Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Cabdi Cawar being forced to leave boosaaso by Farooles admin .

Recommended Posts

Dowladda Puntland oo ku amartay Dr. Gaas inuu isaga baxo Boosaaso.OCTOBER 31, 2012 17:19 29

 

Dr. Cabdweli Maxamed Cali (Gaas) oo si diiran loogu soo dhoweeyey Boosaaso.

Boosaaso (HM) Waxaa maalmihii ugu danbeeyey safar ku marayey Deegaanada Puntland Raysal wasaarihii hore ee Soomaaliya hadana ah Xildhibaan ka tirsan Dowlada Federaalka Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas).

 

Safarka Dr. Gaas ayaa ka soo bilaabmay Gobolka Mudug halkaas oo uu socdaalo kala duwan ku soo kala fidiyey gaar ahaan Degmooyinka Gaalkacayo & Galdogob wuxuuna uga soo gudbay Gobolada Nugaal, Karkaar & Bari oo uu haatan ku sugan yahay waxaana la filayaa inuu booqdo Deegaano ka baxsan Wadada laamiga ah ee Gobolka Bari & Degmooyin ka tirsan Gobolka Sanaag.

 

Ujeedada Safarka Dr. Gaas.

 

Xildhibaan Cabdiweli wuxuu ku sheegay ujeedada socdaalkiisa sidii uu ugu kuur geli lahaa xaalada Deegaanada Puntland oo uu ka tirsan yahay mudanayaasha wakiilka uga ah Baarlamaanka Soomaaliya maadama uusan fursad fiican oo uu Dalka dhan ku soo maro u helin wakhtigii uu ahaa Raysal wasaaraha oo u sheegay inuu ku mashquulsanaa meel marinta khariiradii (Ro’ad map) oo Soomaaliya looga saaray Ku meel gaarka.

 

Ma sheegin Xildhibaanku inuu u sharaxn yahay Madaxtinimada Puntland ama uu ka rajo qabo inuu ku soo biiro masraxa Siyaasada Puntland kamana hadlin xiisada siyaasadeed ee hada ka taagan Puntland taas oo la xiriirta mudo kordhin ay samaysatay Xukuumada Madaxweyne Dr. Faroole.

 

Walaaca Xukuumada.

 

Xukuumada Puntland ayaa iyadu si weyn uga walaacsanayd safarka Dr. Gaas iyadoo u arkaysay mid khatartiisa leh marka loo eego muranka siyaasadeed ee hada ka taagan mudo kordhinta ay Hay’adaha Dowladu samaysteen taas oo dib u dhigaysa Doorashooyinka Madaxtooyada oo la filayey inay qabsoomaan 8 Jan, 2013 waloow Dadweynaha intiisa badan & Siyaasiyiintu ku doodayaan in doorashooyinka wakhtigoodii la qabto.

 

Amarka Xukuumada.

 

 

Gudoomiyaha Gobolka Bari wuxuu ku amray Dr. Gaas inuu isaga baxo Boosaaso

Maanta (Arbaca) gelinkii hore Xukuumada Puntland ayaa ku amartay Raysal wasaarihii hore ee Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) inuu isaga baxo Magaalada Boosaaso isla markaana safarkiisii uu ku marayey Gobolada Puntland uu joojiyo gebi ahaan.

 

Kulan saaka ka dhacay Xarunta Gobolka Bari (Xafiiska Gudoomiyaha) Gudoomiyaha Gobolka Bari Cabdisamed Galan ayaa ku wargeliyey Dr. Gaas inuu isaga baxo magaalada Wasiirka Xanaanada Xoolaha Siciid Xasan Shire & Wasiir Ku xigeenka Maaliyada Cabdiraxmaan Maxamuud Xaaji Xasan oo labadu goob joog ka ahaa kulanka ayaa sheegay inaysan wax war ah kala socon Amarka lagu soo rogay Dr. Gaas hase ahaatee Gudoomiyaha Gobolka Bari ayaa isagu ku adkaystay in amarkaasi ka yimi Madaxda sare ee Dowlada (Madaxtooyada) loona baahan yahay in loo hogaansamo.

 

Jawaabta Xildhibaan Gaas.

 

Xildhibaan Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) ayaa ku gacan sayray inuu u hogaansamo amarka Xukuumada Puntland wuxuuna sheegay inuusan isaga bixi doonin Magaalada Boosaso isla markaana aanu joojin doonin Safarkiisa uu ku mari doono Deegaano ka tirsan Gobolada Bari & Sanaag.

 

Xildhibaan Gaas ayaa ku dooday inuu yahay Muwaadin/ Masuul reer Puntland ah uuna xaq u leeyahay inuu si xor ah ugu dhex noolaado Deeganada Puntland ama ugu kala safro .

 

Wuxuu sheegay inuusan jirin denbi uu Dalka ka galay uuna xaq u leeyahay inuu xogogaal u noqdo Xaalada dhabta ah ee ay ku noolyihiin Bulshada reer Puntland oo uu ka mid yahay mudanayaasha u metela Aqalka Baarlamaanka Soomaaliya isala markaana wax kasta oo dhaca uusan isaga bixi doonin Boosaaso sida ay Horseed Media u xaqiijiyeen ilo goob joob joog ka ahaa kulanka.

 

Qado sharaf loo sameeyey Dr. Gaas.

 

Gacansatada & Waxgaradka Gobolka Sanaag ayaa maanta u sameeyey Dr. Gaas Qado sharaf taas oo lagaga arinsanayey booqashada uu ku tegi doono maalmaha soo socda Gobolka Sanaag .

 

Goob jooge ku sugnaa kulanka dhex maray Odayaasha reer Sanaag & Xildhibaan Gaas oo ka dhacay Hoteel Juba – Boosaaso wuxuu u sheegay goor dhoweyd Horseed Media in ay odayaashu ku dhiiri geliyeen xildhibaanku inuu booqdo Gobolka iyagoo canbaareeyey Go’aanka Xukuumada Madaxweyne Faroole ku gaartay in aanu xildhibaanku booqan Gobolka Sanaag uuna isaga baxo Degmada Boosaaso.

 

Waxaa ka mid ahaa Isimadii maanta ka soo qayb galay qado sharafta loo sameeyey Xildhibaanka Garaad Cabdulaahi Cali Ciid oo ka mid ah Isimada ugu caansan Puntland.

 

Amar dhicisoobay.

 

 

Maxamuud Beeldaaje & Cabdicasiis Siciid Gacameey.

Xukuumada Puntland ayaa horay u soo amartay in la soo xiro 12 xubnood oo ka tirsan Siyaasiyiinta, Gacansatada & Waxgardka Gobolka Bari kuwaas oo horay xilal kala duwan uga soo qabtay Xukuumadi Gen. Cade & Xukuumada hada talada haysa ee Dr. Faroole waxaana ka mid ahaa xubnahaas Taliyihii hore ee Ciidamada Booliska Xukuumadi Cade Cabdicasiis Siciid Gacamey & Maxamuud Beeldaaje oo ka soo qabtay Xukuumada Madaxweyne Faroole Wasiiru Dowlaha Ganacsiga & Duqa Degmada Boosaso, Ganacsade Liibaan Maxamad Yuusuf (Liibaan Dheere) iyo rag kale oo caanka ah Puntland.

 

Amarka lagu soo xirayo xubnahaa ayaa noqon waayey mid dhaqan gal ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

Horseed has really blurred the line between journalism and pan-politico tribalism. I am calling for horseedmedia to keep it professional and stop this anti puntland nonsense cuz some of your journalists were arrested.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Odey   

I know Faroole can be a fool sometimes, but doubt he is this foolish!. Gaas is a native of Puntland and Faroole knows he can't kick him out no matter what he does, so the question then remains, how authentic is this piece of news that Horseednet is pushing?.

 

So far it is the only website reporting this and lets not forget, such an action would be heavily reported had it been true.

 

Having said that, I have seen stranger things happening when it comes to faroole!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Carafaat   

If Gaas visits Garowe as well, then we can assume this news to be false. If he doesnt then he must have good reasons not to visit the capital of Puntland.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalia   

Carafaat;884915 wrote:
If Gaas visits Garowe as well, then we can assume this news to be false. If he doesnt then he must have good reasons not to visit the capital of Puntland.

DSC00236.jpeg

DSC00209.jpeg

gaas-vs-faroole.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Haatu   

It's not just Horseed, RBC reported it the other day. I even made a thread about it but for some reason the thread was removed. Someone obviously didn't want it to remain ;) Yunis baa ka markhaati eh

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this