Sign in to follow this  
oba hiloowlow

Somali PM Mudane Saacid visiting Merca,Lower Shabelle

Recommended Posts

Wafdigan ayaa saaka ka amba-baxay magaalada Muqdisho, waxaana ay safar dhinaca dhulka ah ku mareen deegano badan, iyadoona ay goor dhow ay ka dhaqaaqen deegaanka shalaanbood oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose.

 

 

Cabdi Faarax shirdoon iyo wafdigiisa ayaa la filayaa in ay duhurnimada tagaan degmada Marka,halkaasi oo ah xudunta socodkooda,waxaana wafdiga ka mid ah wasiirka amniga,wasiirka gaashaandhiga iyo taliyeyaasha ciidamda booliska iyo Milatariga dalka.

 

Ujeeadada ayaa lagu sheegay in ay tahay sidii loo soo indheyn lahaa xaaladaha amniga iyo horumarka ee ka jira degmooyinka gobolka Shabeelaha hoose,waxaana sidoo kale R.wasaaraha somaliya goobaha uu tagay kula kulmay dadka degaanadasi oo ka dhageystay baahiyaha deegaanka iyo xaalada amni.

 

Ugu danbeytiina waa markii ugu horeysay oo Wafdi heerkan ah uu gaadho dhulka ku teedsan marka iyo shalaanbood oo horay uga arimin jireen xarkadda Al-shabaab,wafdiga ayaa la filayaa marka kulamadooda u soo dhamaadan in ay dib ugu soo laabmaan magalada Muqdisho.

Calanka.com-Nairobi

Share this post


Link to post
Share on other sites

PM Mudane Saacid Arrives in Shalanbood

 

Wafdi uu hogaaminayo Ra’isulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa goor dhow gaaray deegaanka Shalaanbood oo ka tirsan gobolka Shabeelada Hoose.

 

Ra’isulwasaaraha Wafdigiisa waxaa ka mid ah Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi,Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Mudane C/kariin Xuseen Guuleed,Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta,Isgaarsiinta iyo Gaadiidka Mudane C/laahi Ciilmooge Xirsi,Wasiirka Wasaaraddda Maalliyadda iyo Qorsheynta Mudane Maxamuud Xasan Suleymaan,Taliyaha Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeye Gaas C/qaadir Sheekh Cali Diini,Agaasimaha Guud ee Hay’adda Nabad Sugidda Qaranka Soomaaliyeed Eng Axmed Macalin Fiqi,Taliyaha Ciidammada Booliiska General Shariif Sheekh Unaa Maye iyo xildhibaanno.

 

Ra’isulwasaaraha iyo wafdigiisa waxey kasoo ambabaxeen saakay magaalada Muqdisho ee Caasimadda ayadoo hadana wafdiga Ra’isulwasaaraha ay kusii jeedaan magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeelada Hoose halkaasi oo Ra’isulwasaaraha uu kula kulmi doono waxgaradka iyo qeybaha kala duwan ee buslhada ku dhaqan magaalada Marka.

 

Magaalada Shabaanbood waxaa Ra’isulwasaaraha kusoo dhaweeyey mas’uuliyiinta maamulka gobolka Shabeelada Hoose waxaana socdaalka Ra’isulwasaaraha iyo wafdigiisa uu salka ku hayaa u kuurgelidda xaalada dhabta ah ee ay ku sugan yihiin dadka ku dhaqan magaalada Marka .

 

FAAH FAAHIN IYO SAWIRRO NAGA FILLO INSHA ALLAH

 

 

RM

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wafdi uu hogaaminayo Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon ayaa maanta gaaray magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabellaha Hoose, iyadoo safarkooda uu ahaa mid dhulka ah oo ay galbinayeen Kolonyo Ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda.

 

Ra'iisul Wsaaare Saacid oo ay safarkiisa ku wehliyaan Wasiirada Arrimaha gudaha, Gaashaandhiga, Maaliyada, Warfaafinta, Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka, Taliyeyaasha Ciidamada xooga dalka, Booliska, Agaasimaha Hey'adda Nabadsugida iyo saraakiil ciidan.

 

Safarka Ra'iisul Wasaaraha oo ah kii labaad oo uu ku tago gobolka Shabellaha Hoose ayaa horaantii bishan booqday degmada Afgooye oo Muqdisho u jirta 30-KM, iyadoo booqashadiisa magaalada Marka ay noqoneyso tii u horeysay.

 

Wararka ayaa sheegaya in wafdiga Ra'iisul Wasaaraha ay kula kulmeen dadka deegaanka degmada Shalanbood oo saaka halkaas ay gaareen, iyagoo kadib u gudbay magaalada Marka.

 

Ammaanka ayaa aad loo adkeeyay wadada isku xirta Marka iyo Muqdisho, iyadoo ka hor inta aysan ka ambabixin magaalada Muqdisho qaar ka mid ah wadooyinka la xiray, taasoo dadka ay aaminsanaayeen in Madax ay soo dageyso ama ay ka dhoofeyso garoonka diyaaradaha Muqdisho.

 

Xukuumada Soomaaliya ayaa wada dadaalo ay ku dooneyso inay wax badan kaga qabato arrimaha ka jira gobolada dalka, waxaana socda qorshayaal maamulo loogu sameynayo gobolada, kaasoo ka imaanaya dadka deegaanka, iyadoo dhowaan Wasaarada Arrimaha gudaha ku dhawaaqday in Maamulo KMG ah loo dhisayo Gobolada tan iyo inta dadka deegaanka maamul ay soo doortaan loo dhisayo.

 

 

 

 

Hoyga wararka Somaliyeed

www.jowhar.com

jowharnews@gmail.com

jowharcom@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Abwan lol maya laakiin rag badan oo sxbaday ahaa baa jooga oo aan laga waynin meelahaan oo kale .

 

 

SNTV iga daawo mar dhaw anoo xamar la igu soo dhawaynayo inshallah . :cool:

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this