Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Cali Muhammad warancade Somaliland must prepare for another war with Somalia

Recommended Posts

Cali Muhammad warancade is a wadani and a hard worker in the former udub government. And there should always be people who warn the nation to be vigilant but we had enough wars those who remember the wars in between 1981 and 1991,should know wars will only destroy the land and will send many to their graves.

 

Wax walba wa in wada hadal lugu dhameyaa sidi dhakhso ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Warancade Oo Sheegay Somaliya Ay U Qurux Badan Tahay In Ay Aqbasho Codsiga Somaliland, Kuna Taliyey In Dhalinyarada La Siiyo Tababaro Ciidan Si Ay Dalkooda U Difaacaan

“Go’aanka ka soo bixi kara shirkaasi waxa uu noqonayaa in aynu qaadano laba go’aan oo kala ah gabonimo guul leh iyo gar gaar gunimo leh” Cali M. Warancade...

 

Hargeysa (GNS)- Wasiirkii hore ee duulista iyo hawada Somaliland Cali Maxamed Warancade ayaa ka hadlay aragtidiisa ku aadan wada hadalada ay Somaliland la galayso Dawladda ku meel gaadhka ah ee dhawaan ka dhici doona magaalada London ee dalka Ingiriiska.

 

Cali Maxamed Warancade waxa kale oo uu sheegay in natiijada ka soo bixi karta shirkaasi aanay noqon doonin mid guulo badan la gaadho inta ay dawladda TFG-da hogaaminayaan Sh. Shariif iyo xulafadiisu.

 

Cali Maxamed Warancade waxa uu sidan ku sheegay mar uu u waramayey qaar ka tirsan warbaahinta, isaga oo sidoo kalena ku taliyey in dhinaca Ciidamada iyo Awooda dalka la xoojiyo si looga hortago isku day kasta oo la doonayo in shacabka lagu jujuubo, isaga oo ku taliyey in dhalinyarada Somaliland ee haatan soo kacaysa la siiyo tababaro badan oo ciidan si ay dalkooda u difaacaan.

 

Ugu horeyn Cali Warancade oo ka hadlaya aragtidiisa ku wajahan wadada hadalada Somaliland iyo Somaliya waxa uu yidhi “Haddii aynu nahay umadda reer Somaliland muddo dheer waxa aynu ku soo jirnay halgan dheer oo dagaal iyo mid siyaasadeedba leh, waxaanan runtii qabaa in walaalaheena Somaliya waynu isla daalnee inay aqbalaan codsiga aynu gudbisanay ee ah inaynu noqono laba dal oo walaalo ah oo is kaalmeeya, waxa se muuqata markaan eego maanta nimanka meesha jooga ee Sh. Shariif iyo TFG-du inaanay niman u jeeda ahayn, maantana niman aan diyaar u ahayn in Somaliland iyo Somaliya noqdaan labad dal oo walaalo ah inay yihiin ayaan u arkaa, waxaanay u muuqataa in ay yihiin natiijada ka soo baxaya uurxumo iyo lagu kala fogaado waxaan ahayn inaanay jirin, waayo waxa aynu kala haynaa laba xariiqood oo aan kulmayn.

 

Mid waxa weeyi Somaliland ayaa haysa labada xariiqood oo waa inaynu helno gobanimo dhameystiran oo aynu kala baxno dalkii Somalia la isku odhan jiray ee sanadki 1991-kii aynu kala noqonay, ayaguna waxa ay u haystaan umad ay leeyihiin raga maanta talada hayaa oo aan ka go’i Karin oo aan masiir siyaasadeed lahayn oo aan mid dadnimo lahayn oo aan mid gaar ah oo ay leeyihiin aan lahayn, markaa sidaa awgeed labadaa layn ayeynu kala haynaa, waxaanan filayaa in aanay jirin wax waan waan ah oo ay guddidaasi kala soo noqon karto madashaa ay tageen ee Ingiriiska, haddii aan ILAAHEY mucjiso kale ku soo rogin.

 

Sidaa awgeed waxaan qabaa inaga iyo Koonfur marbaa isku keen hadhay dagaalo hore eyeynu soo wada galnay, markaasina waa dagaal dambe oo runtii ay soo abaabulayaan xukunka maanta jiraa, halka laga eegayo in aynu wada hadal wax ku dhamaysano, markaa shacabka Somaliland iyo xukuumaddaba waxaan u soo jeedinayaa in aynu dhisano Ciidamada qalabka sida si aynu u daafacano Somaliland, isla markaana luqada kale ee ay aduunyadu maanta fahmi karaysaa waxa weeyaan waa ta xooga” .

 

Cali Warancade ayaa Hogaanka dalka kula taliyey in ay tababar u fidiyaan dhalinyarta Somaliland ee soo kacaysa si ay hadhaw dalkooda u difaaci karaan, isaga oo arrimahaasi ka hadlayana waxa uu yidhi “Dhalinyarta Somaliland ee Jaamacadaha iyo Dugsiyada Sare ka baxaysana waxaan u soo jeedinayaa in ay galaan tababarada Wadaninimada iyo Ciidanka, loona ogolaado in ay galaan si aynu dalkeena u difaacano oo aynu u tusno walaalaheena ina hungureeyey ee Somaliya in aynu nahay dad jira oo aan dib loo qabsan Karin”.

 

Wasiirkii hore ee duulista iyo hawada oo ka hadlaya go’aanka ka soo bixi kara wada hadaladaasi, waxa uu yidhi “Go’aankeenuna waxa uu noqonayaa in aynu qaadano laba go’aan oo kala ah gabonimo guul leh iyo inaynu qaadano gar gaar gunimo, waxa koonfur lagu gumeystana waxa weeyaan waxa ay qaateen gargaar gunimo leh, waxa aynu caalamka weydiisanaynaana waxa weeyaan gar gaar gobonimo leh, laakiin weydiisan mayno gar gaar gunimo leh.

 

Arintaasi waxa weeyaan marka aad idaacadaha dhagaysataan ama maqashaan tusaale ahaan tii ugu dambaysay ee raysal wasaare ku sheega Somaliya ka hadlayey maalin dhawayto in uu si yakh yakhsi leh uu u dafirayey in ay umadeenu intaasi le’eg ee mustaqbalkooda ka tashatay ee markii horena aynu kaga goosanay xooga, maantana aan qabo in aynu ka xoog roonahay Somaliya, sida ihaanada ah ee uu u sheegayey wada hadaladeena oo aanay xitaa qarsan Karin bal inta la wada hadlaya uun in ay sugaan natiijada ka soo baxaysa, taasi oo ay hordhaca ka dhigayeen waxaanu ka wada hadlaynaa in ay Somaliweyn ku soo noqdaan iyo inay Somaliweyn ka mid noqdaan, taasi oo runtii ah arin yakh yakhsi leh, horena aan anigu madaxweynaha ugu hambalyeeyey markii hore in uu tago shirkii Istanbul oo uu runtii ka tanaasulay markuu arkay waxa ka soo socda, kuwa dambena runtii aanay haboonayn in uu tago oo ay gobanimadu ku jirto gacanteena iyo isku duubnaanteena sidaasi ayaan qabaa anigu”

 

Cali Warancade oo ka hadlayey mawqifkooda Xisbiga UDUB, waxa uu yidhi “Anagun markii aanu Xukuumadda ahayn maanu odhan jirin wada hadalo lama galayno, laakiin waxaanu odhan jirnay waxaanu wada hadalo la galaynaa Somaliya markaanu helno cid Somaliya matalaysa, maantana haddii la halayo cid Somaliya ka wakiila wax ale waxaanu ka qabnaa ma jirto”.

 

Cali Warancade oo la weydiiyey su’aal la xidhiidhay wada hadalka Somaliland la gashay dawladd kala guur ah waxa ka soo bixi kara waxa uu yidhi “Anigu waxaan qabaa Somalia in aanay ka dhalayn dawladd oo ay ka dhalanayso mustacmarad, laba mid uunbay noqonaysaa in Shariif iyo Shaadh dhawrkiisu odayaashaa ay maanta soo ururiyeen oo dadka maanta saxeexay waxa loo yaqaano Road- mapka oo lix nin lagu tilmaamo ayaa meesha tan habaystay, ma garan karo sida ay Qaramada midoobay ula qabaan iyo faa’iidada ugu jirta, waxaanay noqon kartaa in sidan uun lagu celiyo Somaliya iyo in sidii hore lagu celiyo oo ay xukumaan guddiyadii hore ee uu Sh. Shariif saxeexay oo ay ka mid yihiin Guddida Nabadgelyada, Guddida dhaqaalaha, Guddida Ciidamada, Guddida badaha, markaa waxaan qabaa markaan dhinac walba ka eegay in inta maanta uu Sh. Shariif joogo aanay halkaasi waxba inooga soo socon”.

 

Wasiirkii hore ee Duulista iyo hawada Cali Warancade oo ka hadlayey warar sheegayey in uu Daahir Rayaale Madaxweynihii hore ee Somaliland ka cudur daartay go’aan loo soo bandhigay in uu ka mid noqodo guddida ka qayb galaysa shirka hordhaca ee wada hadalada Somaliland iyo Somaliya, waxa uu yidhi “Maan maqal wararka sheegaya in uu ka cudur daartay, laakiin way haboon tahay in Madaxweynuhu la tashado waayo madaxweynihii hore waxa uu dalka soo hogaaminayey muddo dheer”.

Share this post


Link to post
Share on other sites

When they are unemployed, illiterate and you can't offer them anything, sacrificing them seems like better option. Their only reward poems and parties in the diaspora.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this