Sign in to follow this  
Abwaan

Ila qosol...Jacaylbaro bal qaar ku sii dar

Recommended Posts

Abtigiis   

Naag baa iyadoo nin sikhraansan ag fadhida ay neef ka fakatay. Waxay is tidhi bal in uu ninkan cabsan dareemay iyo in kale kala hubso. So, she asked: " Faaraxoow, maanta bal jawiga ka waran"?

 

He replied: "Jawigu wuu qasan yahay; haday sidan ku sii socotana xaar baa inoo di'i doona. "

Share this post


Link to post
Share on other sites
Taleexi   

Arooryo suuban asxaabta: Nin Wacaysle ah baa rabey inuu Lawyocaddo ka galo Jabuuti, xuduudka baa dadkii lagu waraystay markii su'aalaha rakaabka la waydiinayey saf baa la geliyey, kii ugu horeeyey baa dhahay H-awal baan ahay, kii ku xigayna H-jeclo markii isagii la soo gaaray buu wuxuu mooday in la waydiiyey yaa ku dhalay, markaas buu dhahay habar kuuleey... markaas baa la qabtay oo lagu soo celiyey Xamar isaga oo hooyadii u xanaaqsan buu ku dhahay hooyo cid ku taqaanna ma leh, cid walba habarteed bay xuduudka ku mooday.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Gabar reer koonfur ayaa aragtay oday reer waqooyi oo cadeysanaya, markaasey tiri "Adeerow, cadayga dabada wax yar iiga jabi". Odaygii oo yaaban oo geesaha eeg eegaya, ayaa wuxuu yiri, hadii aan kaaga jabsho, soo kuma xanuunayo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Nin ayaa xaaskiisa ka dhoofay, oo dibadaha aaaday. Wuxuu u soo diri jiray E.mail uu oranayaa "waxaan kuu soo diray, 100 dhunkasha ah" (kiss/shumis) oo wax lacag ahna ma usoo diri jirin. Maalintii danbe ayeey ayadana email u dirtay oo tiri "kuwii korontada ayaa guriga yimid, oo lacagna ma u heen, waxaan siiyay 20 kiss, kii biyahana waxaan siiyay 20 kiss, kii cowska jarijireyna waxaan asagana siiyey 20 kiss, dukaankii deenta nagu lahaana, asagana 40 kiss. Marka saas u ogoow kiss kii aad soo dirtay saas ayaan u bixiyey". :)

Share this post


Link to post
Share on other sites

Waxay ahayd markii Ugu horeysay ee ay Magaalo U amba baxaan isla markaana waxay ahayd Markii ugu horeysay ee ay Gaadhi ku Safraan, Waxay baabuurka raaceen Goor fiida oo ay Qoraxdu sii libdhayso. Wax yar ka dib waa la dhaqaajiyay. Waxayn saarnaayeen dusha sare ee dhaynaha. Labadan Nin Mid walba wax ka Yaabiyay wixii maskaxdiisa ku waynaa. Midbaa Oradak baabuurka ka yaabay midna laydhka ama nalalka uu Gaadhigu Habeenkii shito ee uu ku socdo ayaa uu in badan iswaydiinayay. Wayna skeekayseen. Ninkii 1aad: sxb waxaan ka amakaagay birtan orodkeeda waxaad moodaa libaax afar qaada oo mudo qatanaa. Ninkii 2aad: sxb waxa ilaa caawa aan ka fajacsanahay ninkan aan daalayn ee Tooshka wayn inala hor ordaya :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Nin doqon ah ayaa wiilkiisa ku yiri isna doqon ahaa...

 

"Maalintii aan kutukanay salaada jimcaha masjidka hebel, goormeey aheed? "

 

Wiilkii ayaa kujawaabay,

 

Aabe, waan halmaamay, laakinse waxaan umaleynayaa ineey aheed maalin Talaado ah". Aabihii ayaa asagana ugu jawaabay, waa runtaa. :)

Share this post


Link to post
Share on other sites

Nin baa saaxiibaddii u gabyay isagoo amaanaya. Wuxuu yidhi:

 

Ipod sidiisii waad u dhigantaaye

Iphone nada la sheegana adigaa ka qurux wayne

dhaqankaagu waa asal sidii chager nokia e

sony ericsson baad u eegtahay iyo glacxy notekiiye

allaylaahe S2 gii sumsung waad u qalantaa

adaygana 3310 iyo tooshe baad tahay

iskiriinku kuma jabo sidii mobile china ahe

Share this post


Link to post
Share on other sites

Nin waadad ahaa oo aan waligii jaad cunin , ayaa maalin xanuusaday, saaxiibadii oo jaadka cuni jirey ayaa waxay u keeneen, sharaab ah Avocado ah , intuu eegay ayuu ku yidhi aabihiin cunna anigiibaad garaabo isoo ridiqdeen :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Jacaylbaro;905725 wrote:
Nin baa saaxiibaddii u gabyay isagoo amaanaya. Wuxuu yidhi:

 

Ipod sidiisii waad u dhigantaaye

Iphone nada la sheegana adigaa ka qurux wayne

dhaqankaagu waa asal sidii chager nokia e

sony ericsson baad u eegtahay iyo glacxy notekiiye

allaylaahe S2 gii sumsung waad u qalantaa

adaygana 3310 iyo tooshe baad tahay

iskiriinku kuma jabo sidii mobile china ahe

Lol...JB tixdan ma adigaa tiriyey?

Yarta intaan baan ugu dari lahaa.

Sim card sidiisii waa u siman tahaye

App-skoo idil caqliga waadba dheer tahaya

Google map-ka tilmaanta waad ka sidataaye. :

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Nin reer Mudug ah ayaa wuxuu arkay nin reer Baay ah oo naaneys loogu yeero diidi jirey, markaas buu wuxuu weydiiyey "Waryaa haddii aad magacaaga diidey, yaad magaciisa qaadanaysaa"?:D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this