Sign in to follow this  
Aaliyyah

Wada hadaladii dawladda KMG ah iyo beesha *****

Recommended Posts

Aaliyyah   

Wasiir Xirsi oo maanta Shir beeleed ku qabtay bariga London

Written by Qaran news

Jun 22, 2012 at 08:01 PM

 

London,(Qaran news)- Wasiirka madaxtooyada Somaliland mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan oo ka mid ahaa waftigii reer Somaliland ee wada hadalada doraad u yimid magaalada London, wada hadaladaasi oo socday laba maalmood oo u dhaxeeyay Somaliland iyo Somaliya, ayaa maanta shir balaadhan oo gaar ah la qaatay beesha uu ka soo jeedo.

 

Kulankan oo ay ka soo qayb galeen xubno aad u tiro badani oo la soo xulay si loo maamulo jawiga iyo si aanay saxaafadu u n hadalada wasiirka ayaa waxa noo suurto gashay in aanu kulankaasi wasiir Xirsi uu beeshiisa la qaatay aanu wax ka ogaano, taasi oo xubno joogay joogay kulankaasi ay xaqiijiyeen in wasiir Xirsi uu halkaasi maanta ka soo jeediyay khudbad beelaysan, taasi oo uu ku booriyay in ay beeshu hareeraheeda eegto, iyo sida beelaha kale ay u shirayaan iyo habcsanaanta ka muuqata beeshiisa, oo uu sheegay in beesha uu ka soo jeedaa ay tahay ta mucaaridada ugu badan ku haysa dawlada, waxana uu ku dheeraaday ooo carabka ku adkeeyay sidii beesha la isugu keenin lahaa ee mowqif midaysan loo yeelan lahaa waxii tashuush ah ama tabasho ahana uu diyaar ula yahay in uu xaliyio, waxana uu sheegay in uu cid kasta oo ka soo hor jeeda uu diyaar u yahay in uu dhagysto.

 

Kulankani oo ka dhacay Community oo la yidhaa Adeega East Africa Community oo ku yaala bariga magaalada London- Communitygaasi oo uu leeyahay Xasan Cismaan oo ah gudoomiyaha xisbiga Kulmiye ee UK..

 

Waxa halkaasi maanta wasiir Xirsi lagu waydiiyay su'aalo nadan oo uu ka jawaabi kari waayay qaarkood iyada oo aan loo tudhin, taasi oo aakhirkii wasiirka laga kala dareeray laguna qoslay, kulankani waxa uu wasiirka ku riday waji gabax iyo khajilaad iyada oo uu waayay halkii uu xiliyada qaarkood xadhiga uga garaacijiray.

 

Wasiir Xirsi ayaa bari loo balamiyay in uu la kulmo jaaliyada reer Somaliland ee ku dhaqan magaalada London lamana oga si loogu iman doono

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalia   

Aaliyyah is maaaaaad. :D

 

Taleex Media Online and GalgalaNews are now one of the most pro-Puntland media outlets, I wonder how they came to their senses, could I have been right all along?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Aaliyyah   

Hargysa,(Qaran news)-Sidaynu la wada socono markii uu dhamaadey kulankii labada cisho ahaa ee aqalka Chevening House (London) ku dhexmaray ergooyinkii kala metelaayey Somaliya iyo Somaliland oo labada dhinacba sheegeen in kulankoodu hordhac ama gogoldhig u yahay kulan Sheikh Shariif iyo Siilaanyo yeelan doonaan mustaqbalka ayaa laga soo saaray war murtiyeed nuxurkiisu ku saabsanaa la dagaalka budhcad badeeda iyo argagagxisisada iyo iskaashi ka hortaga fadhateysiga iyo kaluumaysiga tuugada ah iyo qodobo kale.

 

Sida xogaha aanu helaynaa tibaxayaan qolo waliba waxay badka soo dhigtay qodobaday aad u danaynayso in ajeendaha wadahadalada lagu daro balse ergada somaliland waxay ka gaabisay inay ajeendaha wadahadalada ku daraan ama dhex dhigaan qadiyada madaxbanaanida somaliland oo aan ahayn mawduuc lala gabado haddii wadahadaladu u hakanayaan iyo haddii kaleba waayo xikmad baa tidhaahdaa "waxaan la hurayn horaa loo yeelaa" waa mawduuc markasta taagan in miiska la soo dhigo oo doodiisu bilaabmato,wuxuu mawduucani mihiim u yahay shacabka Somaliland iyo Caalamkaaba si loo muujiyo in gooni isutaaga aynu raadinaynaa inaga go'an yahay laakiin haddii budhcad badeed iyo wax la halmaala lagu meeraysto weli runi dhiman!.

 

Haddaba markii aanu helay natiijada kulankii ka dhacay Chevening House iyo qodobada ku xusan war murtiyeedka ka soo baxay oo ay ugu mudan yihiin la dagaalanka budhcadbadeeda iyo Al-shabaab oo aan ahayn wax inagu cusub ayaanu wax ka weydiinay qaar ka mid ah siyaasiyiinta aad ula socotey qadiyadan si aanu wax uga ogaano dareenooda iyo halkay ka taagan yihiin arintan'.

 

Ugu horeyna waxaanu khadka telefoonka ku helay ama kula xidhiidhnay wasiirkii hore ee wasaarada hawlaha guud Saciid Sulub Maxamed oo markaa ku sugnaa magaalada Burco waxaanaan weydiinay dareenkiisa iyo siduu u arko nuxurka war murtiyeedka ka soo baxay shirka Chevenig House (London) waxaanu Saciid Sulub sarbeebay in ka Siciid ahaan shirka waxaa ka soo baxay iyo wax ka hooseeyaba ka eegaayey balse umada reer Somaliland ka rajeynayeen shirka waxa halkaa ka soo baxay natiijo ka duwan.

 

Wuxuu Saciid Sulub xusay in madaxweyne Siilaanyo shirkii hore ee London markuu halkan ka dhoofaayey golayaasha kalsooni ku weydiistay inuu qadiyada madaxbanaanida Somaliland hordhigaayo 50 dawladood taasna meeluu ku weydiistay maynu maqal, waa kuwii shirkii istanbuul xubnihii xukumada uga qeyb gelaayey sheegeen in qadiyada madax banaanideena ay madasha kaga doodi doonaan laakiin sanqadhoodii lama maqal meelay ka hadleen, sidoo kale shirkan Chevening House-na ergadii Somaliland metelaysay intaaney dhoofin waxay inoo sheegeen inay qoladan walalaheena ee Somaliya ay hordhigayaan qadiyada gooni isutageena balse tiina ma hayno oo qodob kale ayaa ka muuqda war-murtiyeedka markaas waxaan filaayaa wixii umadu ka rajaynaysay inaaney halkaas ka soo bixin oo aan ajeendaha shirkaba lagu darin qadiyada madax banaanida somaliland.Siciid wuxuu intaas ku daray inuu danisan yahay inaanay qorshaba ugu jirin inay qadiyadeena miiska dhigaane arimo ka hooseeya ku warwareegayeen.

 

Su'aal kale oo aanu weydiinay Siciid Sulub ayaa ahayd labada ergoba kuwo Somaliland iyo kuwa Somaliyaba shirkaas inay dhinacooda guul kala hoydeen ayey sheegeen markaa waa maxay guulaha dhinacyada u kala hoyday ee kuu muuqday ka Saciid ahaan? wuxuuna ku jawaabey "qolada Somalidaa guulaystay oo waxay taagan yihiin in Somaliland weli Somaliweyn ka mid tahay maadaba aan qadiyadii madaxbanaanida Somaliland miiska la dhigin, oo doodii Somaliland ee awel jiri jirtay suushay,arintii horena waxba iska bedelin ee sidii uun tahay,wa ta labaade waxaa war murtiyeedka ku jiray in xagga safarada iyo ganacsiga laysu fudueeyo oo lays dhexmaro,in wefuuda laba dhinac is dhexmaraan karaan oo la isdhexqaado oo Hargeysa iyo Xamarba isaga dabaqaadi karaan,in la dagaalanka budhcad badeeda la iska kaashado, in ilaalinta baddaha la iska kaashaado, waxayaabahaas oo dhamina waxay u sahlayaan Somaliya inay Somaliland mar labaad dusha ka maamusho, oo si fufud laysagu milmo somaliya, oo madax banaani dii iyo gooni isutagii aynu 22-ka sanadood soo wadnay halkaas ku hagaaso,oo qadiyadeenu halkaas ku saqiirto waana taas ta xukumada Siilaanyo siyaadaseedu ka tarjumaysaa ama u heelan tahay, mana aha mid shacabku ka qabalaayo.

 

Isku soo wada duuboo siyaasiyiin badan oo aanu wax ka weydiinay qodobadaas war murtiyeedka ku xusnaa iyo natiijada kulankaas ka soo baxday ayaa ka dayriyey qaabka xukumada Siilaanyo uga qeyb gasho shirarka iyadoo badiyaaba la tagta ajeendayaal ka duwan kuwii ay umada ama shacabka u sheegtay balse waxa taas u sabab mucaarad la xisaabtama oo aan dalkaba ka jirin.Dhinaca kale waxaa halkaas kaga luntay ergadii somaliland metelaysay ama ay ilduufeen fursad mihiima oo ahayd inay miiska wadahadalka marka horeba soo dhigaan qadiyada madax banaanida somaliland oo markastaba sugaysa.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Caano_Geel;844536 wrote:
Dadkan cuqdad baa dilaysa, waxay ka xun yihiin horumarka Somaliland, iyon sida dadkeedu u tashadeen.

Caano, wax cuqdad la dhaho meesha ma yaallaan, dadkaan Unity bay rabaan inay beeli dhul goosato ay dad la wadaagaan oo dowlad ula baxdo ayay ka xun yihiin.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Abwaan;844537 wrote:
Caano, wax cuqdad la dhaho meesha ma yaallaan, dadkaan Unity bay rabaan inay beeli dhul goosato ay dad la wadaagaan oo dowlad ula baxdo ayay ka xun yihiin.

Somalidu waxay tidha nin aad kabaha ka tolaneysid kabihisa la eega , midnimada aad ku baqaysid maa reer Somalia laga arko Siyaasad ahaan shacab ahaan dawlad ahaan?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Abwaan;844537 wrote:
Caano, wax cuqdad la dhaho meesha ma yaallaan, dadkaan Unity bay rabaan inay beeli dhul goosato ay dad la wadaagaan oo dowlad ula baxdo ayay ka xun yihiin.

Well said Walaal Abwaan, dhamaan shacabka Soomaaliyeed Cadaalad, nabad, iyo horumar ayee rabaan. Kadib 30 oo dagaal sokeeye ka dhaxeeyay beelaha Soomaaliyeed, waa la ogaaday in beeli khasab ku qabsan karin beel kale.

 

Soomaalidu waa beelo walaala ah, maarkaa beesha rabta inay dhulkooda goosato waa in la qadariya oo loo ogolaadaa see rabaan. Sidoo kale beelaha kale ee Aaminsan Midnimada Qaranka Soomaaliya sida Shacabka KHaatumo Iyo Maakhir oo raba inay ka mid noqdaan Dalkooda Somalia, waa in la qadariyaa oo loo ogolaadaa see rabaan.

 

Waa dhibaato, Inay kuwa la baxay Somaliland ku doodaan Ingriiska baanu ka dhaxalnay Dhulka Shacabka KHaatumo iyo Maakhir. Markaa dagaal baanu ku qaadanaa Magaalada Buuhoodle, Laas Caanood, Widhwidh, Taleex, Xudun, Iyo Tukaraq, Las Qorey, Dhahar, Badhan si aanu u qabsano.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Xaaji Xunjuf;844543 wrote:
Somalidu waxay tidha nin aad kabaha ka tolaneysid kabihisa la eega , midnimada aad ku baqaysid maa reer Somalia laga arko Siyaasad ahaan shacab ahaan dawlad ahaan?

Reer Soomaaliya intaad wax ka burburisay oo wixii nuxur ahaa wax ka diiratay,, dembiyadii wax ka gashay baad rabtaa inaad dad hadda cirka ka soo dhacay iska dhigtaan! XX midnimada ciyaarta hallaga daayo!

Kismaayo, Xamar, Bay, Mudug, Shabbeello Hoose, Dhexe, Hiiraan meel walba waad joogteen, madax baad ka ahaydeen, shacab baad ka ahaydeen, markii aad meelaha ka hadleysidna sidii nin aan intaas haysan baad u hadashaa! Khaladaad way dhaceen, caddaalad darro iyo eex way dhacday, boob wuu dhacay xili hore iyo mid dambeba, dil wuu dhacay, Soomaaliya meel kastana wuu ka dhacay, haba la kala darnaadee!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Abwaan;844550 wrote:
Reer Soomaaliya intaad wax ka burburisay oo wixii nuxur ahaa wax ka diiratay,, dembiyadii wax ka gashay baad rabtaa inaad dad hadda cirka ka soo dhacay iska dhigtaan! XX midnimada ciyaarta hallaga daayo!

Kismaayo, Xamar, Bay, Mudug, Shabbeello Hoose, Dhexe, Hiiraan meel walba waad joogteen, madax baad ka ahaydeen, shacab baad ka ahaydeen, markii aad meelaha ka hadleysidna sidi nin aan intaas haysan baad u hadashaa!

Dadka Reer Somaliland marnaba masuul kama aha burburki iyo midnimadi la'aanta Somalia haysata , wa run dawladi dhexe eeh hore eeh jirtay wax waka so rideen laakin marki Generalki maxammad siad bare dalka ka baxay. Burburka Yaa keeney maxa dilki si waday Maxa qabil is qababsada keeney maxa warlordka keeney ma reer Somaliland ba keeney mise reer Somalia? Intaasun ka jawaab.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

XX....taariikhdu pick and choose ma ahan ee waa as a whole, Reer Waqooyi burburka Soomaaliya wax waa ku lahaayeen, period.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalia   

Xaaji, Abwaan is right, you overthrew the government and left the rest of Somalis to pick up the pieces. This was highly unprofessional and to be honest very bad!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this