Sign in to follow this  
Alpha Blondy

Social Reconstruction Series 1: Qiimee Qofkaaga si aad Qiime u Yeelatid

Recommended Posts

Social Reconstruction Series by Alpha Blondy

 

i want to compile, through successive threads, a list of interesting and seldom heard personal stories, video clips and articles that attempt to provide solutions to the broken social fabric in the somali peninsula. i also want to add my own views about these ideas and would greatly welcome any ideas you may have.

 

too often societal issues are considered something peripheral that the somali customs, norms and values can wholly solve. the last 30 years were difficult but for the first time in the somali-speaking world, there maybe a way forward from these times of ''troubles''. after my short but richly rewarding visit to Belfast, Northern Ireland in 2008, I realised that through a grass-roots, bottoms-up and an organically somali approach, we are more than capable of developing new methods, ideas and thinking that may signal a way forward.

 

thank you,

 

alpha

Share this post


Link to post
Share on other sites

By: Rashiid Sulub Caalin, Hargeysa, Somaliland

 

Muwaddin ka Qaybgal Codbixinta Barnaamijka Qaran ee Qiimee Qofkaaga Wanaagsan.Ma ogtahay muwaaddin in markii u horreysay muddo 21 sanno Somaliland laga bilaabay barmaamuj lagu qiimaynayo shaqsiyaadka ku suntan horumarka dalkooda, dadkoda iyo nafahoodaba?

 

Waa barmaamuj loo bixiyey qiimee qofkaaga oo abaalmarin lagu sii doono 100-ka qof ee u horreeya ka qaybqaadashada horumarka Somaliland.

 

Yaa mudan inuu ka mid noqdo 100-kaas qof oo isugu jira qaar wax weyn oo muuqda dalkooda iyo dadkooda ku soo kordhiyey muddadaas 21-ka sanno ah iyo kuwo iyaguna si qayrul-caadi ah u horumariyey nafahooda?

 

Ma jiraa in uun qof maankaaga ka guuxaya oo aad is leedahay wuu u qalmaa in waxtarkiisa qaranka Somaliland ku abaalmariyo?

 

Haddaba, muwaaddin ka qaybgal ololaha codbixinta barnaamijka qaran ee qiimee qofkaaga, hana la bakhaylin ee codkaaga u hur shaqsiga mudan inuu ka mid noqdo 100kii qof ee ugu horreeyey oo qaranka Somaliland ku abaalmarinayo waxtarka arrimaha danta guud horraanta sannadka soo socda ee 2013-ka.

 

...........Haddaba, 21kii sannadood ee Jamhuuriyadda Somaliland jirtay waxa jira dad badan oo horumar iyo waxqabadyo wanaagsan ku soo kordhiyey dalkooda iyo nolosha ummadooda iyo qoka naftiisa si qayrul-caadi ah u dhisay arrimo kala duwan oo ay ka mid yihiin:

 

1. Ganacsiga 2. Tacliinta 3. Samafalka 4. Wax-soo-saarka 5. Shaqo-abuurka

 

6. Dawlad-wanaagga 7. Xuquuqal-insaanka 8. Maamul-wanaagga

 

9. Wacyigelinta Diinta Islaamka 10. Kor-uqaadista Ciyaaraha

 

11. Dhaqanka 12. Suugaanta 13. Nabadaynta 14. Xallinta Khilaafaadka

 

15. Heshiisiinta 16. Caafimaadka 17. Qoraalka 18. Saxaafadda

 

19. Daryeelka Carruurta 20. Waddaniyadda 21 .La-dagaalanka Qabyaalada

 

22. Isku-xidhka Danaha Qurbo-joogga 23. Xubnaha Isu Xilqaamay Samaynta Guur-wadareedyada

 

24. Isdhexgalka Bulshada 25. Wax-wada-qabsiga

 

26. Taakulaynta Dadka Naafada iyo Kuwa Laga Tirada Badan Yahay

 

27. Caddaaladda 28. La-dagaalanka Mukhaadaraadka

 

29. Badbaadinta Degaanka 30 La-dagaallanka musuqmaasuqa

 

31. Shaqsiyaadka meel aan wax hore ka jirin hawl ka bilaabay ee horumar weyn gaadhsiiyey oo dan-guud ku jirto

 

32. Qof wax ka qabtay aafo dabiici ah oo dalka ka dhacday oo loo ogyahay waxtarkiisa

33.Shaqsiyaadka wax ka qabtay ama caawiyey Qaxootiga,dadka ina dhex degan amaba socotada.

34.Daryeelka waayeelka iyo hooyooyinka

35.Horumarinta Afsoomaaliga

36.Horumarinta arrimaha bulshada

37.Ka shaqaynta iyo hagaajinta akhlaaqda iyo asluubta dhallinyarada

38.Horumarinta xoolaha nool, reer miyiga, beeralayda iyo khayraadka badda

39.Tayeynta iyo kor-u-qaadista tignoolajiyadda casriga ah , isgaadhsiinta, wershadaha wadooyinka dadka ka dhexeeya

40.Daryeelka xayawaanka iyo duur-joogta iwm.

 

Iyadoo dadka arrimahaas ku caan-baxay oo tiradoodu noqondooto 40ka qaybood ee kor ku xusan oo qayb walba laga soo qaadan doono laba qof iyo labataan qof oo naftooda si qayrl caadi ah u dhisay oo hormar weyna gaadhsiiyay dhammaantood tiradoodu noqoneyso 100 qof inta nool iyo kuwa dhimatayba mudan yihiin in lagu maamuuso oo xaflad ballaadhan oo heer qaran ah lagu soo bandhigo waxqabadkoodii, abaalgud iyo xus gaar ah lagu abaalmariyo, iyadoon loo kala eegayn qabiil iyo garasho toona.

 

Waxa hawsha xulista shaqsiyaadka la abaalmarinayo loo xilsaari doonaa guddi xeel-dheerayaal ah oo isu dheellitiran ah oo ay ka reebban yihiin dano gaara, kuwaasoo qaddiyaddan uga qaybqaadanaya si mutadawacnimo ah.

 

Shuruudaha looga baahan yahay qofka loo dooranayo shaqsi qaran iyo xubnaha isu sharraxaya guddiga kala saarista tartamayaasha waa inay noqdaan qaar aan weligood dembi qaran gelin.

 

Qorshaha aan ugu talogalay fulinta hawshan wejigeeda hore wuxuu noqonayaa in dadweynaha reer Somaliland fursad loo siiyo markii u horeysey in ay ka soo talo-bixiyaan qof kastoo ay u arkaan inuu wax muuqda ku soo kordhiyey qodobadda kor ku xusan.

 

Dadweynaha reer Somaliland waxa fursad loo siinayaa inay rayigooda ka dhiibtaan qof kastoo ay aaminsan yihiin inuu wax weyn dalka iyo dadkaba ku soo biiriyey 21-kii sannadood ee la soo dhaafay, iyagoo asbaabaha ay ku xusheen shaqsiyaadka si hufan u sharxaaya, farriimahoodana ku soo gudbin doono email gaar ah oo barnaamijkani yeelan doono, qiimaynta dadweynaha kadibna waxa loo gudbin doonaa guddiga loo xilsaaray kala-xulista iyo kala-haadinta dadka loo aqoonsan doono inay yihiin qaar taariikhda waddankooda ku suntan oo wax weyn ku soo kordhiyey.

 

Ugu dambayn, guddigu kala-xulistu waxay ku dhawaaqayaan liiska kama dambaysta ah ee shaqsiyaadka laysku raacay inay mudan yihiin in xaflad qaran lagu maamuuso, laguna abaal-mariyo.

 

Wejiga labaad ee qorshahani wuxuu noqonayaa amma xambaarsan yahay saddex qodob oo loo samayn doono guulaystayaasha, kuwaas oo kala ah;

 

1- In qofka ka mid ah shaqsiyaadka la soo xulay ee aan haatan wax shaqo ah haynin ee wax qaban kara ummadda iyo dalkaba looga fa’iideeyo maskaxdooda iyo khibradooda waayo-aragnimo ee guusha lagu gaadhi karo,iyadoo meesha looga fa’ideysan karo lagu tiirin doono, arrintaas oo shaqsiga la sharfayna u horseedi karta niyad-wanaag iyo helista dhaqaale uu u qalma.

 

2- In dadka la soo doortay taariikhdooda laga reebo, isla markaana loogu daro manhajka waxbarasho ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland ama buug laga qoro;

 

3- In shaqsiyaadka la sharfay intooda dhintay waxtar xusuuseed loo sameeyo dadka ay ka tageen ee baahan in lala qabto hadba wixii suurtogal ah ee lala qaban karo.

 

U jeeddooyinkan barnaamijkan miisaanka weyn leh laga leeyahay waa:-

 

1. In lagu dhiirrigeliyo dhallinyarada dalka inay ku daydaan shaqsiyaadka heerka qaran lagu abaal-mariyey;

 

2. In shacabka Somaliland noqdaan ummad abaal leh oo xusuusta dadkooda; waxqabadka iyo raadadka muuqda beeray;

 

3. In loo mahadnaqo dadkaasi intay nool yihiin, kuwa dhintayna loo duceeyo;

 

4. In ummadda reer Somaliland la baro isu-xilqaanka arrimaha danta guud iyo hormarinta iyo dhiirrigelinta in wax kastaa dadaal ku yimaaddaan;

 

5. In masuulyiinta qaranku wax ku qaataan arrintan si ay dalkooda iyo dadkoodaba wax ugu qabtaan, uguna tartamaan waxqabad iyo horumar;

 

6. In aynu ku dayano dadyawga horumaray waxyaabaha u suurtogeliyey guulaha lagu ******to ee ay gaadheen;

 

7. Kor-u-qaadista diinteenna suubban ee islaamka iyo dhaqanka wanaagsan ee bulshadeenna;

 

8. In lagu tartamo hormarku guud iyo kan gaarka loo leeyahayba oo uu muuqdo;

 

9. In la xoojiyo waddanimadda iyo horumarinta qofka;

 

10. In laga hortago dhaqanno sillan oo bulshadeennu caadaystaystaan oo qofku caan ku noqdo waxyaabo aan macno weyn lahayn;

 

11. In ixtiraamka, isqadarinta iyo kala dambeynta bulshada la garawsiiyo;

 

12. Inay noqoto fursad taariikhyahannadu wax kaga qori karaan shaqsiyaadkaas;

 

13. In wax laga barto faa’iidooyinka ku jira maamul-wanaagga iyo dawlad-wanaaggu leeyihiin.

 

14. In hawlaha samo-falka ah ayna koobanin,sida imikaba ay yahiin oo la baladhiyo.

 

Hawshan oo baaxad wayn leh iyo abaabul xoog leh u baahan inta ka horreysa muddadaas oo ku beegan toddobaadka ugu horreeye bisha Jan ee sannadka 2013-ka lagu dhammaystiro. Sidaa awgeed, waxaan bulshada Somaliland gudo iyo dibadba u soo bandhigayaa inay hawshaas ballaadhan ee baaxadda culayska weyn leh gacan iyo talaba iga siiyaan sidii barnaamijkan taariikhiga ah waddankeenna uga hirgeli laha, runtiina ma aha hawl aan macaash ama mansab ku raadinayo, laakiin waa fikir muddo dheer qalbigeyga ka dhex guuxaysey oo aan si mutadawacnimo ah ugu talogalay inaan ummadayda iyo qarankaygaba ugaga faa’iideeyo,waxayna barmaaajikani ka mid tahay hawlo samofal ah oo la igu yaqaano oo aan qabto. Sidoo kale, aniga iyo kooxda ila shaqaynsaysaba waxa naga reebban doorashada, kala xulashada ama ka mid noqoshada dadka loo aqoonsanayo shaqsiyaad qaran.

 

Haddaba, cid kastoo fikirka noocan ah ila wadaagta ama ila qabta waxaan ka codsanayaa inay gacan iga siiyaan sidii hawshani danta guud ah u fuli lahaa, taaaso la’aanteed aanan wadi kareyn kaligey, iyadoo xasanaad iyo ajar weyn ku jiro, iyadoo qofkeenna aynu iminka qiimeynaynaa tusaale fiican u noqonayo in jiilka dambe iyaguna is qiimeeyaan, inkastoo waxqabadyo badan oo samafal la sameeyey mudadii 21ka sanno ah haatanna la wado, haddana waxaan aaminsannahay in isxilqaanka, wadajirka iyo iskaashiga guul iyo hourmar lagu gaadhi karo, waxaanan si buuxda u ballanqaadayaa haddii arrintan gacan layga siiyo in aan aniguna hawshan u gudan doono si hufan oo ceeb la’aan ah, midho fiican dhalisa haddii Alle yidhaado.

 

Haddii aad rabto inaad ka mid noqoto guddida sare ee hawsha kala xulista waxa laga rabaa inaad CV-gaaga ku soo dirto e-mailkan:qofkaagaqiimee@yahoo.com adigoo garawsan in hawshani tahay mid samafal oo u baahan waqti iyo juhdi badan in la geliyo. Sidoo kale, haddaad doonayso inaad qof soo sharraxdo waxaad soo qoraysaa magacaaga oo saddexan, qofka aad dooratay magaciisa oo dhan iyo waxyaabaha aad ku xulatay ee la xidhiidha qodobadda mowduucani ka kooban yahay ee kor ku taxan, qof kastana waxa loo oggol yahay inuu hal markeliya uun codkiisa ka dhiibto arrintan.

 

Ugu dambayn, dulucda iyo macnaha weyn ee hawshan miisaanka leh xambaarsan tahay waxa weeye; qiimee qofkaaga wanaagsan si aad adiguna qiimo u yeelato, taasoo noqonaysa arrin muhiimad ballaadhan huwan oo dalka iyo dadkaba u horseedi karta in loo tartamo wanaagga, haddii aynu isqiimeyno oo isjeclaano,wax istarno waxa hubaal ah Alle in uu Samadda inoo gargaari doono in badan oo kale,adduunkana cisi iyo sharaf ku wado noolaan doono.Tasina waxa ay horseedi doonta in ay ka baxno dhibaatooyinka baahsan ee wadankeeda ka jira.

Share this post


Link to post
Share on other sites

the 100 people who have been deemed to have made a considerable impact on Somaliland, under various categories were presented with their awards in a pompous ceremony last wednesday 20th of Feb. i've gone through the list and to be quite frank its abysmal. this programme has enormous potential but it has FAILED to deliver. the likes of Big Silaanyo, henchman Hersi, the ever-incompetent musa bixii were included in the final 100. the Qiimee Qofkaaga Si aad qiima u yeelato committee worked very hard but its management of the process was poor, the voting procedure was flawed and lacked transparency. be that as it may, despite the best efforts of the committee to unearth new talents and real change makers that could potentially serve as role models for a better Somaliland society: FAILED!. furthermore the committee's over-zealous attempts to be inclusive were politicised and was thus another major FAILURE. the final 100 were apparently chosen a on a 4.5 formula?????? nonetheless, it was a well attended events and many of those who received recognition for their efforts were truly worth.

 

i'll try to get the final 100 list.

 

Xirsi1.jpg

 

big Silly-yaan-yo is NOT worthy. nor is henchman Hersi . baal look at them looking so glum and quite proud of themselves in the photo. these men shouldn't be awarded for their destructive efforts. Hersi, recently had a woman and a mother, no less, locked up for 8 months. apparently she sent inappropriate text messages to his phone.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Qiimee Jeebkaaga si laguu qiimeeyo :D .....

 

It was a good idea to promote peace & development and encourage people to really do something instead of frighting ......

Share this post


Link to post
Share on other sites
Tallaabo   

Is Xaaji Xunjuf in the list? He definitely deserves it for consistently extending an olive branch of peace and love to our Puntland brothers.

Share this post


Link to post
Share on other sites

How come Sayid Mohamed, Ali Dhux, Ismail Mire and the like did not make to the list. Not even Sandulle or Xaabsade? Loool, but I spotted someone from the wrong clan in that list though - the D-block, how did Sheikh Abdirashid Ali Suufi end up in that list? Is it me or is that his picture.

Share this post


Link to post
Share on other sites
The Zack   

Jacpher;921213 wrote:
^yeah, she is in there twice. Maybe they run out of people.
:D

LOOOOOOOOL You are right she is there twice :D :D One pic with scarf on, one with no scarf. She must be important SomaliLEYNAR.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Lads (Zack, Jacques, WW)

 

stop ruining this thread with what can only be described as below the gutter type of poor sense of humour. its NOT amusing, nor funny and quite frankly its pathetic.

 

Hibo Nuura was NOT on the final 100 list. i copied that pic from facebook. she's in Canada but i know her husband and we're good friends dee :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this