Sign in to follow this  
Fiqikhayre

Saleebaan Xaglatoosiye arrives in Buuhoodle saying 'Khaatumo did nothing' Agreement PL Pictures

Recommended Posts

Saleebaan Xaglatoosiye oo Buuhoodle lagusoo dhoweeyey

 

Hogaamiyihii hore ee SSC Saleebaan Ciise Axmed (Xaglatoosiye) maanta soo gaarey magaalada Buuhoodle ee xarunta gobolka Cayn, isagoo markan kasoo kicitimay magaalada Garoowe ee caasimada maamulka Puntland.

 

Saleebaan Ciise Axmed oo lagu soo dhoweeyey Buuhoodle ayaa kawarbixiyey safarkii uu kaga yimid dalka dibadiisa, ugu danbayn hada kusoo gaadhey magaalada Buuhoodle isagoo soo maray meelo kala duwan, waxaana uu sheegay in safaradiisa dibadu ay u badnaayeen arimo shaqo iyo danta deegaanka sida uu tilmaamay.

 

Saleebaan Ciise dhowaan wuxuu dalka isutaga imaaraadka carabta kula kulmay madax katirsan maamulka Somaliland, iyadoo kulankaasi dadku aad isula dhexmareen, xaglatoosiye oo kulankaasi tafaasiil ka bixinaya waxaa uu tilmaamay inay ka wada hadleen sidii nabad loo helilahaa, islamarkaana maamulka Somaliland ciidamadiisa ugala bixi lahaa gobolka Cayn iyo nawaaxigiisa.

 

Xaglatoosiye oo la weydiiyey waxa kafiley arimaha nabada inuu raadiyo isagoo aan bulshada kala tashan ayaa ku jawaabey,"hadii la igu eedaynayo nabada dee qof nabad doonayaa waa wanaag, shacabka Buuhoodle waa dad nabadana yaqaan colaadana yaqaan waxaan lee yahay sidii colaada aad uga xarago qaadateen nabadana uga xarago qaata" ayuu yiri Saleebaan Xaglatoosiye.

 

Mar uu ka hadlayey maamulka Khaatumo iyo sida uu u arko tilmaamay in maamulka Khaatumo uusan waxba qaban sida uu hadalkiisa u dhigay waxaana uu sheegay inuusan cidna la kulmeen hadii Khaatumo wax qabato" hadii Khaatumo jirto ama ay wax qabanayso dee anigu meela ma aadeen cidna lama kulmeen" ayuu hadalkiisa ku darayt Md Xaglatoosiye.

 

Dhinaca kale Xaglatoosiye wuxuu ka hadlay kulan uu la qaatay madaxda Puntland kasoo ka dhacay magaalada Garoowe ee caasimada Puntland, Xaglatoosiye wuxuu kulan kaasi ku sifyeeyey mid la isugu soo dhoweynayo labada dhinac islamarkaana meesha looga saarayey wixii khilaaf ah ee dhexyaaley isaga iyo Puntland,

 

"Socdaalkayga Puntland dee Puntland waa dhul dad aanu ehelnahay waa deegaankayagii madaxdeeda waan la kulmau madaxweynaha ayaanu is aragnay, waxaana ka wada hadalnay sidii la isugu soo dhoweynlahaa dadka tolka ah, wixii farqi ah ee na dhexyaalana loo xalinlahaa, dhamaan waxaan kawada hadalayna waa isku afgaranay" ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyey Saleebaan Ciise Axmed.

 

Saleebaan Ciise Axmed oo loo yaqaano Xaglatoosiye ayaa ah aqoon yahan arimaha siyaasada kusoo biiray sanadii 2008, markii uusoo fuulay shaashada siyaasada wuxuu isu taagay xilka madaxtimo ee Puntland isagoo doorashadii Puntland ka dhacda 2009 ku guuldaraystay, isla sanadii 2009 M/weyha Puntland ayaa u magacaabay wasiirka kaluumaysiga Puntland waxaana xiligaasi uu diidey jagadaasi, wixii mudooyinkaasi ka danbeeyey wuxuu aasaasay ururkii SSC, kaasoo taageerayaashiisii qaar wax ka aasaaseen maamulka Khaatumo, lamana oga xiligan mustaqbalkiisa siyaasadeed iyo mansabka xil ahaaneed ee uu damacsan yahay.

 

Diiwaanka wararka

 

Idaacada Daljir.

Share this post


Link to post
Share on other sites

"I came to my country/state of Puntland in order to make understanding between the kins/family of Puntland and I reached agreement with my leaders and met President Faroole"

 

DSC06929%281%29.JPG

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalia   

Welcome back, just don't run away again.

 

Dhinaca kale Xaglatoosiye wuxuu ka hadlay kulan uu la qaatay madaxda Puntland kasoo ka dhacay magaalada Garoowe ee caasimada Puntland, Xaglatoosiye wuxuu kulan kaasi ku sifyeeyey mid la isugu soo dhoweynayo labada dhinac islamarkaana meesha looga saarayey wixii khilaaf ah ee dhexyaaley isaga iyo Puntland,

 

"Socdaalkayga Puntland dee Puntland waa dhul dad aanu ehelnahay waa deegaankayagii madaxdeeda waan la kulmau madaxweynaha ayaanu is aragnay, waxaana ka wada hadalnay sidii la isugu soo dhoweynlahaa dadka tolka ah, wixii farqi ah ee na dhexyaalana loo xalinlahaa, dhamaan waxaan kawada hadalayna waa isku afgaranay" ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyey Saleebaan Ciise Axmed.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Mooge   

welcome home xaglatoosiye. welcome home.

 

i have telling khatumo people this was going to happen and people thought i was just talking. you should respect mooge when he speaks.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this