Sign in to follow this  
xiinfaniin

Dagaal Xooggan oo xalay ka dhacay Magaalada Baydhabo

Recommended Posts

Arbaco, February 13, 2013(HOL): Magaalada Baydhabo ee xarunta u ah Gobolka Bay ayaa xalay waxaa ka dhacay dagaal geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira, kaasi oo dhexmaray Xoogagga Al-Shabaab iyo Ciidamada Dowladda iyo kuwa kale ee gacanta siinaya.

 

Dagaalka oo socday muddo labo saacadood ah ayaa wuxuu ahaa mid culus oo la isugu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, iyadoo dagaalkuna ay ku soo qaadeen xoogagga Al-shabaab fariisimada ciidamada ee ku yaalla Baydhabo.

 

Inkastoo aan si rasmi ah loo xaqiijin karin inta ay tiradooda la egtahay haddana waxaa jira khasaare dhimasho iyo dhaawac ah oo soo gaaray dhinacyadii dagaaallamay iyo weliba dad rayid ah oo guryahooda ay ugu galeen madaafiic habow ah.

 

Dagaalkan ayaa wuxuu magaalada Baydhabo ka dhacayaa iyadoo uu jiro khilaaf xooggan oo dhinaca maamulka ah, waxaana maalmihii aynu ka soo gudubnay gudaha u soo galay ciidamo faro badan oo soo faarujiyay fariisimadii jiidda hore ee dagaalka ee ay ku sugnaayeen, taasi ayaana la rumeysan yahay in ay keentay in ay Al-shabaab soo weerarto magaalada.

 

Shalay ayay ahayd markii uu magaalada ka dhacay qarax lala beegsaday ciidamo Itoobiyaan ah, kaasi oo geystay khasaare soo gaaray Ciidaamada Itoobiya. Magaalada Baydhabo ee Gobolka Bay ayaa waxay ka mid ah magaalooyinka ay sida weyn ugu xoogganaayeen Al-shabaab, inkastoo markii awooddoodii wiiqantay ay magaalada isaga baxeen.

 

 

Wararkeena dambe kula soco wixii ku soo kordha wararka Magaalada Baydhabo haddii Alle idmo.

 

 

Hiiraan Online

 

Baydhabo

Share this post


Link to post
Share on other sites

xiinfaniin;918100 wrote:
There is another dagaal reported, ya Calasow

LOOOOL@ Ya Calasoow dee waxaan kawadaa whats up with all these dagaal thread's mala xaajiigii shaqadiisa baa la waregtey sidaas baan ka wadey

Share this post


Link to post
Share on other sites

The Government should either appoint all governors or leave the process to the locals. It shouldn't also overestimate its power in the periphery which is non-existent.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xiinow, Somalis never learn from the pas mistakes. Maamulki loo magacaabay Bay jaa waa la isku haystaa. Shareef Hassan is still in the game trying to stir things up there as well.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this