Sign in to follow this  
General Duke

New York: Dr. Abdiweli Mohamed Ali with dignity represents Somalia at UN summit : PICS

Recommended Posts

DSC00150.jpg

Sawiro+warbixin—- Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo ka qeyb galaya shirka QM oo kulamo la qaatay Madaxda Adduunka

 

Posted by Pi on September 25th, 2012

 

 

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr Abdiweli Mohamed Ali oo ku sugan New York oo uu ka qeybgalayo shirka Qaramada Midoobey ee Golahiisa Guud ayaa kulamo la qaatay Madax ka kala socotay waddamada Adduunka oo uu kala hadlayey xaaladda waddanka, isbedelkii dhowaan ka dhacay Muqdisho iyo doorashadii Madaxweyne Hassan Sheikh Mohamud iyo farriin uu uga sido Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Sawirada qoraalka hoostiisa ka daawo

 

Ra’iisul Wasaare Dr Abdiweli Mohamed Ali ayaa mas’uuliyiintii uu la kulmay waxaa ka mid ahaa Madaxweynaha Dalka Kenya, HE Mwai Kibaki, Madaxweynaha Northern Cyprus ee Turkiga, HE. Dr Dervis Eroglu, iyo Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Norway HE Mr. Heikki Holmas.

 

Madaxweyne Kibaki ayaa hambalyo u soo jeediyey shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan Ra’iisul Wasaare Abdiweli Mohamed Ali iyo dhameystirkii xilliga KMG ah isagoo ku ammaanay Ra’iisul Wasaare Abdiweli inuu hoggaan suuban la yimid oo suurtogelisay in Soomaaliya uu ka dhaco isbedel demoqraadiyad ah. Sidoo kale labada Mas’uul ayaa ka wada hadlay la dagaalanka Al-Shabaab iyo xiriirka labada shacab ee dhanka dhaqaalaha iyo horumarka, iyagoo xusay in Somalia oo nabad ah ay ka dhigeyso geeska Africa nabad.

 

Wasiirka Arrimaha Dibedda Norway HE Mr. Heikki Holmas ayaa waxey ka wada hadleen sida ay Norway uga qeybqaadan karto isbedelka iyo horumarka Soomaaliya. Ra’iisul Wasaare Abdiweli ayaa ka codsaday Norway inay dib u dhiska dalka iyo sidii hay’adaha Dowladda loo dhisi lahaa ay ka qeybqaataan, isagoo xusay in saacidaada toos loo siiyo NGO-yada ay keeneyso inay wiiqdo awoodda dowladda. Wasiirka Arrimaha Dibedda Norway ayaa ku raacay Ra’iisul Wasaaraha sheegeyna inuu la xiriirayo waddamada kale sida kuwa Yurub sidii dowladda toos loogu saacidi lahaa si loo dhiso hay’adaha Dowliga ah.Sidoo kale labada mas’uul waxey isla garteen in goobaha iyo deegaanada dalka loo baahanyahay in la gaaro oo la fahamsiiyo nabadda inay rajo iyo nolol ku jirto.

 

HE. Dr. Dervis Eroglu: Madaxweynaha Northern Cyprus ee Dowladda Turkiga ayaa sheegay inay daneynayaan in Somalia iyo Northern Cyprus uu xiriir wanaagsan dhex maro oo ay ka saacidaan Somalia arrimo fara badan.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr Abdiweli Mohamed Ali ayaa lagu wadaa inuu la kulmo Madaxweyne Obama iyo xaaskiisa Michelle, Xoghayaha Guud ee QM Ban Ki-Moon, iyo madax kale. Waxaana lagu wadaa in Ra’iisul Wasaare Abdiweli uu khudbad taariikhi ah ka jeedin doono Golaha Guud ee QM maalinta 27ka September 2012, isagoo sidoo kale sanadkii hore khudbad taariikhi ah halkaas ka jeediyey.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

I was against Abdiweli to win as a president during the recent Somali presidential race, neither do I support him to be back as a PM but the man is doing a good job by representing his country on a big meeting like this, mixing with world leaders. Well done PM Abdiweli and good luck with your future.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Mintid Farayar;873728 wrote:
Naw! Xataa yartii tolka shaqo buu u dhiibey! Show reerku ma kala hadho...

What amazes me is that you know everyone from Abdiweli's clan. Thats a talent and I am touched by your concern for the Columbia Law Graduate..She will get a job no doubt. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

General Duke;873735 wrote:
What amazes me is that you know everyone from Abdiweli's clan. Thats a talent and I am touched by your concern for the Columbia Law Graduate..She will get a job no doubt.
:D

Is deji, saaxiib. I'm just pointing out indisputable facts. It doesn't look good for P.R. purposes - politically speaking....

But then sometimes, it's difficult to learn new tricks!

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^^lol. You sound even more desperate. Its not like one can learn new tricks from SNM. Siilanyu, Musa Bixi, Yassin, Faisal Warrabe, Saleban Gaal the top leaders of the NW inclusive secessionist entity..:D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

lol....General Duke, SOL siyaasaddeedu Soomaaliya wax badan bay kaa bartay. Mintid gabadha shrika joogta maxaa ka rabtaa adigu?:D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Taleexi   

Mintid Farayar;873728 wrote:
Naw! Xataa yartii tolka shaqo buu u dhiibey! Show reerku ma kala hadho...

Miyaad taqaannaa?, mise mubaadinad baanay ahayn?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this