Sign in to follow this  
Abwaan

Ila qosol...Jacaylbaro bal qaar ku sii dar

Recommended Posts

Abwaan   

Maalin baa waxaa meel ku wada qayilayey nin reer Waqooyi ah oo lagu magaaabo Jaamac iyo nin kale oo reer Baydhabo ah oo la yiraa Maadeey. Markii ay marqaameen ayaa Jaamac su'aaley ninkii kale "Ina adeer saaxiib baan ahayn in muddo ah ee horta aan si wanaagsan isku barannee qolomaad tahay"? Maadeey ayaa ku jawaabey "*****". Ninkii Jaamac ahaa ayaa u qaatay inuu saaxiibkii iri "Niisaan baan ahay". Markaas buu Jaamac cod dheer ku yiri "Waar qoladaad tahaan ku weydiiyey ee Waaxay Nissan-ka aad sheegeyso". Maadeey baa ku jawaabey "Saaxiib ****** baan ahay, ee adina bal yaa tahay"? Jaamac baa ku jawaabey "Haddaba Saacaddaan laga billaabo aniguba Ilmo Jabaan baan ahay".:D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Maalin maalmaha ka mid ah ayaa waxaas sheekeysanayey nin reer Xamar ah iyo nin kale oo reer mudug ah. Kii reer Xamarka ahaa ayaa ninkii kale su'aaley: Kaali horta, Mundug Yaanyo ma ka baxdaa? Ninkii reer Mudugga ahaa ayaa ku jawaabey: War ninyahow maxaad ku hadlaysaa, Soo ma ogid inaan geedka yaanyada ah aan hoostiisa hasrsan jirney?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Markii 1960 la midoobay buu oday jibbaysani intuu Hargeysa ka cararay ilaa xamar tegey si uu u soo arko walaaha soomaaliyeed ee la isku biiray ,,,, hadana wuu sii dhaafay oo ilaa jubooyinka ayuu gaadhay ,,,, intuu yaabay buu iska soo noqday ,, markuu xamar ku soo laabtay ayuu intuu saaxiibbadii u yimid ku yidhi "Waar heedhaha maxaad u odhan waydeen isku darkii Ilaa Tanzania ayaa ku jirtay?" :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Nin Dhallinyaro ah oo reer Xamar ah ayaa hargeysa tegey markaas bay gabar reer Jabuuti ah is shukaansadeen. Gabadhii ayaa wiilkii ku tiri "Huunno Ciise miyaad tahay? Wiilkii reer Xamarka ahaa ayaa u qaatay in magaciisa la weydiiyey markaas ayuu yiri "Maya Muriidi Awees aan ahay".:D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Wiil yar ayaa waxaa habaryar u ahayd haweeneey la yiraahdo Raaxo. Wiilka ayaa si kastaba haku timaaddee habaryartiis jeclayn. Haddaba maalin ayuu wiilkii hooyadii dhabteeda ku seexday. Hooyadii ayaa madaxa u salaaxday kuna tiri "Hooyo Raaxo Jeclidaa" Wiilkii ayaa ku jawaabey "I don't like Raho" isagoo u qaatay in hooyadii ula jeedday inuu habaryartiis jecel yahay.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Wakhtigii dowladdii Kacaanku Soomaaliya ka talineysey ayaa maalin dadweynaha ku nool degmada Shingaani lagu khasbay inay ka soo qayb-galaan shir uu ka hadlayey guddoomiyaha degmada ayna dhegeystaan khudbadiisa. Markii uu guddoomiyuhu khudbada dhammeeyey ayuu yiri "Yaa su'aal qaba"? Macaanoow oo ka mid ahaa dadkii lagu soo khasbay inay khudbada guddoomiyaha dhegeystaan ayaa gacanta taagey oo su'aaley "Ma bixi karaa"?:D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Mustafe   

Mid barawaani ah oo sharqaanle ah ayaa khudbad iyo meeting isagoo iska shaqeysanaya lagu soo khasbay. Xariifkan lacag baa u socotey customers badana way sugayeen. Laba askari baa yidhi hadda dukaanka xidh oo soo bax na soo raac. Isagooo arrintaas aad uga xanaaqsan inuu diidona ka baqaya ayuu xanaaq dartiis hareerihiisa eeg eegay isagoo neef neefsanaya. Askartii baa ku tidhi 'yaa, oo weliba waad neef neefsanaysaa miyaa?! Ninkii baa yidhi 'Maxaa la neefsan karoo lol'.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Mustafe   

Beri baa mid reer woqooyi ah xamar tegey. Masaajid agtiisa ah ayaa laga adimey salaad casar. Salaadii markuu soo dhamaystey ayuu kabihiisii waayey. Isagoo xanaaqsan oo ogaadey in kabihiisii cusba la xadey ayuu iska soo noqday. Salaad makhrib markii la gaadhey ayuu hadana mu'addimkii ku dhuftey eedaankii. Xariifkii markuu maqlay ayuu yidhi " Naw, wallahi wataa tuugtii hadana isu yeedhatay,.. tolow shaadhkay rabaan hadana mise surwaalka?

Share this post


Link to post
Share on other sites

NIN baa XAJKA tegay.. Wuxuu hore u sii kaxeeyay.. XAASKIISII IYO DUMAASHIDII... Maalintii la Tagnaa, CARAFO.. Ayaa QOF waliba ducaystay...

 

Dumashidiis waxay tidhi: Ilaahow I dambi dhaaf maalin baan SIINAYSTAY e!

 

Xaaskiina waxay tidhi: Ilaahow I dambi dhaaf maalin baan SINAYSTAY e!

 

NINKII intuu labadii DUMAR ahaa sidaa u eegay, Ayuu Cirka Eegay oo yidhi... Ilaahow ii DAMBI dhaaf In aan SHARMUUDOOYIN xajka u so kaxaystay oo weliba HALKAN CARAFO kuugu keenay ..... :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this