Sign in to follow this  
Siyaasi

Puntland welcomes the new President of Somalia.

Recommended Posts

Siyaasi   

Madaxweyne C/raxmaan Faroole oo si diiran u soo dhoweeyey doorashada madaxweynaha cusub ee dowlada Somalia

 

Madaxweynaha maamulka Puntland C/raxmaan Shiikh Maxamed Faroole ayaa soo dhoweeyey madaxweynaha cusub ee Somalia loo doortay caawa Dr. Xasan Shiikh Maxamuud oo cod aqlabiyad leh kaga guuleystay musharaxii la tartamayey Shiikh Shariif Shiikh Axmed.

 

 

Faroole ayaa sheegay inuu u hambalyeynayo madaxweynaha cusub ee Somalia “Anigoo ku hadlaya magaceyga kan maamulka Puntland iyo kan shacabka Puntland waxaan u hambalyeynayaa madaxweynaha cusub ee Somalia Xasan Shiikh Maxamuud, waa nin aqoonyahan ah oo da yar” ayuu intaa ku daraya C/raxmaan Faroole.

 

Dhinaca kale, C/raxmaan Faroole ayaa sheegay inuu ugu mahad celinayo Baarlamanka Somalia oo uu sheegay inuu madaxweyne u doortay nin aqoonyahan ah oo nadiif ah dalkana aan ka gelin wax dembi ah “Waan ku hambalyeynayaa runtii waana ku faraxasanahay sida masiirka umadda ay ugu doorteen wejiyo cusub” ayuu inta ku daray.

 

 

Faroole ayaa sheegay iney la shaqeyn doonaan madaxweynaha cusub ee Somalia wuxuuna ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed iney taageeraan Xasan Shiikh Maxamuud madaxweynaha cusub ee Somalia, waxaana Faroole uu la hadlay idaacada BBCda daqiiqado ka dib markii la doortay madaxweynaha cusub.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Waa arin aad ufiican. This shows Somalia has changed and matured a great deal, even Shariif Ahmed's last speech was a momentous one, a most welcome. Somalia shall rise, a new day and a new beginning insha'llah.

 

Madaxwaynaha cusubna ilaahay haloo duceeyo si aas unoqdo midkoo fiican, uuna nagu noqon sida kuwa badan oo dadkaan maskinta soo marsaday oo bacda laga dhuuqsado.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this