Sign in to follow this  
Liibaan

Maakhir State Grand Conference/ ShirWeynaha Maakhir State

Recommended Posts

Liibaan   

somali_flag.jpg

 

so_maakhir.gif

 

test1-150x150.png&cat=1&pid=5991&cache=t

 

 

 

Shacabka Maakhir Oo Qabanqaabinaya Shir Balaadhan Si Maamaul Goboleedka Maakhirland Loo Hirgaliyo

 

Jaaliyada Maakhir Ee Ku Nool Dalka Kenya gaar ahaan Magaallada Nairobi ayaa Ku howlan Qabanqaabo ay ugu jirto Shir weyne Lagu lafa guri doono arima badan Oo Khuseeya Deegaanka Maakhir.

 

Shirkan Oo ay soo Qabanqaabinayaan Jaaliyada Maakhir ee Ku Sugan Kenya ayaa Lagu Casumi Doonaa Soomaali aad U badan Kuwaas Oo Goob joog ka noqon Doona Madasha shirkaasi Ku qabsoomi doono .

 

Arimaha Shirkaa lagu Lafa Guri doono ayaa Noqonaya Sidatan :-

 

1. Waxaa lagaga Hadli Doonaa, Maamul U samaynta Deegaanka Maakhir iyo Sida ugu haboon ee arintaa Loo hirgalin karo .

 

2. Sidii Loogu waxyi Galin lahaa Bulshada Deegaanka iyo aaya ka talinta deegaanka oo ay ka Muuqato dayacnaan baahsan.

 

3. Dhisida Gudi loo xilsaaro dardar galinta Maamul ka hana qaada Deegaanka Maakhir , Si loo helo Maamul Horumar leh Oo ka hirgala Deegaankii .

 

4. Wacyi Galin Loo Sameeyo Dhamaan Bulshada Ku abtirsata Deegaanka Sidii ay Iyagu Arimahooda uga tashan lahaayen Ugana badax Banaanaan Lahaayeen Maamulada ragaadiyey Deegaankooda.

 

5. Sidii Loo Badhi taari lahaa Waxbarashada Deegaanka Oo Ah tan Kaliya Ee maanta Deegaanka ka hirgashay iyo sidii Loo abuuri lahaa Ilo dhaqaale oo taaba gala.

 

 

 

Dhamaan Arimahaas Oo Kuwa Kaloo Badan waxay Noqon Doonaan Kuwa Lagu Qadaa Dhigi Doono Shirkaas.

 

Gudiga Loo xirsaaray Qabanqaabada ayaa ka kooban:-

 

1. Abdisalan Osman Bulqas

 

2. Mohamed Mohamud Cabdi Beerdhige

 

3. Jama Ayanle feyte

 

4. Khadra Jaamac Axmed Abdi Saalah

 

5. Hamdi Ilka jiir

 

6. Muqtar Abdi Du’ale Ali Qaayib

 

7. Jama Yusuf Jama Deperani

 

 

 

Qof kasta oo doonaya inuu Barnaamijkaasi Xog dheeraad ah ka helo hala soo xidhiidho Gudiga Hoos ku Qoran, Sida ay Gudigu sheegeen way tix galindoonaan Feker kasta oo Saliim ah.

 

________________________________________________

" frameborder="0" allowfullscreen>

 

makhir.jpg

 

ea3f6af0bce488203091602f07eab688_XL.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Shirka Wada Tashiga ee Maakhir oo Si Rasmi u Furmay + Sawirro

 

 

 

Maalintii axada ahayd ee 23/09/12 waxaa ka furmay magaalada carroweyn ee gobolka sanaag shir weyne mudo la qorshaynayey kaas oo ay beelaha adan Siciid kaga tashanayeen arimo badan oo mu hiima sida :

 

NABADDA

CADAALADA

MIDNIMADA

HORUUMARKA

IYO DERIS WANAAGA

 

 

Beelahan oo ka mid beel weynta Max’ud ***** ama dadka loo yaqaan Reer Maakhir waxay mudo qorshanayeen sidii uu shirkaasu u qabsoomi lahaa waxaana hada si toos ah u furmay wejigee 1aad ee shirka iyada oo ay ka soo qayb galeen dhamaan ergooyinkii hore loogu balamay inay ka soo qayb galaan, iyo weliba marti sharaf kale oo aad u faro badan.

 

 

 

waxaa si dhamays tiran uga soo qayb galay shir weynahaas dhamaan Isimada, Cuqaasha Guurtida, Aqoonyahank, Culimada iyo Haweenka beesha iyada oo ay jiraan Ergo si rasmi ah uga qayb gelaysa Shirka.

 

maalintii ugu horaysey oo uu shirku furmay wuxuu ku biloowday xogwaran iyo iswaraysi waxaana la mag caabay Gudidii socod siin lahayd shirka, waxa shirkan oo ah mid aad muhiim u ahi uu noqon doonaa mid lagu lafaguro arimo badan danaha beesha iyo danaha mandiqada qiima weyn u leh hadaba waxaa looga fadhiyaa beesha Adan siciid inay soo saaraan talooyin wax ku oola oo guud ahaan gobolka iyo beeshaba faa iido uleh ayna ilaaliyaan midnimada iyo wadajirka degaanka iyo tan reerkaba , ayna iska ilaaliyaan wax kasta oo lagu kala fogaanayo, waxaa kaloo looga baahan yahay tanaasul iyo dulqaad toleed.

 

 

 

Hadaba shirkan oo gundhigiisu yahay qodobada kor ku xusan waxaan rajaynaynaa inaa si dhamays tiran idiinku soo gudbin doono dhexdiisa iyo gebo gebadiisaba Insha allah.

 

 

 

111.jpg

dhalinyaro1.jpg

101.jpg

62.jpg

maakhari.jpg

7.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

HorseedMedia.com

 

ShirWeynaha Maakhir oo Si Habsami Ah u Socda (War Bixin)

 

 

Badhan (HM) Waxaa maal mihii ugu danbeeyey ka socday deegaano ka mid ah Gobolka Sanaag Shirar ay leeyihiin Beelaha Maakhir ee ku dhaqan Gobolkaaas.

 

Shirarkaas oo qaarkood socdaan qaar kalena ay furmi doonaan maalmaha soo socda ayaa ah kuwo gaar gaar ah oo beeluhu ku soo tashan doonaan.

 

Odayaal ku kala sugan sadexda magaalo ee Caroweyn, Yube & Mindigale oo shirarku ka socdaan ayaa si isku mid ah ugu sheegay maanta 25 Sep, 2012 Horseed Media in ajandaha ugu weyn ee shirarkaasi yihiin sidii beeluhu uga tashan lahaayeen danahooda kadibna la isugu iman lahaa Shir Guud.

 

Shirka Caroweyn.

 

 

Ugaas Maakhiri.

23 Sep, 2012 waxaa shir uga furmay Deegaanka Caroweyn Beesha Aadan Siciid (Cumar, **********) shirkaas oo ilaa hada ug socda si hamsami leh waxaa ka soo qayb galay dhamaan qaybaha Bulshada sida Cuqaasha, Aqoonyahanada, Waxgaaradka, Qurbo joogta & Ganacsatada.

 

Goob jooge ku sugan shirku wuxuu u sheegay HM in ujeedada u weyn ee shirku tahay sidii looga tashan lahaa aayaha & masiirka Gobolka Sanaag.

 

Goobta Shirku ka dhacayo waxaa lagu xardhay boorar ay ku qoran yihiin hal ku dhigyo lagu muujinayo qiimaha Nabad, Cadaaladda & Wada jirku leeyahay.

 

Shirka Yube.

 

Beesha Nuux Cumar (Cumar, **********) Waxaa maalmihii ugu danbeeyey shir uga socday magaaladda Yube ee Gobolka Sanaag ujeedka shirkaas ayaa lagu sheegay sidii beeshu u samaysan lahay Suldaan & Nabadoon Guud oo u metela masraxa dhaqanka maadama 25 Aug, 2011 uu geeriyooday Nabadoonkii hore ee Beesha AHN. Nabadoon Bashiir Ducaale oo mudo dheer soo hayey xilkaas.

 

Falan qayn badan kadib waxaa la isku raacay sida la soo gaarsiiyey HM in Suldaan beeshu u doorato Suldaan: Axmed Bashiir Ducaale oo uu dhalay Nabadoon kii hore halka Nabadoon loo caleemo saaray Cige Jaamac Shire Nuux.

 

Suldaan Axmed Bashiir oo la hadlayey goor dhoweyd Horseed Media wuxuu faahfaahin ka bixiyey go’aamadii shirkaas ka soo baxay isagoo xusay inay ugu weynayd sidii loo sii adkayn lahaa midnimada beesha & Wada jirkeeda.

 

Wuxuu si kulul u canbaareeyey isku shaan dheyn dhowaan Golihiisa Wasiiradda uu ku sameeyey Madaxweyne Faroole isagoo sheegay in saamigii beesha uu meesha ka saaray Madaxweynuhu.

 

“Beeshu horay xubin uguma lahayn Golaha Wakiiladda Puntland waxaan ku lahayn Wasiiru dowle Xukuumada isagiina dhowaan baa shaqada laga cayriyey lagumana bedelin shakhsi beesha ka tirsan sidaa darteed waan canbarayneenaa talaabadaas waana ka xunahay” Ayuu yiri Suldaan Bashiir.

 

Shirka Mindigele.

 

 

Mindigale

Maalinimada beri waxaa shir uga furmayaa magaaladda Mindigale Beesha Reer Saalax (Cumar, **********) mid ka mid ah qaban qaabiyaasha shirka ayaa u sheegay HM in dhamaan Ergadii loo qorsheeyey inay ka soo qayb galaan shirkaas ay ku sugan yihiin Magaaladda.

 

Wax faahfaahin ah kama helin ujeedka shirkaas & Ajandaha looga hadli doono hase ahaatee waxaa la xaqiijiyey inuu xiriir la leeyahay shirarka kale ee ka soconaya Gobolka.

 

Sida la xaqiijiyey waxaa shirkaas ka soo qayb geli doona Garaad Cabdulaahi Cali Ciid oo ka mid ah Isimada ugu caansan Puntland.

 

Aragtida Dadweynaha Gobolka Sanaag.

 

Inta badan Dadweynaha ku dhaqan Gobolka Sanaag ayaa si diiran u soo dhoweeyey shirarka beelaha qaar uga furmay Gobolka iyadoo loo dheg taagayo natiijooyinka ka soo bixi doona shirarkaas.

 

 

Beesha Aadan Siciid Waxaa Shir uga socdaa Caro weyn.

 

 

 

Suldaan Maakhiri.

 

 

 

 

Magaaladda Mindigale.

 

Mindigale

 

 

Dhamaan Kulamadani waxay ku soo aadayaan wakhti ay ka jiraan Deegaanada Puntland arrimo xasaasi ah sida nidaamka Xisbiyada badan oo Xukuumadu ku dhawaaqday waloow dad badani si adag uga biyo diideen qorshaha Xukuumadda.

 

Shiine Culay

Horseed Media

 

 

yube.jpg

 

mindigale.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Taleexi   

I'm in supportive but I hope the committee consults with all players of the community. I hope one group doesn't hijack the conference.

Share this post


Link to post
Share on other sites

This will not materialize both suldaan cali ciid and Suldaan Siciid do not support this project. Besides that the conference coroweyn has nothing to do with the conference in nairobi the Conference in Coroweyn is a subclan conference.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Taleexi;873616 wrote:
They should learn from Khatumo shortcomings.

Insha Allah, Maakhir Conference will be more successful than KHaatumo Conference, because they will learn from both Khaatumo successes and shortcomings.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Xaaji Xunjuf;873621 wrote:
This will not materialize both suldaan cali ciid and Suldaan Siciid do not support this project.

Garaad Cali Ciid is the leader and the key organizer of Maakhir Grand Conference.

 

Xaaji Xunjuf;873621 wrote:
Besides that the conference coroweyn has nothing to do with the conference in nairobi the Conference in Coroweyn is a subclan conference.

Maakhir Conference in Nairobi was like the KHaatumo One Conference in London 2011

 

Also, like Khaatumo, there was so many Mini- KHaatumo Conrences that took place in Buhoodle, Widhwidh, Kalabaydh, Booceme, Saaxdheer,Taleex,Tukaraq, Xudun, Dharkeyn, Buurawadal, before the KHaatumo Grand Conference in Taleex.

 

 

Not only Caroweyn Conference, there is so many so many Mini Conferences taking place this month in Maakir Region, in preparation for the Maakhir Grand Conference.

 

 

 

 

September/ October 2012:

 

-Mini Maakhir Conference in Caroweyn

 

- Mini Maakhir Conference in Buraan

 

- Mini Maakhir Conference in Yube

 

- Mini Maakhir Conference in Mindigale

 

- Mini Maakhir Conference in Badhan

 

- Mini Maakhir Conference in Hadaaftimo, and many more

 

 

November 2012:

 

- Maakhir State Grand Conference

 

 

 

__________________________________________

 

 

Shirar Beeleedyo Ka Socda Gobolka Sanaag (Warbixin).

Horseed Media - September 25, 2012

http://horseedmedia.net/2012/09/25/shirar-beeleedyo-ka-socda-gobolka-sanaag-warbixin/

 

Badhan (HM) Waxaa maal mihii ugu danbeeyey ka socday deegaano ka mid ah Gobolka Sanaag Shirar ay leeyihiin qaar ka mid ah Beelaha Maxamuud ***** (**********) ee ku dhaqan Gobolkaaas.

 

Shirarkaas oo qaarkood socdaan qaar kalena ay furmi doonaan maalmaha soo socda ayaa ah kuwo gaar gaar ah oo beeluhu ku soo tashan doonaan.

 

 

Odayaal ku kala sugan sadexda magaalo ee Caroweyn, Yube & Mindigale oo shirarku ka socdaan ayaa si isku mid ah ugu sheegay maanta 25 Sep, 2012 Horseed Media in ajandaha ugu weyn ee shirarkaasi yihiin sidii beeluhu uga tashan lahaayeen danahooda kadibna la isugu iman lahaa Shir Guud.

 

 

Shirka Caroweyn

 

23 Sep, 2012 waxaa shir uga furmay Deegaanka Caroweyn Beesha Aadan Siciid (Cumar, **********) shirkaas oo ilaa hada ug socda si hamsami leh waxaa ka soo qayb galay dhamaan qaybaha Bulshada sida Cuqaasha, Aqoonyahanada, Waxgaaradka, Qurbo joogta & Ganacsatada.

 

Goob jooge ku sugan shirku wuxuu u sheegay HM in ujeedada u weyn ee shirku tahay sidii looga tashan lahaa aayaha & masiirka Gobolka Sanaag.

 

Goobta Shirku ka dhacayo waxaa lagu xardhay boorar ay ku qoran yihiin hal ku dhigyo lagu muujinayo qiimaha Nabad, Cadaaladda & Wada jirku leeyahay.

 

Shirka Yube

 

Beesha Nuux Cumar (Cumar, **********) Waxaa maalmihii ugu danbeeyey shir uga socday magaaladda Yube ee Gobolka Sanaag ujeedka shirkaas ayaa lagu sheegay sidii beeshu u samaysan lahay Suldaan & Nabadoon Guud oo u metela masraxa dhaqanka maadama 25 Aug, 2011 uu geeriyooday Nabadoonkii hore ee Beesha AHN. Nabadoon Bashiir Ducaale oo mudo dheer soo hayey xilkaas.

 

Falan qayn badan kadib waxaa la isku raacay sida la soo gaarsiiyey HM in Suldaan beeshu u doorato Suldaan: Axmed Bashiir Ducaale oo uu dhalay Nabadoon kii hore halka Nabadoon loo caleemo saaray Cige Jaamac Shire Nuux.

 

Suldaan Axmed Bashiir oo la hadlayey goor dhoweyd Horseed Media wuxuu faahfaahin ka bixiyey go’aamadii shirkaas ka soo baxay isagoo xusay inay ugu weynayd sidii loo sii adkayn lahaa midnimada beesha & Wada jirkeeda.

 

Wuxuu si kulul u canbaareeyey isku shaan dheyn dhowaan Golihiisa Wasiiradda uu ku sameeyey Madaxweyne Faroole isagoo sheegay in saamigii beesha uu meesha ka saaray Madaxweynuhu.

 

“Beeshu horay xubin uguma lahayn Golaha Wakiiladda Puntland waxaan ku lahayn Wasiiru dowle Xukuumada isagiina dhowaan baa shaqada laga cayriyey lagumana bedelin shakhsi beesha ka tirsan sidaa darteed waan canbarayneenaa talaabadaas waana ka xunahay” Ayuu yiri Suldaan Bashiir.

 

 

 

 

Shirka Mindigale

Maalinimada beri waxaa shir uga furmayaa magaaladda Mindigale Beesha Reer Saalax (Cumar, **********) mid ka mid ah qaban qaabiyaasha shirka ayaa u sheegay HM in dhamaan Ergadii loo qorsheeyey inay ka soo qayb galaan shirkaas ay ku sugan yihiin Magaaladda.

 

Wax faahfaahin ah kama helin ujeedka shirkaas & Ajandaha looga hadli doono hase ahaatee waxaa la xaqiijiyey inuu xiriir la leeyahay shirarka kale ee ka soconaya Gobolka.

 

Sida la xaqiijiyey waxaa shirkaas ka soo qayb geli doona Garaad Cabdulaahi Cali Ciid oo ka mid ah Isimada ugu caansan Puntland.

 

Aragtida Dadweynaha Gobolka Sanaag

 

Inta badan Dadweynaha ku dhaqan Gobolka Sanaag ayaa si diiran u soo dhoweeyey shirarka beelaha qaar uga furmay Gobolka iyadoo loo dheg taagayo natiijooyinka ka soo bixi doona shirarkaas.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Maakhir oo Shirar Gooni Gooni ahi Beelaha uga Furmeen Ka Hor ShirWeyna Maakhir

GalGalanews

http://www.galgalanews.com/?p=16307

 

 

Buraan Sep,23,2012,

 

Shirarkan oo maalinimada isniinta iyo arbacada ka kala dhacay Magaalada Buraan iyo Midigale ee Gobolka Sanaag,ayaa waxaa lugu soo waramayaa inay yihiin Shirar ay beelaha degaanadaasi si Gooni gooni ah beelwalbaa ugaga arrinsanayso Mustaqbalka Dame ee dalka iyo sidii Wax looga bedeli lahaa Doorka siyaasada iyo Horumarka bulshada ku dhaqan Degaanadaasi. Shirarakan ayaa qaban qaabanadooda waxaa laga dareemayaa Magaalada Bosaso iyo Meelo kale oo ka mida Gobolka Sanaag,Waxaana si Gooni ah ugu Shiraya Magaalada Midigale Maalinta Isniinta ah ee Soo Socota Beelwaynta Reer Saalax,Waxaana Maalinta arbacada isna ku Xiga Shirwayne Kale oo beelaha Gashaan Buur ay ku yeelanayaan Magaalada Buraan ee Gobolka Sanaag,Iyadoo Beesha Aadan Siciidna ay Shir isla maalmahan ku leeyihiin Duleedka Degmada Hadaaftimo ee G/Sanaag. [Akhriso Shirka Aadan Siciid] Sida ay sheegayaan ilo ku dhow dhow shirar beleedyadan ,Waxaa la filayaa inay shirarakan ka soo baxdo Natiijo dhaxalgal u ah beelaha Gobolka Sanaag iyo sidii ay dadku isugu xidhmi lahayeen ka dibna ay suurgaltahay Markay Shirarkaasi beleedada ay soo Dhamadaan iyo Shirwayne kale uu ka dhaco Magaalada Badhan ee Gobolka Sanaag. Geesta Kale Degaanada Midigale iyo Buraan ee Gobolka Sanaag ayaa waxay tagereen Hadalkii Shalay Nabadoonkii ka Hadlay Idaacada VOA ee ka digey In Puntland Dagaalo sokeeye ka dhacaan iyo Mudaharaadyadii lugu diidanaa Xisbiyada ee ka dhacay Qardho. In kastoo Shirarka Beelahaasi uga Furmay Gudaha G/Sanaag aanu ku ekayn kaliya in Bayaanka Laga Soo Saarayaa uu Siyaasada kaliya Lug ku leeyahay haddana waxa Jirta in Aad looga Arrinsanayo Mashruuc Shaki badan la Galiyay oo ka Socda Magaalada Laasqoray. Degmada Laasqoray waxa Mudo ku Sugnaa Maraakiib aan Meel ay ka Diiwaan Gashanyihiin La Aqoon isla markaana ay Hor-boodayaan Koox Qurba Joog ah,Odayaasha Beelaha ayaa Farta ku muday Mashruucaasi oo aan waxba Laga Socodsiin Marka laga Reebo Kooxo Isku Feker ka ah Dhanka Maaliyadda. Ahmed Maxamed GalGalanews/Bosaaso

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Madaxda Dhaqanka Maakhir oo Shirar u Furmayaan Iyo Taageero Go’aankii Garaad C/laahi Cali Ciid ee ahaa in Shir wayne Wada-Tashi lagu qabto Maakhir

 

 

 

Maakhir Degmooyin Dhowr ah oo Hoos yimaada waxa ka socda Abaabul lagu Taageerayo Go’aankii Garaad C/laahi Cali Ciid ee ahaa in Shir wayne Wada-Tashi lagu qabto Maakhir kaasi oo looga hadlidoono Arrimo ay ka mid yihiin, Horumarka, Siyaasada Guud ahaan Somaliya ee Gobolkaasi ku Aaddan iyo Amuura kale oo aan la shaacin.

 

C/laahi Cali Ciid oo ah Isin Reer Maakhir Kormeerayay waxana uu Haatan Gaadhay oo Ku Sugan-yahay Magaalada Badhan halkaasi oo ay Shir kula leeyihiin Guurtida Degmadu isla markaana laysla lafa gurayo Arrimaha Shirka uu Garaadku Iclaamiyay dhawaan.

 

 

Shirkaasi ay Guurtidu ku Baaqeen wuxuu ku soo Beegmay xili Dhawaan Qurba Joogta G/Sanaag ee Woqooyiga America ay ku dhawaaqeen in Shir Deg Deg ah Gudaha lagu qabto Sida ay Warbaahinta ka sheegeen Guddidii Shirkaasi Abaabulaysay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this