Sign in to follow this  
Liibaan

Madaxweyne Indhosheel Oo La Wareegay Hogaanka MaamulGoboleedka Khaatumo State

Recommended Posts

Liibaan   

indhosheel3.jpg

DSCF62921.jpg

 

Madaxweyne Indhosheel Oo La Wareegay Hogaanka MaamulGoboleedka Khaatumo State-(Maqal)-

Lasanod Online. Sunday, July 22, 2012

 

 

 

 

Taleex,(lasanod Online)- Madaxweyne Maxamed Yuusuf Jaamac(Indhosheel), ayaa maanta si rasmi ah ula wareegay xilkii Madaxnimada meertada ee golaha madaxtooyada Khataumo State.

 

Dhegayso Madaxweyne Indhosheel

 

http://lasanod.com/pics/File/201207221555290.indhosheel.mp3?num=7801&codid=103

 

Waxaana uu kala wareegay madaxweynaha haatan xilka hayey ee Axmed Cilmi Cismaan (Axmed Karaash).

 

Xaflada xil wareejinta oo ka dhacday goobta Berdaha Khaatumo oo ku yaala koonfurta magaaladda Taariikhiga ah ee Taleex ,ayaa waxaa ka soo qayb galay masuuliyiinta maamulka Khaatumo, Cuqaal, Aqoonyahano iyo dadweyne kala duwan oo dhamaantood ka qaybgaly isbedelka u horeeyey ee maamulkooda.

 

Warbixino kala duwan oo ay musuuliyiinta wasaaraddaha Lixda ah ee maamulka khaatumo ka kooban yahay oo ay ugu talagaleen xil wareejintan kadib, waxaa halkaas hadal ka soo jeediyey madaxweynaha taladda wareejinayey oo laga bilaabo maanta noqon doona madaxwene ku xigeenka sadexaad, kaas oo ka war bixiyey waxqabadkii mudadii lixda bilood ahayd ee uu taladda hayey.

 

Axmed Cilmi Cismaan waxa uu ballan qaaday inuu la shaqayn doono madaxweynaha haatan taladda haya sidii wanaagsanayd ee uu isba ula soo sheqeeyey, waxaanu ka codsaday dhamaan laamaha kala duwan ee mamaulka iyo dadwenuhuba inay la shaqeeyaan.

 

Gabagabdii xafladaasi ayaa waxaa sawaxan iyo qaylo loogu soo dhoweeyey madaxwenaha haatan talada Khaatumo loo egmaday Maxamed Yuusuf Jaamac “(ndhasheel) oo halkaas hadal kooban ka soo jeediyey, isagoo ka codsaday inay gacan siiyaan waqtiga uu taladda hayo, lana sii laban laabo dadaalka loogu jiro sidii maamulka khaatumo state uu u horumari lahaa.

 

Madaxweyne Indhosheel ayaa goobtii uga mahadceliyey Madaxweyne Axmed karaash hawshii cuslayd uu uqabtay dadkiisa iyo dalkiisa. isagoo sheegay inuusan hadana meel fog tegeen ee weli taladiisa ka dhiiban doono golaha madaxtooyada.

 

 

 

Copyright © 2012 Lasanod.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Carafaat   

Mooge, they agreed from the beginning that each of three Presidents would get a turn to hold the Presidency. What makes you think Galeyr is behind it?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

indha-Sheel-300x225.jpg

 

MadaxWeyne IndhoSheel Oo Cawa Lawaregay Xilka 6. Bilood Ee Madaxtinimada Maamuul-Goboleedka KHatumo State (Daawo Video)

 

Madaxwene xiliyeedka maamul goboledka Khaatumo ayaa waxaa si rasmi ah loogu wareejiyey Maxamed Yuusuf Jaamac “Indhasheel” oo ahaa ku xigeenkii koowaad ee madaxweynaha haatan xilka wareejiyey Axmed Cilmi Cismaan “Axmed Karaash”

 

 

Xilwareejintan oo ka dhacday goobta loogu magac bixiyey Berder Khaatumo oo ku yaala koonfurta magaaladda Taariikhiga ah ee Taleex ayaa waxaa ka soo qayb galay masuuliyiinta maamulka KhaatumoCuqaal Aqoonyahano iyo dadweyne kala duwan oo dhamaantood sugayey isbedelka u horeeyey ee soo wajahay maamulkooda

 

 

" frameborder="0" allowfullscreen>

86.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Aaliyyah   

Madaxweyne indhosheel haku so dhowaada hawsha culus uu u qaaday reer Khaatumo. Waxaan leeyahay noqo kii dadkisa anfaca oo hawshiisa kasoo baxa. Madaxweyne Ahmed Karashna wuu ku mahadsanyahay hawsha adag u so qabtay iyo in uu sidi awalba la isku ogaa uu xilka 6 bilood kadib iska wareejiyo, Taasa waa guul reer Khaatumo so hoydeen mashallah. Kala danbeen iyo xushmad iyo in fuliyo qodobadii la isku ogaa ayaa guul lugu gaara.

 

 

 

KHAATUMO HA DHEELIYIN

 

GUUL KHAATUMO STATE OF SOMALIA

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this