Sign in to follow this  
Macallinka

Majaajiliistihii Caanka ahaa ee Marshaale oo Muqdisho lagu dilay

Recommended Posts

Majaajiliistihii Caanka ahaa ee Marshaale oo Muqdisho lagu dilay

 

 

Cabdi Jeylaani Marshaale

 

 

Talaado, July 31, 2012(HOL): Waxaa caawa Salaaddii maqrib kaddib Muqdisho lagu dilay Majaajiliiste ay si weyn u yaqaaneen dadka Soomaaliyeed oo lagu magacaabi jiray Cabdi Jeylaani (Marshaale), waxaana dilkiisa ka dambeeyay kooxo hubeysan.

 

Marxuumka ayaa lagu dilay degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir oo uu deganaa, waxayna dad goob-joogayaal ah sheegeen in ay toogteen labo ruux. Marxuumka ayaa ku geeriyooday Isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho, halkaasi oo dhaawac ahaan loo geeyay.

 

Marshaale oo ku caan ahaa majaaajillooyinka iyo ruwaayadaha maadda iyo qosolka leh ayaa wuxuu la shaqeynayay TV-ga Universal iyo Idaacadda Kulmiye ee magaalada Muqdisho. Sidoo kalena marxuumka waxaa uu horay ula shaqeeyay Idaacadda Shabeelle ee Magaalada Muqdisho.

 

Dilka Marxuum Marshaale ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo dhawaan magaalada Muqdisho dhaawac loogu geystay Wariye Maxamed Nuur Shariif iyo Wariye C/qaadir Cumar Cabdulle, kuwaasi oo dhaawacii loo geystay ka badbaaday.

 

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

Share this post


Link to post
Share on other sites

انا لله وانا اليه راجعون

AUN, Marshaale Malaaq Mayongaale Mukulaal majiijiyoow. Somalia lost a great entertainer.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Eebbe ha u naxariisto marxuumka. Aad iyo aad ugu naxay. In badan ayaa loo hanjabay since 2008 and he never feared and never left Xamar, kept doing his peace advocating ruwaayado.

 

Reerkiisa iyo caruurtiisa samir iyo iimaan. Waxmagarato jaahiliin dhiigyacab ah ayaa dadkii ugu roonaa bulshada hal hal u cunaayo bahalo camal.

Share this post


Link to post
Share on other sites

AUN runtii wuxuu ahaa geesi xamar marna meel ugama bixin wuxuu ku jiray dadkii rabay in ay dib u soo nooleeyeenayay fankii somaliya moral

boost badan buu siiyay faniinta

mantay waa malin ay somalya wayday great comedian lakin dad badan baan fahansanay ilahay samir iyo iman ha kasiiyo ahelkiisa i hope in ay dawlda tabarta daran ama shacab ku in ay cawiyaan reerkiisa

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Waxaan saakay ka maqlay dad Shabeellada Hoose ka soo jeeda in loo diiday qoyskii Marshaale oo Marka jooga, Xaaskiisa iyo wiilkiisa inay aaskiisa ka soo qayb galaan, ma garanayo arrintaan inay sidaas u dhacday iyo in kale but if it did waa ayaandarro.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maaddeey   

Saasaan kaa rabaa Abwaan!. Hooyadiis & eheelkiisa Marka jooga haddey rabaan iney Xamar yimaadaan wax ka horjoogsan kara maleh, yacni ma waxay kula tahay in boosteejada askar la dhigay oo la yiri marxuumka ehelkiisa baabuurka ha laga reebo?. Very unlikely. Teeda kale qolada Marka heysata meel ey ku sheegteen oney ka dambeeyeen ma arkin ani, haddii wax kale aad maqasho nala share-garee.

Share this post


Link to post
Share on other sites

AUN....

 

Maaddeey;855043 wrote:
llah yarxamah.

 

Now the fake wadaads who Propogate going to heaven with your shoes on are posting Music for the dead... If one lives long enough, Indacaade & Xasan Dahir Aways's boys will still be fake...:

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this