Sign in to follow this  
oba hiloowlow

Sheikh Shariif Sheikh Axmed Campaign Thread

Recommended Posts

QEYBTII 2-AAD:- Sanad kadib Madaxweyne Shariif Sheikh Axmed waxa uu bilaabay in uu fadhiyo isugu yeero Kooxaha Nabadiidka ah oo iyagu xiligaasi ka careysnaa Guushii Sheikh Shariif uu ka gaaray Doorashada xurta ahayd oo loogu camaamaday xilka madaxtinimo ee soomaaliya waxaana xusid mudneyd in xiligaasi Madaxweyne Shariif uu kasoo goostay Kooxaha nabadiidka ah si wax un looga badalo siyaasada soomaaliya islamarkaana loo badbaadiyo Ummadda soomaaliyeed oo ku hingoowday Dagaalada, nasiibna u yeeshay dagaalo aan dhamaan

 

 

 

13/7/2010 Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Shariif Sheikh Axmed waxa uu durbadiiba Dowladaha Caalamka ka codsaday in ay qorsheeyan kal-fadhiyo ku aadan hishiisiinta Dowladiisa iyo kooxaha Nabadiidka ah oo ay ugu horeysay Kooxda Alshabaab oo xiligaasi dagaal xoogan kula jirtay Dowladiisa, Beesha Caalamka xiligaasi iyaduna waxa ay Gaashaanka u daruurtay dhex dhexaadinta Dowlada Shariif iyo Kooxaha Mucaaradka hayeeshe Cidina dhag jalaq uma siin hadalka Beesha Caaalamka waxa ayna ku jawaabeen Kooxaha Mucaaradka (Gaalo iyo Gaala raac fadhi lama qaadan doono) .

 

 

 

Dowlada Madaxweyne Shariif oo kaashaneysay Beesha caalamka Dhamaadkii 2010 waxaa u Bidhaamay in xaaladu ay tahay mid aan mudneyn in xal lagu raadiyo Fadhiyo, Madaxweyne Shariif waxa uu u ruqaansaday Dalka dibadiisa Gaar ahaan Dalka Djabuti, Kenya isaga oo xal raadinaayo ayuu waxa uu kulamo Gaar ah la qaatay Madaxweynaha Dowlada Djabuti Ismaaciil Omar Geele oo xiligaasi la oran jiray waa Madaxweynaha Qurah oo xal ka dhalin karo Siyaasadaha is diidan ee u dhexeeyay Dowlada Shariif iyo Kooxaha Mucaaradka ay ugu horeysay Alshabaab wallow ay jireen kooxo yar yar oo iyaguna ku Fakir ahaa Alshabaab sida Kooxda isku magacaawday XISBUL ISLAAM oo iyaguna uu hoggaaminaayay Dagaal ooge XASSAN DAAHIR AWEYS balse dhex dhexaadintaasi wuu ku fashilmay Madaxweynaha Dowlada Djabuti maadaama Kooxaha Mucaaradka ay ka amar qaadan jireen Alqaacida

 

 

 

Madaxweyne Shariif iyo Madaxweynaha Dowlada Djabuti waxa ay si wada jir ah u aaminsanaayeen in xal u helida Dalka soomaaliya ay ku jirto in Kooxaha Mucaaradka ah loo magacaabo Xubno katirsan Dowlada soomaaliya Balse waxaa la’aamin sanaa in arintaasi ay ahayd mid lagu qancinaayo Kooxaha Mucaaradka, waxaana xusid mudneyd in xiligaasi ay qabeen kooxaha mucaaradka Baahi ku aadan dhanka kamid ahaan shaha Dowlada soomaaliya ama loo magacaabo Xubno katirsan Dowlada soomaaliya hayeeshe Masuul waliba oo katirsan Kooxaha Mucaaradka waxa uu ka qajilaayay in meel cidla ah Gabalka uga dhaco laguna shir qoolo xubinta loo dhiibaayo

 

 

 

Madaxweyne Shariif inta badan waxa uu Diirada saaraayay in mar qurah la helo soomaaliya oo mid ah Balse waxaa arintaasi caqabad ku noqday Kooxaha Nabadiidka ah, Muddo kooban kadib Madaxweynaha waxa uu bilaabay in xalka soomaaliya uu ku raadiyo Ciribtirka Kooxaha Mucaaradka ah si loo gaaro Horumar la taaban karo waxaa u suura gashay in uu Beesha caalamka ka helo Taageero isugu jira Maal iyo tababaro ciidan, waxaa soo ifbaxay in Dowlada soomaaliya ay heshay Ciidamo lagu soo tababaray dalka dibadiisa waxaana xusid mudneyd in Durbadiiba Dowlada Midnimada qaran ee Sheikh Shariif ay bilowday ladagaalanka Kooxaha kabiya diiday wada hadalka waxa uuna dagaal kula dhaqaaqay goobaha ay gacanta ku hayeen kooxaha Mucaaradka , waxaa bilowday Nasrigii ama Guushii Dowlada Sheikh Shariif waxaana Albaabada u furmay Dagaalo horudhac ahaa oo looga itaal roonaaday Kooxaha Mucaaradka ………

Share this post


Link to post
Share on other sites

QEYBTA 3-AAD: Bilowgii 2011 waxaa si toos ah u bilowday Dagaal fool ka fool ah oo u dhexeeyay Ciidamada Dowlada Sheikh Shariif Sheikh Axmed iyo Kooxaha Nabadiidka Alshabaab oo iyaguna garabsanaayay Saraakiil Ajnabi ah oo kasoo ambaday Dalalka Shisheeye Sida Mareykanka,Tanzania,Kenya iyo waliba dalal kale, Guusha Dowlada Madaxweyne Shariif waxa ay ka bilaabatay kadib markii ay dileen Ciidamada DKMG Gacan ku dhiigle, Horjooge Fazul C/lla Maxamed oo isagu Al-Qacida u qaabil sanaa Geeska Africa si uu uga geesto Bur-bur iyo barakicinta Bulshada Geeska Africa kunool

 

 

 

Dilkii Gacan ku dhiigle Fazul C/lla waxaa taageeray Dowladaha Galbeedka iyo kuwa Africa waxaana Dowlada soomaaliya ee uu hogaamiyo Madaxweyne Shariif loo hibeeyay Hanti iyo garab uu isaga dhiciyo Kooxaha Alshabaab oo xiligaasi kusii xoogeysanaayay Gobolada Dalaka soomaaliya halka inta badan Goobihii ay kaga sugnaayen Magaalada Muqdisho ay isaga sii huleelen Alshabaab iyo Ajaanibtooda

 

 

 

Dilkii Fozul kadib waxaa Nusqaan ama hoos u dhac ku yimid Dagaalyahaanada Kooxaha Mucaaradka ee Alshabaab waxaa bilowday in ay Ciidamdooda isaga soo cararaan Alshabaab islamarkaana kusoo biiran DKMG Somalia kadib markii ay ******* in Alshabaab ay qoraxdooda sii dhaceyso, Dowlada Madaxweyne Shariif waxa ay guullo la taaban karto ka gaartay inta badan Magaalada Muqdisho waxa ayna wadooyinka Magaalada Muqdisho ku daadisay Ciidamo nidaamsan oo iyagu ahaa kuwa u ooman Nabada iyo horumarinta dalka iyo dadka soomaaliyeed oo muddo 20Sanno dagaalo ay aafeeyen

 

 

 

Waxaa xusid mudneyd in Dowlada Somalia xiliga ay cirib tireysay Alshabaab ay inta badan Magaalada Muqdisho ka waday Dhismooyin ku aadan wadooyinka, hagaajinta goobaha qashinka iyo waliba wax kabadalka Suuqa weyn ee bakaaraha

 

 

 

GOOBAHA AY HORUMARISAY DKMG EE UU HOGAANKA U HAAYO MADAXWEYNE SHARIIF

 

1-Hagaajinta iyo wax kaqabadka Suuqa bakaaraha

 

2- Dhismaha Wadooyinka iyo soo celinta amaanka Magaalada Muqdisho

 

3- Howl-galinta Ciidamada Dowlada Somalia kadib 20-Sanno markii la waayay Dowlad daryeesho Ciidanka xooga dalka Somalia

 

4- Dib u dhisida xarumaha waxbarashada, Ganacsiga, iyo waliba bad-baadinta Bulsho weynta

 

5- Ciribtirka Kooxaha Mucaaradka iyo nabad kusoo dabaalida Gabi ahaan magaalada Muqdisho iyo daafaheeda

 

 

 

Waxaa xusid mudan in Dowlada Madaxweyne Shariif Sheikh Axmed ay kaalinta 1- Koowad ay ka gashay dalka soomaaliya kadib bur-burkii 20-Sano ee ku habsaday Dalka soomaaliya waxaana daliil kaga filan arintaasi sida habsami u socodka Dalka soomaaliya ay usoo booqanaayan Madaxda dalalka Africa,Asia, Yurub ……………

 

 

 

Lasoco Qeybta 4-Sadaxaad ee Waxqabadka Dowladda Madaxweyne Shariif Sheikh Axmed …..

Share this post


Link to post
Share on other sites
Yunis   

^^'

If Sharrif and company come back post-tfg.....Federalism and tuulo states will be the rule of the game, until the eventual dismemberment of the nation

Share this post


Link to post
Share on other sites

oba hiloowlow;851778 wrote:
Sheikh shariif is actually against federalism, its Abdiweli and Faroole who want to establish federalism

Waa runtaa, that is until his against federalism threatens kursigiisa or doolarka jeebkiisa ugu jiro. In that case, wax walba haye, haye, haye waaye as long as kursiga ku fadhiyo. Taasna mabda' la'aan la yiraahdaa.

 

Shariifka madaxtinimada dalka waa u qalmaa in uu sii wado, laakiin xiligaan in uu sii joogo danta dadweynaha Soomaaliyeed iyo dalkeenaba uma roona. Masuqmaasuqa ayaa faraha ka baxay. Waxaaba caddeen kuu ah this 'campaign' oo lacagta lagu bixinooyo. Eebba ka sakoo waa wada ognahee meesha laga keenay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Well sheikh shariif may not be a tough politician but he has principles waa waxaa herkaan gaarsiiyay, mabda'iisana waxaa waaye in nabad iyo cadaalad dalka laga hirgeliyo masuq maasuqa waxa wada shariifka maahan waa shaqsiyaad ku jiro dowladda for example Shariif Xassan iyo dad kale ee qarsoon.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maaddeey   

Sharif laba mar ka badanuu tegay Addis, Somalida xabsiyada ka buuxa inuu ugu yaraan soo booqdey ahayd, lt would be a good PR for his campain, lakin malaha in isna la xiruu ka baqay!.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Oba, Jaalle SOL cayaarta hallaga daayo Shariif ma soo noqonaayo haddii Eebbe Idmo, bisha u hartay hadduu dhamaystuu nasiib leeyahay....Let me remind you sidii Farmaajo loo ceyriyey markii uu dhaleeceeyey the International community..:D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalia   

oba hiloowlow;851784 wrote:
Well sheikh shariif may not be a tough politician b
ut he has principles waa waxaa herkaan gaarsiiyay
, mabda'iisana waxaa waaye in nabad iyo cadaalad dalka laga hirgeliyo masuq maasuqa waxa wada shariifka maahan waa shaqsiyaad ku jiro dowladda for example Shariif Xassan iyo dad kale ee qarsoon.

Did you just invoke the word principles? Sheikh Shariif has principles, the man who has now admitted to providing passports to pirate leaders, stolen money, send kids to their death in the name of God, later to do the exact same thing as his nemesis, Sheikh Shariif has principles?

 

He was arrested at the border fleeing and he became president, the same people who gave him the seat will now take it from him.

 

You are a funny guy.

Share this post


Link to post
Share on other sites

One day, hes wearing a dress n next a 3 piece suit!! Now thats freaky........Does he do pole dancing 2!!... lol No wonder i call this homie shiekh Sharmoo...o ! o u know what i am taking about!! lol.

Anyways.......can u believe this homie's history. One day hes the leader of icu...aka now alashytiheads leader, runs n lands in hotel in Nairobi with cia!! huh...shyte dont happen like that! hell no way. U gotta be big time playa 4 sure.

 

Now.......he wants u to honor him as a leader!! wtf.........what hes thinking of!! Dont he have a reality check some where in his CORNEUMl!! what gives here!! Worst somali so called leader ever so far!!

 

Hope we dont see the kinds of him ever again.

 

P.S: This song is dedicated to so called somali leaders today....in all regions! what losers they are minding only they pockets.

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Somalia;851829 wrote:
Did you just invoke the word principles? Sheikh Shariif has principles, the man who has now admitted to providing passports to pirate leaders, stolen money, send kids to their death in the name of God, later to do the exact same thing as his nemesis, Sheikh Shariif has principles?

 

He was arrested at the border fleeing and he became president, the same people who gave him the seat will now take it from him.

 

You are a funny guy.

Adeer ka bax this is for the grown ups sow adi ma tihiid kii yiri Meles i hope u get better

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalia   

oba hiloowlow;851878 wrote:
Adeer ka bax this is for the grown ups sow adi ma tihiid kii yiri Meles i hope u get better

Oh no, he's getting woken up by mere facts, tell us of the moryaan philosophy your candidate endorses, kulahaa Sheikh Dalxiis has principles, what a joke..

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this