Sign in to follow this  
Shinbir Majabe

Faroole Ha Goosto…!

Recommended Posts

Allow run ka yeel in Cagajuglaynta Faroole ay sabato burburka Federaalnimada. Mowqifka Faroole wuxuu lamid yahay Nin Geedkii uu fuushanaa salka ka jaraya, runtana wuxuu ogaan doonaa marka geedku jabo oo dibir xumi ku dhacdo oo uu bawdo ka jabo.

 

Faroole_Keydmedia_Somalia-620x330.png

 

Sidoo kale, ninkii durbaanka si xoog leh u tuma, ugu dambayn sacabbada ayaa biyo ka galaan.

 

Bal aynu is-weydiino natiijada Putland ay ka heli doonto ka bixidda dawladda dhexe ee federaalka ah: Waxaa dhici doonta in dhammaan mas'uuliinta wax ka maamusha dawladda dhexe ee ku abtirsada deegaannada Puntland ay dib ugu noqdaan deegaannadii ay ka yimaadeen ama qurbajoognimadii laga raystay.

 

Waxaa dhici karta in inta kale ee isku hartay ay gaari doonto heshiis wax wadaqabsi oo lagu gaaro nabad waarta, barwaaqo iyo baraare. Dhaqaalihii Puntland kasoo geli jirey khasnadda dawladda dhexe oo meesha ka baxa. Bahnimadii reer Puntland oo go'doon noqota. Isdhexmarkii, ganacsigii iyo isku-jillaantii soo taxnaan jirtey oo gabaabsi noqota. Puntland waxay wax ku tahay kamid ahaanshaha dawladda federaalka ah, haddayse diyaar u tahay inay ka baxdo way u madaxbannaan tahay inay aayaheeda ka tashato.

 

Sida Faroolaba uu u arko in federaalnimadu ayna macno weyn u lahayn bulshada Soomaaliyeed, dad badan baa ku guuxaya in lagu kala tago, gobolladuna soo dhismaan oo dib laysugu soo noqdo marka wax la wadaagi karo, sida ay haddaba qabto Somaliland oo weli ishaa falatayn ku jirta.

 

Dhabnimada bulshada Puntland lama qabaan cagajuglaynta Faroole inay miro dhalin karto? Ma dan bay u arkaan in Faroole sababo inay ka go'aan federaalnimada ay la wadaagaan bulsho-weynta Soomaaliyeed? Mise waxay Faroole ka tahay markay ridu caanayarayso gujaa lagu dayaa?

 

Dad badan badan baa u jeeda xeeladda Faroole u guntan, taasuna waxay dadajin karta burburka ku iman kara qaabka federaalnimada.

 

Aragtida Faroole waa mid gaaban oo laab-lakac ah oo ka horimanaysa rabitaanka bulshada reer Puntland. Haddaan Puntland la siin wax ka weyn cadka ay xaqa u leedahay federaalnimada waynu ka baxaynaa kuma salaysna aragti miisaaman iyo danta Puntland. Kuma salaysna caddaala iyo sinnaan loo dhan yahay. Ma ahan hab-wanaag dawladnimo lagu wadaagi karo oo abuuri karta jecayl, walaaltinimo iyo waxqabsi loo wada siman yahay.

 

Maxaa Puntland federaalnimada ku seegi kara?

 

Wax badan. Ma garwaaqsan yahay Faroole duxda iyo nuxurka Puntland ugu jirta kamid ahaanshaha federaalnimada? Jawaabto waa Maya.

 

Bulshada reer Puntland mala qabtaa is-giriirixiska Faroole? Jawaabtu waa Maya.

 

Haddii Faroole ku adkaysto mowqifka uu hadda ka qabo federaalnimada, maxaa dan ah oo ku seegi kara bulsho-weynta reer Puntland?

 

Ma habboon tahay in Faroole uu la yimaado fikrad gibbaan ah oo dhibaal mooyee aan lahayn nuxur siyaasadeed? Mid dhaqaale abuurta iyo dhalisa Soomaalinimo guud? Waa lagu yaqaan fudeydka iyo ka fiirshi la'anta. Waxuu is moodaa hadii aan loo jawaabcelin in u BUUQIISII u meel maray.

 

Keydmedia Online - http://www.keydmedia.net

Share this post


Link to post
Share on other sites

very confused article from a very confused pro anarchy website "keydmedia".

 

Puntland aint going no where, but this notion of Puntland can not survive without the south is bogus, it existed for the last 22 years while the south was plagued with famine, warlords, anarchy, extremism, and balaayoo idil.

Djibouti which dosn't have any natural resource and which is much smaller than Nugaal region is a thriving nation and a prospering hub. Marka sheekadan ah in Puntland ay dhimaneyso hadii la kala tago waa sheekooyinka lagu hayo suuqa xoolaha.

Share this post


Link to post
Share on other sites
ElPunto   

Faroole sure does get a lot of attention. His every move and half baked utterance is parsed over and over. When he goes not sure how writers and satirists will occupy themselves.

Share this post


Link to post
Share on other sites

MoonLight1;859086 wrote:

... Puntland aint going no where..

Halkaas uga har.

 

Qoraaga ma sheegin in Puntland ay go'eyso balse Faroole ayuu ka hadlayaa oo bootadiisa waan go'eynaa badatay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Shinbir Majabe;859089 wrote:
Halkaas uga har.

 

Qoraaga ma sheegin in Puntland ay go'eyso balse Faroole ayuu ka hadlayaa oo bootadiisa waan go'eynaa badatay.

 

...Dhaqaalihii Puntland kasoo geli jirey khasnadda dawladda dhexe oo meesha ka baxa. Bahnimadii reer Puntland oo go'doon noqota. Isdhexmarkii, ganacsigii iyo isku-jillaantii soo taxnaan jirtey oo gabaabsi noqota. Puntland waxay wax ku tahay kamid ahaanshaha dawladda federaalka ah,..

you must be blind or brainless, read the article, the guy is telling us that Puntland will not exists without the south;)lol, this guy must be a comedian. he doesn't realize Puntland was almost bankrupted between 2005-2009 due to its spending on its entire budget on bringing security to the south.

Share this post


Link to post
Share on other sites

MoonLight1;859092 wrote:
you must be blind or brainless, read the article, the guy is telling us that Puntland will not exists without the south;)lol, this guy must be a comedian. he doesn't realize Puntland was almost bankrupted between 2005-2009 due to its spending on its entire budget on bringing security to the south.

Qoraaga wuxuu ka hadlayaa waxa dhici kara haddii ay Puntland go'do, iyo saameynta ay ku reebi doonto. Laakiin ma sheegin qoraaga in dadka Puntland ay rabaan go'itaan iyo in hadalkiisa ay ku raacsan yihiin.

... bulshada Puntland lama qabaan cagajuglaynta Faroole inay miro dhalin karto..

Share this post


Link to post
Share on other sites

General Duke;859094 wrote:
^^^"Dr." Hiraabe" is one of the funniest Somali writers. The problem is he is trying to be serious..
:D

Yaa waaye Dr. Hiraabe ? Qoraalkaan waxaa qoray Ayuub A. Aden .

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jacpher   

Shinbir Majabe;859081 wrote:
Bal aynu is-weydiino natiijada Putland ay ka heli doonto ka bixidda dawladda dhexe ee federaalka ah: Waxaa dhici doonta in
dhammaan mas'uuliinta wax ka maamusha dawladda dhexe ee ku abtirsada deegaannada Puntland ay dib ugu noqdaan deegaannadii ay ka yimaadeen
ama qurbajoognimadii laga raystay.

 

Waxaa dhici karta in inta kale ee isku hartay ay gaari doonto heshiis wax wadaqabsi oo lagu gaaro nabad waarta, barwaaqo iyo baraare.
Dhaqaalihii Puntland kasoo geli jirey khasnadda dawladda dhexe oo meesha ka baxa.

After Puntlanders get kicked out of the government, the South will get its act together. So the author is basically saying PL is an obstacle to peace and prosperity in the South :D :D If the author's answer to Faroole's misplaced anger, is clan division, this author is more dump and extreme than Faroole.

 

By the way, what dhaqaale Puntland receives from the South? :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Mooge   

^ the Western donor money that pays the small salaries of 35 puntlanders in mogadishu.

 

this is the dumbest article i have seen for a while. this guy knows zero about somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites

Guys oba and shinbir faroole is not going any where its all threats to get things done he did the same in 2009

Faroole talks lots of nonsense even if he wanted the majority of puntlanders. Will get rid of faroole if he tries to break the country into 2

Faroole just loves attention he loves it when he hears faroole yidhi just ignore the pirate.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this