Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somalia's Foreign minister Marwo Fawziya arrives in the United Kingdom

Recommended Posts

LONDON: Wasiirka Arrimaha Dibadda Dawlada Soomaaliya Fowsiyo Yuusuf Xaaji oo Galabta La Kulantay Dhigeeda Wadanka Ingiriiska

 

William_Hague_meets_with_Fawsiya_Yusuf-3

 

London (RBC) Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Marwo Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan oo hadda socdaal ku joogta magaalada Lodon ayaa galabta kulan la qaadatay dhigeeda wadanka Ingiriiska William Hague.

Kulanka labada wasiir ayaa ka dhacay xarunta wasaaradda arrimaha dibada Ingiriiska ee magaalada London, waxaana uu ahaa kulankii ugu horeeyay oo si fool-ka-fool ah u dhexmara labada wasiir iyadoo sidoo kalana ay tahay markii ugu horeysay oo kulan uu dhexmaro wasiir ka tirsan dawlada federaalka Soomaaliya iyo wasiir reer galbeed ah.

Hadal kooban oo ay labada wasiir saxaafadda siiyeen kadib kulankooda galabta ayaa waxay ku sheegeen inay ka wada hadleen saaxiibtinimada UK iyo Soomaaliya iyo kaalinta ay dawlada Ingiriiska kaga jirto taageerada Soomaaliya.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Marwo Fowsiya ayaa sheegtay inay aad ugu faraxsan tahay inay maanta oo Khamiis ah is arkaan wasiir Hague ayna ka wada hadlaan xiriirka labada dhinac ka dhexeeya, gaar ahaan waqtigan oo ay tiri, dawlad cusub oo aan ku meelgaar ahayn ay ka dhalatay Soomaaliya.

Wasiir Fowsiya waxay kaloo sheegtay inay kala hadashay wasiirka sidii dib loogu bilaabi lahaa cilaaqaadkii siyaasadeed iyo midkii diblomaasi ee ka dhexeeyay labada wadan, waxayna sheegtay in dawlada Soomaaliya ay dib u furaneyso safaaradeedii Ingiriiska iyadoo dawlada Ingiriiskuna ay wado sidii danjiraheeda cusub oo hadda ku sugan Nairobi uu ugu guuri lahaa magaalada Muqdisho.

Dhankiisa wasiirka arrimaha dibadda Ingiriiska ayaa sheegay in dawlada Ingiriiska ay sii xoojineyso xiriirka saaxiibtinomo ee labada wadan iyadoo dawladiisuna ay sheegtay in sii wadeyso kaalmada dhaqaale ee dhanka bani’aadanimada ee dawlada Ingiriiska ay siiso Soomaaliya sanadkan 2013.

Labada wasiir waxay si isku mid ah carabka ugu dhufteen in bisha May ee sanadkan 2013 magaalada London lagu qaban doono shir diirada lagu saari doono Soomaaliya oo ku saabsan dib u dhiska Soomaaliya kaasoo uu ka qeybgali doono madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Dhanka kale wasiir Fowsiyo ayaa xalay magaalada London kulan kula qaadatay jaaliyada Soomaalida ee wadanka Ingiriiska ku nool iyadoo uga warbixisay xaalada dalka iyo dadaalada ay ku jirto dawlada cusub ee ay iyada wasiirka ka tahay.

Share this post


Link to post
Share on other sites
A_Khadar   

I like XX when he says he isn't clanist! SPOT on awoowe..

 

Marwada hala dhaafo, I agree with XX as longs she is doing when she sworn for, Somali unity babe..

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalia   

The secessionist foreign minister hard at work, God bless her. I hope she continues her diligent work replacing our foreign ministry missions.

Share this post


Link to post
Share on other sites

The Foreign Secretary William Hague met the Somali Foreign Minister and Deputy Prime Minister Fawzia Yusuf H. Adam today.

 

Speaking after the meeting, the Foreign Secretary, William Hague, said:

 

I am delighted to have met Foreign Minister Fawzia Yusuf H. Adam in her first visit to the UK in her new role. Somalia has made tangible progress in recent months, both politically following the end of the transitional period, and in improving security, with Al Shabab pushed from major towns. It is critical that this momentum continues.

 

The Foreign Minister outlined the Somali government’s plans to tackle the challenges ahead including improving security, increasing access to justice, transparent financial management, political reconciliation and economic development. The UK is committed to working in partnership with the Somali government to support these priorities and to ensure coordinated international assistance.

 

Further Information

The British Office for Somalia

 

https://www.gov.uk/government/news/foreign-secretary-discusses-progress-in-somalia-with-foreign-minister

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this