Sign in to follow this  
Saalax

Cali Warancadde-Ninka Fulayga Ah Ee Maanta Naga Carara Waxaanu Leenahay Barrina Ha Nagu Soo Noqon

Recommended Posts

Saalax   

DbQ3XEj.jpg

Cali Warancadde Oo Ku Tilmaamay Dhawaaqa Ingiriiska Ee Uu Kaga Hadlay Ammaanka Somaliland Mid Siyaasadaysan, Shacabkana Baaq U Diray “Ninka Fulayga Ah Ee Maanta Naga Carara Waxaanu Leenahay Barrina Ha Nagu Soo Noqon”

 

Hargeysa (Ramaas), Jan, 29, 2013- Cali Maxamed Warancade oo ka mid ah Siyaasiyiinta Somaliland, isla markaana hore u soo ahaa musharixii Xisbigii bur buray ee UDUB ayaa dhawaaqa Ingiriisku kaga hadlay ammaanka Somaliland ku tilmaamay mid siyaasadaysan oo wax kale lagu doonayo.

 

Cali Maxamed Warancadde oo maanta wareysi gaar ah siiyey Shabakada Ramaasnews ayaa sheegay in dhawaaqan Ingiriisku yahay mid lagu doonayo siyaasado kala duwan oo ay ka mid tahay sidii shacabka Somaliland loo niyad jabin lahaa.

 

Siyaasi Cali Warancadde oo dareenkiisa arintan ku wajahan ka hadlaya ayaa waxa uu yidhi “Runtii waxa weeyaan arrimahaasi oo dhami waa arrimo Siyaasadeed aduunyada wax way ka dhacaan oo Ingiriis bay ka dhacaan Mareykan bay ka dhacaan, inagu laakiin saaka nabad baynu ku noolahay dadkani reer Somaliland waa dad dagaalo soo maray dhibaatooyin badana soo maray, markaa waxa aan qabaa in ay tahay arin la doonayo inay tahay in la inaga qixiyo dalkeena oo dalkeenu waa dal khayraad leh, waxaanan u malaynayaa in dawladdaha waaweyn damac kaga jiro inta la ina qixiyo shidaalka iyo khayraadka ku jira lagala soo baxo si ay ugu kabaan kharasha badan ee Somaliya kaga baxa”.

 

Cali Maxamed Warancade oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi “Waxyaabaha aad la yaabaysaa waxa weeyaan gaaladii halkan ka tagtay waxa ay tagayaan Xamar oo xaaladeeda amaan aynu ognahay, markaa waxaanu Mareykanka iyo Ingiirba u sheegaynaa dalkan ILAAHEY ayaa nagu abuuray oo wax kasta yimaada waxaanu diyaar u nahay inaanu wadankayaga difaacano, laakiin ninka fulayga ah ee maanta naga carara waxaanu leenahay barina ha nagu soo noqonin ee sidaasi nagaga maqnaw, waxaanan umadda Somaliland ugu baaqayaa wadajir iyo inay gacmaha is qabsadaan”

 

Siyaasiga Cali Warancade oo ka jawaabaya su’aal ahayd saamaynta uu ku yeelan karo dhawaaqan Ingiriisku sumcada amaanka Somaliland ayaa waxa uu yidhi “Wax dhibaato ah ma jiraan, waxna way dhici karaan, waxna ma dhici karaan, markaa waxa weeyaan aduunyada wax waliba way ka dhacaan, markaa maxay wax u dhaceen la isma waydiiyo ee hadba sida looga hor tago karo ee shacab iyo dawladdba u soo jeedaan ayey ku xidhan tahay, markaa inaga wax ala wax ay ina yeelaysaa ma jirto caalamka waxa ka dhacaya waad arkaysaa, laakiin in la yidhaahdo dalkeenii ka baxa waxaan u arkaa arin siyaasadeed oo la doonayo in dalka khal khal la galiyo oo wakhtiyada dhaw wada hadalo ku sheega la leeyahay Somaliya ayaa lala galayaa dadka in niyada laga dilo ayaa la doonayaa, laakiin waaxaanu leenahay taasi maaha mid niyada naga dilaysa oo dalku isaga oo intan ka xun ayaanu u soo samirnay”.

 

Wasiirkii hore Wasaaradda Duulista iyo hawada Cali Maxamed Warancade oo la waydiiyey su’aal ahayd in masuuliyiintii xukuumaddii Rayaale ee uu ka tirsanaa xukuumadda hadda kala bakhayleen inay wixii waayo aragnimo u lahaayeen u gudbiyaan waxa uu ku jawaabay “Way dhici kartaa oo waxa laga yaabaa in aanaanu wada shaqayn yeelanin si aanu talooyin u siino, markaa mid meesha ku jirta weeyaan arintaasi”.

 

Sacad Muse Cabdi

 

Ramaasnews Desk

 

Hargeysa

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sensei   

Mr. Liibaax-la-ciyaar aka Whitespear must be careful before PETA accuses him of lion cub cruelty.

 

What is the point here, folks ? How does playing with a lion cubs makes one a patriot, or Achilles for that matter.

Nice pictures, nevertheless.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this