Sign in to follow this  
Saalax

Buug Ka Hadlaya Xasuuqii iyo Xad-gudubyadii Bini’aadamnimo Ee Somaliland Laga Geystay Oo Hargeysa La

Recommended Posts

Saalax   

Buug Ka Hadlaya Xasuuqii iyo Xad-gudubyadii Biniaadamnimo Ee Somaliland Laga Geystay Oo Hargeysa Lagu Soo Bandhigay Iyo Madaxweynaha Oo Shahaado Sharaf Ku Maamuusay Qoraaga Buugga

 

(Hadhwanaagnews) Saturday, June 30, 2012

Buug Ka Hadlaya Xasuuqii iyo Xad-gudubyadii Biniaadamnimo Ee Somaliland Laga Geystay Oo Hargeysa Lagu Soo Bandhigay Iyo Madaxweynaha Oo Shahaado Sharaf Ku Maamuusay Qoraaga Buugga

 

Hargeysa(HWN):-Buug ka hadlaya Xasuuqii iyo dambiyadii laga geystay Somaliland wakhtiyadii ay jirtay Dawladdii kali-taliska ahayd ee Siyaad Barre, ayaa caawa lagu soo bandhigay Hotel Maansoor ee Caasimadda Hargeysa, kaasoo si qoto dheer u lafo-guraya Xad-gudubyadii Biniaadamnimo ee Sanadihii Sideetameedkii dhacay iyo Shaqsiyaadka Masuuliyinta ka ahaa.

Wasiirka Ganacsiga Somaliland Cabdirisaaq Khaliif Axmed oo Shahaado sharaf guddoon-siinaya Qoraaga Buuga cusub Somaliland And International Criminal Justice Prof Maxamed Faarax Xirsi

 

Buugan oo lagu Magacaabo (Somaliland And International Criminal Justice), oo uu qoray Prof Maxamed Faarax Xirsi oo ah Wiil dhalinyaro ah, ayaa waxa ka qayb galay Wasiirka Ganacsiga Somalilad C/risaaq Khaliif Axmed, Wasiirka Qorshaynta Qaranka Dr Sacad Cali Shire, Wasiirka Warfaafinta Cabdi Yuusuf Ducaale, Wasiirka Caddaaladda Xuseen Axmed Caydiid, Guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee Xisbiga Kulmiye Maxamed Kaahin Axmed, La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Haweenka Somaliland Amaal Xaaj Miisaan, Masuuliyiin kale oo ka tirsan Xukuumadda, Mamaulka Jamacadda Alpha University oo soo qaban qaabiyey Munaasibaddan lagu soo bandhigay Buuggan iyo marti sharf kale oo aad u tiro badan.

 

Munasibaddan ayaa waxa ugu horeyn ka hadlay Guddoomiyaha Jaamacadda Alpha University Maxamed Xuseen Muadinka, waxaanu aad ugu Mahad celiyey Qoraga Buugan ka hadlaya Xasuuqii Somaliland oo ah Madax Kuliyadda Sharciga ee Jamacadaasi, waxaanu ugu baaqay dhalinyarada kale inay ku daydaan oo ay wax ka qoraan taariikhaha kala duwan ee dalkan ku duugan.

 

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga Somaliland C/risaaq Khaliif Axmed oo ka hadlay Munaasibaddaasi ayaa waxa uu sheegay inuu wakiil ka yahay Madaxeynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo shahaado sharaf uu ugu talo galay Qoraaga Buugan Maxamed Faarax guddoonsiiyey, waxaanu sheegay inuu buugani aad muhiim ugu yahay Taariikhda Somaliland, waxaanu soo jeediyey in la sameeyo dad wax ka qora taariikhaha kala duwan ee Somaliland.

 

Prof Maxamed Faarax Xirsi oo ah Qoraaga buuga cusub ee Somaliland And International Criminal Justice oo hadal Kooban ka jeediyey Munaasibadii uu ku soo bandhigay Buugan, ayaa faah-faahin ka bixiyey Ujeedada ku kaliftay inuu wax ka qoro Xasuuqii ka dhacay Somaliland wakhtigii uu Somalia ka talinayey Siyaad Barre, waxaanuu sheegay Qoraagu inay ku keliftay markii uu arkay Waddamo badan oo caalamka ka mid ah oo laga sameeyey Maxkamado lagu Maxkamadaynayo dadkii dalalkaasi Xasuuqa ka geystay, isla markaana uu hindisay inuu wax ka qoro dhibaatadii iyo Xasuuqii ka dhacay Somaliland iyo cidii ka geysatay, kuwaas oo uu sheegay inay ka mid ahaayen Genaral Cali Samatar oo ay hadda Maxkamadi kaga socoto Talka Maraykanka, isaga oo tilmaamay inay Buugan ka gacan siiyeen Hayado Calaami ah oo uu hadda yaalo oo keliya dalalka Maraykanka iyo Suuqyada dalalka Yurub, isla markaana aanu wali Somailand soo gaadhin, balse sida uu Qoraagu tilmaamay qofkii doonayaa cid kale u dirsan karo, waxanu sheegay inuu qiimiha Buugani uu yahay $57 Dollar.

 

Qoraaga Buugan ka hadlaya Xasuuqii laga geystay Somaliland Maxamed Faarax Xirsi, waxa uu ugu dambayntii ku booriyey inay dhalinyarada reer Somaliland isku dayaan inay wax ka qoraan mahadhooyinkii iyo taariikhaha kala duwan ee ku duugan Dalka Somaliland, waxaanu u mahad celiyey dhamaan dadkii ka qayb qaatay soo saarista Buugan iyo intii ka gacan siisayba.

 

A.A.A.Asporo

 

Hadhwanaagnews/Office

 

Hargeysa/Somaliland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Whats the point?? somaliland alwas cry and whine about these things and never for once demanded the capture of Morgan, Tuke or even Samatar, whats the point?? i just never understand my pepole sometimes..

 

we don't need books, we know who they are and in fact recently one of the masterminders of those crimes Axmed Jeengali paased away in USA and guess what Siilaanyo sent his family a ulogy?

Share this post


Link to post
Share on other sites
gooni   

Buugaas ha isku akhrina caalool xumo iyo ilmo badan buu idinka keeni suugaanta akhriya iyo gabayadii sayidka si aad u iloowdaan uur ku taaladaas!!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xaaji Xunjuf;846681 wrote:
Interesting book i will read this book.

You guys need to write books about development, how to fight poverty, and how to fight Khat which is killing and maiming more than Morgan or Gaani did, You need to address the problems of your youth dying in their hundreds while crossing the great desert of Libya.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^ Thats also addressed if you visit hargeysa's university there are special courses about that. How is Qad killing people though.

 

But its also good to remember what happened in the past people with no history have no future u know.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalia   

You don't see a person from Mudug or Nugaal being occupied with the atrocities that were committed against them. This is pathetic and why no one can take these cuqdad filled people serious, I mean look at this. It happened to everyone, move the hell on.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xaaji Xunjuf;846886 wrote:
^ Thats also addressed if you visit hargeysa's university there are special courses about that. How is Qad killing people though.

 

But its also good to remember what happened in the past people with no history have no future u know.

How is Qad killing people? come on Xaaji, you know what qad is doing to our societies, physically and mentally. Do you know Burco has one of the highest mental illnesses in Somalia due to Qat, and what about your youth dying in the desert?

 

Yes history is important, but the way you guys write history is clannish and bias, Why don't you teach them the history of the Dervishes and how they fought the isticmaar.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Ma xuma haddiiba taariikhda laga run sheegayo, balse xasuuqa Hargeysa ay hadda geysanayso goormaa buug laga qorayaa?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Everything is taught all the history of the country whether it was in the war for liberation in the 80s or during Colonial Britain independent struggles. But true qad is an issue but its not a real threat other than some social problems but we have that problem here in the west to not just back home. What is important is creating jobs for the youth that's the most important thing.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Abwaan;846894 wrote:
Ma xuma haddiiba taariikhda laga run sheegayo, balse xasuuqa Hargeysa ay hadda geysanayso goormaa buug laga qorayaa?

Xasuuqay hargeysa geysaneyso Adeer maxaad ka sheekeneysa.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalia   

Aadan Jugle;846683 wrote:
Whats the point?? somaliland alwas cry and whine about these things and never for once demanded the capture of Morgan, Tuke or even Samatar, whats the point?? i just never understand my pepole sometimes..

 

we don't need books, we know who they are and in fact recently one of the masterminders of those crimes Axmed Jeengali paased away in USA and guess what Siilaanyo sent his family a ulogy?

general-morgan-o.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xaaji Xunjuf;846895 wrote:
What is important is creating jobs for the youth that's the most important thing.

And writing a book about a distorted history does not create jobs sir.

 

 

 

Loool@Abwaan.

 

Xaaji Abwaan is talking about, if the koonfurians sent Morgan and Gaani to kill you, you sent Godane & Afgaani to kill us.;)

Share this post


Link to post
Share on other sites

How do you know its distorted history you didn't even read the book:D

 

Wa iska caadi haday sida tahay Abwaan na buug haka qoro Amiir godane iyo ibrahim Afghani:D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this