaliif Aw Cali oo Madasha ugu horeyn ka hadlay wuxuu qiray in ay raacsanyihiin Soomaaliya oo midowdo laakiin ma raacsanin buu yiri in la carqaladeeyo Dad ka tashanaya aayahooda dambe wuxuuna ugu Baaqay Dowlada Somaliya in ay ka fiirsato Arimaha Jubbooyinka aysanah ku degdegin in ay kasoo horjeesato.

 

 

“ Dowladu waa nasiib daro in ay isu keeni weydo Gobolada Dalka sidoo kalena ay Mucaarado dad danahooda raacanaya taasi waxaan u arkaa gardaro aan geed loogu soo qaban, anaga Shirka Jubbooyinka ka socda waan taageereynaa hiil iyoo hooba waan la garabtaagan nahay Qofwalbana ha ogaado in Puntland marnaba aysan faarujin doonin garabka Jubbaland, sidaana waxaa yiri Nabadoon Khaliif.

 

Waxaa kulanka intuu socday Waxgaradkii raga iyo Haweenka isugu milnaa ee Goobta ka hadashay ay sheegeen in Dowlada Soomaaliya ay ka gaabisay si waynna u hagratay dhismaha Maamul u samaynta Jubbooyinka ayna taageerin sidoo kale dadkii iskood isku abaabulay ee ku fikiray in ay Hogaan yeeshaan kuwaasi oo aan helin waajibaadkii Dowladnimo ee laga filayay in ay ka helaan Xukuumada Soomaaliya.

 

 

 

 

Sidoo kale Waxgaradku waxay ka hadleen arimaha ka qaadista cunaqabateynta Hubka waxayna beesha Caalamka ka codsadeen in ay in Soomaali aan hub laysugu dhiibin iyadoon la helin dib u heshiisiin dhab ah iyo hanti isu celin oo ay sii dheertahay In layska xaal mariyo wixii dhacay, dadka qaar ee madasha ka hadlay ayaa sida ay hadalka u dhigeen tilmaamay in la doonayo Hubka la codsanayo in lafasaxo dib loogu lagu Gumaado Soomaali kale balse aysan qorshuhu ahayn in Soomaali idil ahaan Cadawga looga difaaco sidaa darteedna aysan shacbigu u dhamayn in Cunaqabataynta hubka Xiligan la qaado oo ay tahay talaabo sii hurineysa marxalada adag ee uu iminka dalka hooyo ku suganyahay iyagoo Dowlada Soomaliya ugu baaqay in Maamul Goboleedyada Hoos yimaada ay la tashi la sameyso ayna tixgelinta siiso sidii dalka iyo dadka soomaaliyeed kalsoonidii ka dhexjirtay dib loogu soo celin lahaa intii ay ku mashquuli lahayd kala firdhintooda sida ay hadalka u dhigeen.

 

Shirkan ayaa sida la sheegay waxaa soo abaabulay Waxgaradka Magaalada Garoowe waxaana goob joog ka ahaa shirka oo lagu Casumay Gudoomiyaha Gobolka Nugaal iyo Kan degmada Garoowe balse wax hadal ah halkaasi kama aysan soo jeedin, waxaana kulankan uu ku labo noqonayaa mid dhigiisa ah oo lagu qabtay Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta gobolka Mudug kaasi oo lagu taageeray Jubbaland loogana soo horjeestay Sida dowlada Soomaliya uga gaabisay ka qayb qaadashada Maamul u samaynta Goboladaasi.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Puntland stop crying , FG decides Somali national interest. Its all over no more power struggles between Garowe and xamar. The Government plus parliament are united on both issues. Somalia is moving on we finally got the right leaders who are wadanis .

Share this post


Link to post
Share on other sites

A_Khadar;923823 wrote:
XX, iska hubi.. This could impact your mini clan project as well..

No my friend Somaliland and HAG is fine aniga ku huba taas

 

loool@ Mini how is khatumo doing awoowo

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Xaaji Xunjuf;923810 wrote:
Lift the arms embargo let hassan grow some muscles its good for Somalia.

 

Garowe boys stop crying

....Dadkaaga dhinac ka raac, hooyo hooy dhinac ka raac, yaadan dhumine dhinac ka raac.

XX adna maxaad sugeysaa? Ninkii khayrkii loo xiirayoow adna soo qoyso. Land, Land way dhammaatay.:D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

A_Khadar;923823 wrote:
XX, iska hubi.. This could impact your mini clan project as well..

Big time.....XX bilo u qabo insha Allaah.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Abwaan anigu dadka calanka bluega aminsan oo dhan waxan aminsahay inay ku daba faylan madaxweynahooda hassan sheikh maxamuud reer Somalia is raaca , midnimdina ka shaqeya ciidankina dhista

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

XX, kuwii calanka haysan jirey ee iska tuurayna ku dar dee...Naga daa dadka ha kala reebine, kulligeen isku mid baan nahee.:D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Samafal   

Hassan Culusoow Somaliya waaba uga sii daraya baa moodaa. Qabyaaladii sii dhimanaysay baaba soo naaxaysa, Sh Shriif baa wax badana ka caqli fiicnaa oo fahansanaa sida Somalida la iskugu wado. Ninkaan waaba Abwano oo madax wayne la ga dhigay bal adigu tab dheh. Alloow sahal umuuraha. Dadbaa nabad u diidan Somalia balse aan aragno meesha lagu furo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Abwaan;924019 wrote:
XX, kuwii calanka haysan jirey ee iska tuurayna ku dar dee...Naga daa dadka ha kala reebine, kulligeen isku mid baan nahee.
:D

Nin wax tuuray yaan wakhtiga lugu lumin ka sita, wa in la so maslaxa oo laga dhiga Somali dhab ah oo madaxweynihisa tageersan wax fahan niyo

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Calaacalkii baa billawday. Maba la kala harayo. War yaan xishoodka laga tegin. Illaa 2008, mar Amxaaro la taageero, marba qof la dhaho isagaa Soomaaliya ugu fiican illeen xaafaddeennuu ka yimide, haddana wixii Soomaali dooratatay la carqaladeeyo. Taas yaa kaa siisan Samafal suuro.:D Nabad diid baad dad ku sheegeysaa, bal muraayadda isku fiiri. Yaa hortaagan dowladda Soomaaliyeed ee caalamka iyo ummadda Soomaaliyeedba soo dhaweeyeen? Soo adiga ma ahan? Waxaan maqli jirey "Carabtu intay ku nabto bay nebigana kaaga hormartaa".

Share this post


Link to post
Share on other sites

Samafal;924033 wrote:
Hassan Culusoow Somaliya waaba uga sii daraya baa moodaa. Qabyaaladii sii dhimanaysay baaba soo naaxaysa, Sh Shriif baa wax badana ka caqli fiicnaa oo fahansanaa sida Somalida la iskugu wado. Ninkaan waaba Abwano oo madax wayne la ga dhigay bal adigu tab dheh. Alloow sahal umuuraha. Dadbaa nabad u diidan Somalia balse aan aragno meesha lagu furo.

But puntlanders hated sharif they wanted him out , they voted him out they all voted for hassan sheikh the last round, now they are missing the old sh sharif., i remember even duke wanted hassan and the entire Puntland crew maxa is badalay , ma xassan ba noqon wayey sidad rabteen?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this