Sign in to follow this  
Somalia

Should Mogadishu remain the capital?

Recommended Posts

Somalia   

WD-Xoosh-300x297.jpg

 

Wasiirka Dastuurka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Xoosh Jabril oo ka hadlayay hadalo kasoo yeerey Dad ku andacoonay in dastuurka lagu daro in Muqdisho tahay caasimada Soomaaliya ayaa sheegey in qolyahaas ay fidmo abuurayaan, Wasiirku wuxuu kaloo sheegey in shaqada loo direy Odoyaasha ay tahay labo qodob oo kaliya oo ah soo xulid Ergooyinka Ansixineysa Dastuurka iyo Iney soo Xulaan Xildhibaanada, lakiin ka hadalka Dastuurka, hadii wax laga saxayo ama eed laga keenayo waxay u taal buu yiri Ergooyinka lasoo xulayo.

 

AUDIO

 

http://puntlandi.com/?p=37614

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalia   

Mtarzan.jpg

 

Jimco, July 06, 2012(HOL): Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur (Tarzan) ayaa si kulul u dhaliilay dastuurka cusub ee loo sameynayo dalka Soomaaliya, wuxuuna faahfaahin ka bixiyay qaabka uu u dhaliilsan yahay dastuurka.

 

Guddoomiyaha oo wareysi siiyay laanta Afka Soomaaliga ee VOA-da ayaa sheegay in Dastuurkan uu yahay mid muddo dheer la qarinayay oo la diidanaa in dadka loo soo bandhigo, hadda oo la soo bandhigayna ay ku arkeen waxyaabo ka dhan ah midnimada Umadda Soomaaliyeed.

 

“Dastuur marka Ummad loo sameynayo waa in lagu qoraa waxa Umadda lagu xukumayo ay dooneyso ee ma ahan in lagu waxyaabo dad dano gaar ah wato ay doonayaan”ayuu yiri Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur (Tarzan).

 

Guddoomiyaha oo arrintan ka sii hadlayay waxaa uu sheegay in Dastuurkan ay sameeyeen dad maslaxad gaar ah wata, kuwaasi oo bedelay sida uu yiri qodobbo badan oo ay soo sameeyeen Guddi madax bannaan oo muddo dheer ka soo shaqeynayay dastuurkan.

 

“Dastuurkani kuma qorna Muqdisho in ay tahay caasimadda dalka Soomaaliyeed, Muqdishana waa meeshii mideyneysay Umadda Soomaaliyeed, haddii laga bedelana macnaheeda wuxuu noqonayaa in la kala dirayo Umadda Soomaaliyeed”ayuu hadalkiisa ku sii daray.

 

“Haddii dastuurkani yahay mid la doonayo in shacabka Soomaaliyeed lagu xukumo waa in lagu qoraa caasimadda Soomaaliya in ay Muqdisho tahay, haddiise uu yahay dastuur dad gaar ah leeyihiin iyaga ayaa lagu xukumaa ee shacabka Soomaaliyeed shaqo kuma lahan” ayuu mar kale yiri Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur Tarzan.

 

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo ka gaabsaday in ay sameynayaan dhaqdhaqaaqyo dastuurka ka dhan ah ayaa wuxuu ku celceliyay in ay dalbanayaan in dastuurkan lagu qoro caasimadnimada Muqdisho, wuxuuna madaxda dowladda ka rajeeyay in ay arrintaas gartaan.

 

Dastuurka loo sameynayo Soomaaliya oo aan weli la ansixin ayaa tan iyo markii qabyo-qoraalkiisa la soo bandhigay waxaa uu dhaliyay guux dadweyne iyadoo dad badan oo ka hadlayna ay siyaabo kala duwan uga hadlay. Qabyo-qoraalka dastuurka ayaa ansixintiisa lala sugayaa ergooyin ay soo xuli doonaan Oday dhaqameedyo Soomaaliyeed oo Muqdisho ku shirsan.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

Share this post


Link to post
Share on other sites

What is Puntlands stance on this matter? Hadii oo Caasimadda deegaanadooda loo wareejiyo maamul oo soomali oo dhan ku mideysan tahay miyeey hirgelinayaan?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalia   

Puntland's stance is that the federal capital should remain federal meaning the city will belong to no clan and every clan can rule it equally.

 

It doesn't matter whether it is Muqdisho, Baidoa or Kismayo, as long as it is federal.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Mooge   

if you didn't hear already, caasimuda will move to Hargeysa. sharif supports this and that is why they left it out in constitution. siilanyo got what he wanted.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Haatu   

The cheek Somalia shows is amazing and endemic from the parts he comes from. Viewing all others as barbaric peace haters and oneself as the righteous who know and have maslaxadda umadda at heart! Federalism is the choice of the few who like the status quo and the division of the people into clannist/tribalist entities that serve the interest of the clan only and no one else. Somalia needs something that unites and fosters the notion of togetherness and brotherhood, not blind division and hatred. This federalism rubbish is only a temporary thing to appease a certain block of society. Come post-August when the constitution goes to the people, the wishes of the masses shall be heard loud and clear!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this