Sign in to follow this  
Tallaabo

President Silaanyo without any bodyguards!! With pics.

Recommended Posts

Tallaabo   

Madaxweyne Siilaanyo oo maanta salaaddii Jimce kula tukaday dadweynaha masaajid ku yaalla magaaladda Hargeysa, iyadoo wax ilaalo ahi la socon

 

Jimco, July 13, 2012 (HOL)- Madaxwaynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta salaaddii jimce kala qaybgalay dadweynaha magaaladda Hargeysa, isagoo aan ilaalo la socon, isla markaana kula tukaday masaajid ay dadku iskugu yimaadaan.

 

Madaxwayne Axmed Siilaanyo ayaa maanta salaaddii jimce ku soo tukaday masaajid ku yaalla xaafadda Shacabka, una dhow guriga madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin, halkaasi oo dadweynihii ku tukanayey mar kaliya arkeen madaxweynihii oo masaajidka kula tukanaya oo aanay hareero socon ciidankii looga bartay marka uu madaxtooyadda ka soo baxayo.

 

madaxwaynaha ayaa ku tukashada masaajidkaasi waxa ku wehelinayey qaar ka mid ah masuuliyiinta xukuumaddiisa oo ay ka mid yihiin Taliyaha ciidamada Milatariga iyo taliyaha ciidamada ilaalada Madaxtooyada oo aan dirayskii ciidanka xidhnayn Iyo Wasiirka Madaxtooyadda Iyo Guddoomiyaha Kulmiye, iyadda oo markii uu Madaxwaynuhu Masjidka soo galayey iyo markii uu baxayeyba uu dadkii masjidka kula tukaday uu qaarkood mid mid u salaamay, isla markaana ku urureen si ay u gacan qaadaan.

 

Masaajidkan ayuu inta badan uu ku tukan jiray wakhtigii uu mucaaradka ahaa ee uu gudoomiyaha xisiga kulmiye ahaa, balse tan iyo intii uu madaxweynaha noqday salaaddda jimcaha masaajidadka dadweynuhu iskugu yimaadaan kuma tukan jirin, balse wuxu ku tukan jiray masaajid kooban oo ku dhex yaalla madaxtooyadda oo madaxda dawladdu ku tukato.

 

 

Talaabadan ayaa ah mid ku cusub madaxweynaha, maadama oo Madaxweyneyaashii hore ee soo maray Somaliland ay maalmaha ciidda oo kaliya la tukan jireen masaajid weyn oo ku yaalla badhtamaha magaaladda Hargeysa, isla markaanna isku wareejin jireen ciidamo badan, haseyeeshee, waa markii ugu horaysay tan iyo sidii uu madaxweynaha u noqday isago bilaa ilaalo ah uu masaajidada dadweynuhu ku tukadan kula takado, inkastoo maalmaha ciidda lafteedd uu madaxweyne Siillaanyo Ilaalo badan gaadh ka qabtaan masaajidka uu ku tukanayo ee dadku iskugu yimaaddo.

 

Madaxweyne Siilaanyo ayaa muddoba marka uu joogo booqashooyin aan hore looga baran madaxweyneyaashii hore ku talaabsada, waxaanu hore booqasho tukaamaysi ah laba jeer oo kala durugsan ka sameeyey goor habeenimo ah dukaamadda magaaladda Hargeysa, iyadoo wakhtigaasi aanay ilaalo la socon.

 

Sidoo kale, waxa uu madaxweynuhu goor habeenimo ah dhowaan gurigeedda ku booqday wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Somalia Maxamed Cabdilaahi Oomaar hooyadii oo degan magaaladda Hargeysa,oo ahayd xaaskii Cabdilaahi Oomaar oo ahaa ganacsade iyo siyaasi si weyn looga yaqaanay magaaladda Hargeysa, isagoo booqashadaasi ay ku wehelinaysay marwadda madaxweynaha iyo wasiirka Waxbarashadda Somaliland Samsam Cabdi Aadan.

 

Booqashooyin uu kaligii madaxtooyadda kaga soo baxayo, iyadoo aan ilaalo la socon, ayaa dadweynuhu soo dhoweeyen, waxaanay ku tilmaameen mid isku soo dhoweynaysa madaxweynaha iyo dadweynaha, taasina ay keento in maalmahaasi dadweynuhu hadal hayaan, iyagoo ku doodday in talaabooyinkaasi yihiin mid uu ku kasban karo dadweynaha.

 

 

 

 

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

barkhadladiif@hiiraan.com

Hargeysa, Somaliland

 

Photos:

http://www.hiiraan.com/news/2012/July/wararka_maanta13-18606.htm

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalia   

War faan badanaa dadkaan, the security is mixed in with the crowd, the kids etc, they are specially trained by MI6, there you have it. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Aaliyyah   

I wonder if adeerkiin Siilanyo can go without bodyguards to buuhodle where he and his thug militia are killing innocent people.

Share this post


Link to post
Share on other sites
NGONGE   

^^

 

Norf,

 

You can easily tell that this is a PR stunt though. Him and Xirsi probably spoke about it in advance and, like school girls going on a date, even agreed on the colour of macawis to wear. Naga daaya dee. :D

 

(though it's still a good stunt. Watch the Imam and Sharif do the same thing next).

Share this post


Link to post
Share on other sites
Aaliyyah   

Somalia;851858 wrote:
War faan badanaa dadkaan, the security is mixed in with the crowd, the kids etc, they are specially trained by MI6, there you have it.
:D

LOL..you are probably right about the security guards being mixed in the crowd.

 

But, even if it was the case where he walked around his city without bodyguards ma cid ba magaladooda ku haysata. Yaga baa khaati iyo alle laga jooga.

Share this post


Link to post
Share on other sites

NGONGE;851882 wrote:
^^ There you go
:D

 

 

 

siilaanyo%20(4).JPG

I can see one security guard in this picture one in dark brown safari with hat. U fiirso siduu gacmaha leeyahay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this