Macallinka Posted July 31, 2012 Majaajiliistihii Caanka ahaa ee Marshaale oo Muqdisho lagu dilay Cabdi Jeylaani Marshaale Talaado, July 31, 2012(HOL): Waxaa caawa Salaaddii maqrib kaddib Muqdisho lagu dilay Majaajiliiste ay si weyn u yaqaaneen dadka Soomaaliyeed oo lagu magacaabi jiray Cabdi Jeylaani (Marshaale), waxaana dilkiisa ka dambeeyay kooxo hubeysan. Marxuumka ayaa lagu dilay degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir oo uu deganaa, waxayna dad goob-joogayaal ah sheegeen in ay toogteen labo ruux. Marxuumka ayaa ku geeriyooday Isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho, halkaasi oo dhaawac ahaan loo geeyay. Marshaale oo ku caan ahaa majaaajillooyinka iyo ruwaayadaha maadda iyo qosolka leh ayaa wuxuu la shaqeynayay TV-ga Universal iyo Idaacadda Kulmiye ee magaalada Muqdisho. Sidoo kalena marxuumka waxaa uu horay ula shaqeeyay Idaacadda Shabeelle ee Magaalada Muqdisho. Dilka Marxuum Marshaale ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo dhawaan magaalada Muqdisho dhaawac loogu geystay Wariye Maxamed Nuur Shariif iyo Wariye C/qaadir Cumar Cabdulle, kuwaasi oo dhaawacii loo geystay ka badbaaday. Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online Quote Share this post Link to post Share on other sites
Macallinka Posted July 31, 2012 Inaa Lilaahi Wa inaa ilayhi rajicuun. Ilaahay ha u naxariiso gacan ka xaqdaran baa dishay Quote Share this post Link to post Share on other sites
MoonLight1 Posted July 31, 2012 انا لله وانا اليه راجعون AUN, Marshaale Malaaq Mayongaale Mukulaal majiijiyoow. Somalia lost a great entertainer. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Abwaan Posted July 31, 2012 Aamiin. Ilaah ha u naxariisto. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Showqi Posted July 31, 2012 Inaa Lilaahi Wa inaa ilayhi rajicuun. Ilaahay ha u naxariisto marxuumka Quote Share this post Link to post Share on other sites
oba hiloowlow Posted August 1, 2012 Ina lilaahi waa inna ileyhi raajicuun this is very sad Marshaale was one of my favourite comedians Quote Share this post Link to post Share on other sites
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar Posted August 1, 2012 Eebbe ha u naxariisto marxuumka. Aad iyo aad ugu naxay. In badan ayaa loo hanjabay since 2008 and he never feared and never left Xamar, kept doing his peace advocating ruwaayado. Reerkiisa iyo caruurtiisa samir iyo iimaan. Waxmagarato jaahiliin dhiigyacab ah ayaa dadkii ugu roonaa bulshada hal hal u cunaayo bahalo camal. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Ilka-dahable Posted August 1, 2012 AUN runtii wuxuu ahaa geesi xamar marna meel ugama bixin wuxuu ku jiray dadkii rabay in ay dib u soo nooleeyeenayay fankii somaliya moral boost badan buu siiyay faniinta mantay waa malin ay somalya wayday great comedian lakin dad badan baan fahansanay ilahay samir iyo iman ha kasiiyo ahelkiisa i hope in ay dawlda tabarta daran ama shacab ku in ay cawiyaan reerkiisa Quote Share this post Link to post Share on other sites
Maaddeey Posted August 6, 2012 llah yarxamah. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Abwaan Posted August 6, 2012 Waxaan saakay ka maqlay dad Shabeellada Hoose ka soo jeeda in loo diiday qoyskii Marshaale oo Marka jooga, Xaaskiisa iyo wiilkiisa inay aaskiisa ka soo qayb galaan, ma garanayo arrintaan inay sidaas u dhacday iyo in kale but if it did waa ayaandarro. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Maaddeey Posted August 6, 2012 Saasaan kaa rabaa Abwaan!. Hooyadiis & eheelkiisa Marka jooga haddey rabaan iney Xamar yimaadaan wax ka horjoogsan kara maleh, yacni ma waxay kula tahay in boosteejada askar la dhigay oo la yiri marxuumka ehelkiisa baabuurka ha laga reebo?. Very unlikely. Teeda kale qolada Marka heysata meel ey ku sheegteen oney ka dambeeyeen ma arkin ani, haddii wax kale aad maqasho nala share-garee. Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted August 6, 2012 AUN.... Maaddeey;855043 wrote: llah yarxamah. Now the fake wadaads who Propogate going to heaven with your shoes on are posting Music for the dead... If one lives long enough, Indacaade & Xasan Dahir Aways's boys will still be fake...: Quote Share this post Link to post Share on other sites
peasant Posted August 6, 2012 ^ ka qalee wadaadka waa soo dabcaye Quote Share this post Link to post Share on other sites