Sign in to follow this  
Dr_Osman

New Hotel Opens In Garowe. PICS

Recommended Posts

Dr_Osman   

GAROOWE : Guddoomiyaha gobolka Nugaal oo xariga ka jarey Hoteel qurux-badan (Sawiro)

August 24, 2012 11:58 am GMT - Written by Editor - Edited by Editor

 

Garoowe:-Guddoomiyaha gobolka Nugaal iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Puntland ayaa xariga ka jarey Hoteel qurux badan oo lagu magacaabo Aaran, kaas oo magaalada bilic iyo horumar ku soo kordhiyay.

 

Cabdi Xirsi Cali Guddoomiyaha gobolka Nugaal oo si rasmi ah u furey Hoteelka Aaran ayaa waxa uu sheegey in aad iyo aad ugu faraxsan yahay Hoteelkan islamarkaasna uu u hambalyeynayo Mulkiilaha Hoteelka, waxa uu sheegey in loo baahan yahay sida uu u qurux-badan yahay Hoteelka in lagu joogteeyo oo aan waxba iska badalin sida uu yahay iminka.

 

Waxa uu sheegey in ay lagama maarmaan tahay in Hoteelka ammaankiisa uu ahaado mid sugan oo islamarkaasna nadaafada iyo quruxda ka muuqata ay ahaato mid joogto noqota.

 

Daahir Maxamuud Xassan (Khayrdoon) Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Puntland ayaa waxa uu sheegey in ay aad u soo dhawenanayaan Hoteelka Aaran ayna ku faraxan yihiin, waxa uu sheegey in Hoteelkan uusan ka faa’iideysaneyn oo kaliya Mulkiilaha balse ay dad badan ay ka faa’iideysan doonaan oo uu Hoteelku Shaqaale qaadanayo kuwaas oo dadkooda wax ka tari doona, waxa uu sheegey in ganacsigu uu yahay wax laga wada faa’iideysto oo cidda kaliya ee leh aysan ka faa’iideysan.

 

Agaasimuhu, waxa uu sheegey in ay lagama maarmaan tahay in nadaafadiisa iyo quruxda ka muuqato laga dhigo mid la ilaasho oo mar kasta sida laga horumariyo si uu mar kasta uu ahaado mid ay dadku uu xiisaan sida iminkaba ka muuqata.

 

Mulkiilaha Hoteel Aaran Mr. Maxamed Cabdikariim ayaa waxa uu sheegey in Hoteelkan uu yahay mid casri ah oo dhaqaale badan ku baxey islamarkaasna uu doonayo in uu qanciyo Macaamiishiisa dhan kasta oo uu dhammaan baahiyaha Macmiilka oo dhan ka fakarey si uu ugu qanciyo adeega Hoteelka.

 

Waxa uu sheegey in Hoteelku uu ka kooban yahay 12 qol oo Jiif ah, 2 qol oo adeeg ah, Kafateeriyo, Farmasi, waxa uu sheegey in qol kastaba uu leeyahay Tv, Internet iyo Taleefoon, waxa uu sheegey in dhammaan adeegyada uu u baahan yahay Macmiilku uu helayo isaga oo jooga Sariirtiisa oo uu Taleefon kaliya soo dirayo.

 

Waxa uu sheegey in Hoteelka ammaankiisa uu yahay mid si weyn loo adkeeyay oo la shaqaaleeyay dad ka shaqeeya sugida amniga oo uu rajeynayo Insha’allaah in aysan wax dhib ah ka dhicin.

 

Si kastaba, Hoteelka Aaran ayaa waxa uu ku yaal dhanka Koonfureed ee magaalada, waxaana uu saaran yahay Wadada Guureeye, waxaana uu dhanka Koonfureed kaga dhagan yahay Hoteelka Roorshe.

 

Puntlandpost.com

 

H.jpg

H1.jpg

H10.jpg

H12.jpg

H13.jpg

H14.jpg

H3.jpg

H5.jpg

H6.jpg

H9.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
RedSea   

I like exterior of the building. You can never go wrong on white. However, the tile on the floor is absulately dangerous. They often do this in hargeisa as well. Every day, I hear people slipping and falling and breaking an arm or a leg. Surely they must have understood this by now, but since they are still persistant tells me they have not.

Share this post


Link to post
Share on other sites

RedSea;860704 wrote:
I like exterior of the building. You can never go wrong on white. However, the tile on the floor is absulately dangerous. They often do this in hargeisa as well. Every day, I hear people slipping and falling and breaking an arm or a leg. Surely they must have understood this by now, but since they are still persistant tells me they have not.

 

lot o people don't use that smooth one at homes,there is kind rough one you won't slip.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this