Sign in to follow this  
Abwaan

Wasiir dowlayaasha iyo Wasiir kuxigeenada oo la magacaabay (Aqriso magacyada)

Recommended Posts

Abwaan   

Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon ayaa dhameystiray Golihiisa Wasiirada, iyadoo maanta wareegto ka soo baxday Xafiiskiisa lagu magacaabay Wasiiru dowlayaasha iyo wasiir kuxigeenada ka mid noqonaya Golahiisa Wasiirada.

 

Wasiir dowlayaasha ayaa ka kooban 5-wasiiru dowle, halka Wasiir kuxigeenada ay dhan yihiin 20-wasiir kuxigeen, inkastoo min labo wasiir kuxigeen ay isugu jiraan wasaarad walba.

 

Xubnaha min labada wasiir kuxigeen ee wasaaradaha ayaa lagu sheegay maadaama wasaaradaha ay yihiin kuwo howl fara badan horyaala ay lagama maarmaan noqotay in min labo wasiir kuxigeen la magacaabo.

 

Xoghayaha joogtada Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha Faarax Cabdi Xasan ayaa warbaahinta u aqriyay magacyada Wasiiru dowlayaasha iyo Wasiir kuxigeenada, iyadoo tiradan ay noqoneyso tiradii ugu badneyd ee min labo wasiir kuxigeeno ay yeelato wasaarad kasta.

 

Magacyada Wasiiru dowlayaasha:-

 

1-Faarax Sheekh C/qaadir Wasiiru dowlaha Madaxtooyada

2-Dr Maxamed Nuur Gacal Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibada

3-Mahdi Maxamuud Cali Wasiiru dowlaha Arrimaha gudaha

4-Maxamed Rashiid Sheekh Daahir Wasiiru dowlaha Maaliyada

5-Maxamuud Ismaaciil Barqadle Wasiiru dowlaha Horumarinta iyo Adeega bulshada

 

Magacyada Wasiir kuxigeenada

 

1-Eng maxamed Aadan Axmed W/kuxigeenka arrimaha Dibada

2- Jamaal Axmed Barrow W/ ku xigeenka arrimaha dibada

3- Xasan Ibraahim Maxamed W/ku xigen arrimaha gudaha

4- Jaamac Axmed Maxamed W/ku xigen arrimaha gudaha

5- Maxamed Xasan Aadan W/ku xigen maaliyada

6- Abuukar Xasan Cali W/ku xigen maaliyada

7- Bashiir Maxamed jaamac W/ ku xigeenka horumarinta

8- Maxamuud Macalin Yaxye W/ku xigeenka hormarinta

9- Fahmo Axmed Nuur W/ku xigen cadaalada

10- Xasan Maxamed Jimcaale W/ku xigeenka cadalada

11- Nadiifo Maxamed Cusmaan W/ku xigeenka howlaha guud

12- Cali Shekh Maxamed W/ku xigeenka howlaha guud iyo gaadiika

13- Siciido Xasan Cusmaan W/ku xigeenka Qeyraadka

14- C/raxmaan Maxamed Geedi W/ku xigeenka Qeyraadka

15- Axmed Maxamed Maxamuud W/ku xigeenka gaashaandhiga.

16- C/raxman kulmiye Xirsi W/ku xigeenka Gaasgaandhiga

17- C/qadir Sheekh Ismaacil W/ ku xigeenka Ganacsiga

18- Maxamed Cali Xagaa W/ku xigeenka Ganacsiga

19- C/shakuur Cali Mire wasiir ku xigeenka warfaafinta

20- Ibraahim Is-aaq Yaroow wasiir ku xigeenka warfaafinta.

 

Xubnaha la magacaabay ee isugu jira Wasiiru dowlayaasha iyo Wasiir kuxigeenada ayaa ka dhigaya tirada golaha Wasiirada 35-xubnood, iyadoo Xukuumadu ay tahay mid dhameystiran.

 

 

 

 

Hoyga wararka Somaliyeed

www.jowhar.com

jowharnews@gmail.com

jowharcom@hotmail.com

 

 

http://jowhar.com/news.php?readmore=156

Share this post


Link to post
Share on other sites

Why so many deputies? They are going back on their previous state goal of stream lining the cabinet. There are two deputy ministers for each position? Who has seniority and how will they distribute tasks between themseleves?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Waxaan qabaa in wasiiru-dowleyaasha aan loo baahnayn marka laga reebo kan madaxtooyada. Wasaaradaha Arrimaha Dibedda, Gudaha, Maaliyedda, Adeegga iyo Arrimaha bulshada madaxdii baa ka badatay ee sidee loo maamulayaa?:D

 

Bal aan aragno sida taliyeyaasha amniga iyo safaaradaha loo qaabeeyo iyo shakhsiyaadka loo magacaabi doono haddii Ilaah na gaarsiiyo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

General somalis are ****** people if your clan don't get a post they'll oppose the whole got damn thing there is no dan guud everybody is just thinking about his own ppl thats why-

Share this post


Link to post
Share on other sites
Baashi   

Governing clannish Somalis is not an easy exercise. We know that much. The good news is this admin actually tried to set up limited executive cabinet. The usual suspects objected that approach and demanded changes or else. The admin resisted for awhile and now they seem to give in. War maad u hambelyeysaan oo hadaad cid caaradeysaan, maad caaradaan kuwa laga fariisan waayey ee dlabay in la kordhiyo koraasta si ay jagooyin u helaan!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abtigiis   

What was the purpose of having a lean cabinet? Wasn't part of the justification that it is too expensie to maintain a large cabinet? So why 35, which actually adds more confusion iyo isqabqabsi hadhow? Wasn't it better to just have 12 Ministries ( i still think health and education should have been alone) and say about 8 deputy Ministers for big Ministries. Some Ministries really don'tneed deputies at this stage. Given the small budget, they could have been a bit innovative about this.

 

But at least nearly all the names are new and I think it is a change. Markaa ha loo duceeyo uun.

 

What this floodgate (at late stage ) shows is that the leaders of the government are a bit slow to read the prevailing political mood and are reactive.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Illyria   

It makes sense for some of the ministries, but not for others. for example, planning and finance each will need a deputy, so instead of creating 2 ministries, only 1 ministry was created, but with 2 deputies.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

lol@Waa filaynaa in diidmadu halkaas ku dhammaato...Weliba waa la sii barwaaqoobayaa oo taliyeyaashii ciidammada, safiirradii, agaasimiyeyaal baa dhiman. Soomaali jago waa ka dhergeysaa insha Allaah.:D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this