Sign in to follow this  
oba hiloowlow

Sheikh Shariif Sheikh Axmed Campaign Thread

Recommended Posts

Kulan ballaaran oo aan noociisa sanadahan lagu qaban magaalada Muqdisho oo boqolaal ruux oo isugu jira Mas'uuliyiin, Qeybaha bulshada, odayaasha dhaqanka, culumaa'udiin, Haween iyo fanaaniin ayaa haatan socda, kaasoo ah mid Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed uu ugu dhawaaqayo inuu yahay musharax u taagan xilka madaxtinimada Soomaaliya.

 

Kulankan oo ay soo qaban qaabiyeen Gudiga Ololaha doorashada ee Madaxweyne Shariif ayaa waxaa ka qeyb galayaasha ay ku soo bandhigayeen cida ay u arkaan inay jagada Madaxtinimada qabto, waxaana qeybaha bulshada ay lulayeen sawirka Madaxweynaha.

 

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur Tarsan oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in Muqdisho u diyaar garowday marti gelinta ergooyinka ansixin lahaa dastuurka, soona xuli lahaa Xildhibaanada cusub, iyo doorashada madaxtinimada ka dhaceysa Muqdisho.

 

Sidoo kale waxaa kulanka khudbado ka jeediyay Odayaasha dhaqanka, sida Salaadiinta, Ugaasyada, Malaaqyada iyo Imaamyada, iyadoo ilaa shan oday dhaqameed matalayay shanta beelood ay khudbado ay ku muujinayeen in Madaxweyne Shariif dib mar kale u qabto madaxyinimada ka jeediyeen.

 

Qaar ka mid ah Odayaasha dhaqanka ayaa sheegay in si howsha dalka ka socota loo sii ambaqaado ay doonayaan in Madaxweyne Shariif mar kale sii haayo xilka madaxtinimada Soomaaliya, intii weji cusub oo ay imaan lahaayeen, isla markaana is faham waa iyo dib u dhac ku imaan laheyd howlaha socda.

 

Inkastoo Madaxweyne Shariif aanu wali khudbad ka jeedin, hadana kulanka ayaa saacadihii ugu badnaa ka socda Dhismaha City Palace oo ah halka lagu qabanayo Munaasabada Madaxweynaha uu uga dhawaaqayo inuu yahay musharax u taagan xilka madaxtinimada.

 

Madaxweyne Shariif ayaa sidoo kale la filayaa inuu soo hadal qaado warbixinta ka soo baxday Gudiga daba galka arrimaha Soomaaliya ee Qaramada Midoobey, kaasoo madaxda dowladda ay ku eedeeyeen inay musuq maasuq sameeyeen.

 

Munaasabadan ayaa waxaa laga jeediyay suugaan kala duwan iyo ruwaayado looga hadlayo waxqabadka Madaxweyne Shariif, iyadoo fanaaniinta ay suugaantooda ku cabirayeen tan iyo markii Madaxweynaha xilka madaxtinimada uu qabtayu 2009-kii ilaa iyo hada.

 

Sawiro Madaxweynaha ayaa lagu xardhay baabuurta kala duwan, iyadoo magaalada ay ku jirto jawi ka bedelin sidii hore, waxaana magaalada oo idil qabsaday ololaha doorashada madaxweyne Shariif uu ku doonayo in mar kale xilka madaxtinimo ee Soomaaliya ku qabto.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this