Sign in to follow this  
oba hiloowlow

President Shariif oo kulan la qaatay guddomiyaha cusub Mr Jawaari

Recommended Posts

Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa u hambalyeey guddoonka cusub ee Baarlamaanka Soomaaliya isagoo dhinaca kale tallaabo taariikhi ah ku tilmaamay in dadka Soomaaliyeed ay 42 sano kaddib ku guuleystaan inay baarlamaan ku doortaan waddankooda.

 

Shir jaraa’id oo ay si wada jir ah u qabteen madaxweyne Shariif, guddoomiyaha Baarlamaanka iyo labadiisa ku xigeen iyo guddoomiyihii KMG ahaa ee Baarlamaanka, ayuu madaxweyne Shariif ku sheegay in howl wanaagsan ay qabteen mudaneyaasha Baarlamaanka iyo guddigii doorashada isla markaana la doonayo in howsha dhimman la dhammeystiro.

 

“Waa taariikh cusub oo Soomaaliya u bilaabaneysa, waxaana rajeyneynaa hadduu Alle idmo inay sidaas isu dabo socoto, dowladda soo socotana ay noqoto middii Soomaaliya ay uga baxeysay dhibaatooyinkii faraha badnaa ee soo gaaray, horumarka jirana dhammeystiri lahayd” ayuu yiri madaxweyne Shariif Sheekh Axmed.

 

Guddoomiyaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Prof. Maxamed Cismaan Jawaari oo shirka jara’id ka hadlay ayaa sheegay in doorashadii dhacday ay ahayd mid taariikhi ah, baarlamaanka cusubna uu yahay mid tayo leh oo wax badan ka qaban doono xaaladaha waddanka ka jira.

 

“Waxaan filayaa baarlamaankani inuu yahay baarlamaan aad u fiican, waxaan hubaa inuu noqon doono mid ku tallaabsada in isbedel uu Soomaliya gaarsiiyo iyo xasilooni siyaasadeed hadduu Alle idmo” ayuu yiri Prof. Jawaari.

 

Gudoomiyaha cusub Prof. Jawaari ayaa si KMG ah loo dejiyay Guri ku dhow Madaxtooyada, inta uu ka degayo guriga rasmiga ee Gudoomiyaha Baarlamaanka la dajiyo, kaasoo uu haatan si KMG ah u degan yahay Gudoomiyihii hore Shariif Xasan.

 

Shacabka Soomaaliyed ayaa soo dhoweeyay Gudoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Soomaaliya, Prof, Jawaari oo ku tilmaamay nin aan ka qeyb qaadan dagaaladii sokeeye ee dalka ka jiray.

 

Prof. Jawaari waa 66-sano jir, Dowladii hore ayuu xil wasiir iyo agaasimayaal ka soo noqday, waxaana mudadii bur burka uu degnaa dalka Norway oo uu Macalin ka ahaa Dugsiyada dalkaas ku yiil.

 

Baarlamaanka cusub ayaa la filayaa inuu soo doorto Madaxweyne cusub, xilli musharaxiin fara badan ay u taagan yihiin xilka madaxtinimada Soomaaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Mooge   

jawaari is not smiling. he knows sharif did everything for galery. rag is guraye.

 

what would be the caption on Jawaari's face: "Thanks snake but I am only doing this meeting because it is the protocol.:) "

Share this post


Link to post
Share on other sites
Daqane   

making an awkward presentation rather than smiling

 

P.S would it not have been in Sharif's intreast for jawari to win rather than galeyr, since he would have had to face both abdiweli and sheikh hassan in the election, now with sheikh Hassan out of the picture its just him and abdiweli right? Just saying...

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this