Sign in to follow this  
Somalia

Former Somali Parliament Speaker and Interim President dies

Recommended Posts

Somalia   

sh_mukhtaar.jpg

 

Guddoomiyihii ugu horeeyay Golaha Baarlamaan uu yeesho wadanka Soomaaliya ayaa xanuuno kala duwan oo hayay maalmihii ugu dambeeyay loogu dabiibayay magaalada Nairobi ee wadanka Kenya, waxaana geerida Sheekh Muqtaar Maxamed Xuseen tacsi u diraya madax ka tirsan Dowladda KMG ah.

Xildhibaan Xaaji Shukri oo iminka ah ninka ugu da’weyn Golaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa si gaar ah tacsi ugu diray ehelada Sheekh Muqtaar Maxamed Xuseen, isagoona si kooban uga hadlay taariikhda Sheekha uu ku lahaa dalka Soomaaliya.

 

Waxa uu sheegay in Allaha u naxariistee Sheekh Muqtaar uu ahaa shaqsi door firfircoon ku lahaa asaaska Xisbiyada xornimada dalka u halgamayay, sida SYL iyo xisbiyo kala duwan oo dhammaantood ka qeyb qaatay halgankii dalka loga xoreynayay gumeysigii dalka soo maray.

 

Dhinaca kale Shariif Xasan Sh. Aadan iyo madax kale oo ka tirsan Dowladda KMG ah ayaa iyana ka tacsiyeeyay geerida ku timid, iyagoona caddeeyay inuu ahaa shaqsi taariikhda Soomaaliya ay xusi doonto doorkii uu ku lahaa, isagoo noqday Guddoomiyihii ugu horeeyay Dowlad ay yeelato Soomaaliya.

 

Haddaba Taariikhda Sheekh Muqtaar Maxamed Xuseen waa tan hoos ku qoran:-

 

SHEEKH MUKHTAR MAXAMED XUSEEN wuxu ku dhashey gobalka BAAY gaar ahaan tuulada lagu magacaabo CAASHO GAABO oo 12km u jirta magaalada baydhabo dhalashadiisa waxay ku beegan tahay xiligii la,unkayey ama lasoo degeyey magaalada BAYDHABO sida uu ii sheegey sh mukhtar taariiq ahaana waxay ku aadaneyd 1912kii.

 

SHEEKH MUKHTAR wuxu kubarbaarey gobolka BAKOOL ilaa uu kaxifdiyo 114 Qur,aanka kariimka ah kama harin inuu daalacdo cilmiga Diiniga ah wuxu si qoto dheer u darsey barashada Diinta islaamka qeybaheeda kala duwan taasi oo heer sare ka gaarey una keentay magaca sharafeedka SHEEKH.

 

GANACSIGA

 

daraasadkii diiniga ahaa markuu ka aflaxay SHEEKH MUKHTAR M XUSEN wuxu u weecdey tijaaro ama ganacsiga asagoo ka furey goobo ganacsi magaalada xuddur ee gobolka bakool dadaal dheeri ah iyo agaasin wanaagsan waxa u tarmey ganacsigii waxana u suurtowdey inuu kafuro xarumo kale oo tijaaro magaalda BAYDHABO taasi oo sababtey iney isku xirmaan ganacsigiisa gobolada BAY iyo BAKOL oo waqtigaasi la isku oran jirey jubbada sare(upper jubba).

 

SHEEKH MUKHTAAR ayaa wuxu huwanaa laba shey oo bulshada dhexdeeda ku qaali ahaa waxaa kamid ah asagoo ah shaqsi laga helo cilmiga diiniga ah iyo tijaaro sare na ku lahaa gobolka waxayna dhaxal siisey inuu noqdo qof caan ku, ah bulshada waxayna u arkeen beesha uu kasoo jeedey ee HADAME qof muhiim u ah huogaaminta beesha waxa loo doortey MALAAQA HADAME AMA UGAAS wuxuna wajahayey howlaha garsoorka iyo ku hogaaminta dowga toosan

 

KUBIIRISTII SIYAASADA

 

mudo markuu ahaa MALAAQA HADAME ayaa dhinaca kale waa kajirey dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed oo looga hortagayey gumeystihii TALYAANIGA oo xukumayey koonfurta SOOMAALIYA .

 

1943di ayaa la,aas aasey ururka dhalinyerada soomaaliyeed SOMALI YOUTH LEAGUE ((SYL) iydoo markii hore loogu wanqaley magaca SOMALI YOUTH CLUB(SYC) mudo kadib ayaa loo bedeley magaca SYL waxa iska lahaa fikirka dhisida 13 dhalinyero soomaaliyeed oo isu arkey samata bixinta dadka iyo dalka SOOMAALIYA isla markii waxa balaartey ururka SYL SHEEKH MUKHTAR M XUSEEN oo xiliga kusugnaa magaalada XUDDUR kuna dhexjirey howl maalmeedkiisa ayaa ururka dhalinyerada SYL u igmadeen inuu SH MUKHTAAR qeyb lexaad leh kaqaadan karo kaxuroobida gumeystaha TALYAANIGA wuxuuna kamid noqdey SYL xubin kamid ah ee u joogta gobolka JUBBADA SARE(UPPER JUBBA) .

 

markii loo gudbey nidaamkii dowliga ahaa wuxu noqdey xildhibaan kasoo gala JUBBADA SARE iyadoo loo sheegey SH MUKHTAAR oo waqti galabo labo jago isku hayey inuu mid uu ku ekaado MALAAQNIMO AMA XILDHIBAAN wuxuna doortey xildhibaanimo tasi oo ah howl QARAN kana balaaran mida beesha intaa wixi kadanbeeyey SHEEKH MUKHTAAR M XUSEEN lugaha ayuu lagaley siyaasada dalka SOOMALIYA.

 

markii la,dhisey dowladii ugu horeysay ee loo dhiso soomaaliya oo hoos imaaneysay gumeystihii TALYAANIGA ra,isul wasaare ka,ahaa MARXUUM CABDULLAHI CIISE MAXAMUUD waxa ladhisey dowlada 29 febraayo 1956dii SHEEKH MUKHTAAR ayaa waxa uu ka,noqdey kuxigeenka WASIIRKA CADAALADA mudo kadibna wuxu nasiib u heley inuu noqdo wasiir buuxa isla wsaarada garsoorka wasirka cadaalada dooorashadii labaad ee ku loolameen labada MARXUUMADA CABDULAHI CIISE iyo MAXAMED XAJI IBRAHIM CIGAL dib ayaa loo doortey SHEEKH MUKTAAR

 

XURAYADII KADIB

 

1964tii sheekh mukhtar maxamed xuseen waxa loo magacaabey afhayeenka baarlamaanka soomaaliya xukumadii uu madaxweyne ka,ahaa Aadan Cabdulle Cusmaan tirada xildhibaan ee SH MUKHTAR u ahaa afhayeenka ayey ahyed 123 kursi oo xiliga kakoobna BAARLAMANKA SOOMAALIYA wuxu xilka hayey shan sano.

 

1967dii codeyntii madaxtinimo dhexmartey AADAN CADE iyo C/RASHID CALI SHARMARKE guuleysteyna C/RASHIID CALI SHRAMARKE wuxu si nidaam ah isugu duwey doorashada oo la,ogyahay si dumuqaraadiga ah u dhacdey waxa kamarnaa isqab qabsi eex iyo dood.

 

Sikastab SH MUKTAR M XUSEEN oo uu weheliyo C/RASHIID CALI SHARMARKE oo aha madxweynihii soomaaliya ayey waxay booqasho ku aadeen magaalada LAASCAANOOD taariiqdu markey aheyd 5tii OKTOBAR 1969 marki ay gaareen magaalada LAASCAANOOD waxa kadhacay halkaasi arin aad looga naxay laguna arag taariiqda umada soomaaliyeed mid kamid ahaa ilaalada gaarka aha madaxweyne C/RASHIID ayaa wuxu toogtey madaxweynaha oo xilaga isla taagnayeen SHEEKH MUKTAR M XUSEEN aaney jirin cid u dhaxaysey xabada marka ay haleeshey alle ah,unaxariistee C/RASHIID waxa ka horeeyey isku dey dil oo loo dhigey BOMB gaarigii agtiisa.

 

1968tii waxba kuma noqon waxaa goobta kasoo xanbaarey meydka C/RASHIID afhayeenkk baarlamaanka SHEEKH MUKHTAR wuxuna ka qeyb qaatey aaskii qaran ee loo sameeyey maalinka ladiley waxa aheyd 5tii oktobar 1969 ilaa 21oktobar xilka madaxweynimo waxa hayey si kumeel gaar ah SHEEKH MUKHTAR.

 

21,oktobar 1969kii afganbi lagu magacaabey INQILAAB AAN DHIIG KUDAADAN ayaa kula wareegen awoodii dalka ciidamadii meiteriga soomaaliya oo hogaaminayey MARXUUM MAXED SIYAAD BARRE oo isla markiib kudhawaaqey dowlad taasoo loo diidanaa in Digilmirifle ay noqdaan Madaxweyne qaran oo umadahogaamiya.

 

intaa kadib maamulkii cusbaa ee meliteriga ahaa wuxu guda galey inuu xir,xiro madaxdii dowlada uu inqilaabey waxyna noqdeen qaar uu xiro iyo kuwa kale XABSI GURI ayaa lagu xukumey SHEEKH MUKHTAR iyadoo lasoo agdejiyey ciidan ilaalo ah oo ilaaliya dhaq,dhaqaaqa siyaasadeed ee SH MUKHTAR.

 

wixi kadanbeeyey xukunkaasi wuxuu u badnaa gurigiisa da,adiisa oo hore ubadatey awgeed SHEEKH MUKHTAR MAXAMED XUSEEN wuxu noqdey howl gab intii mudo aheydn waxa uu kunoola magaalda MUQDISHO iyo BEER uu kulahaa GOBOLKA SH/HOOSE ayuu u dhaxeeyey hadana wuxu kunool yahay wadanka KENYA magalaada NAIROBI oo uu maanta ku geeriyooday.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalia   

" frameborder="0" allowfullscreen>

 

Geeri— Waxaa maanta geeriyoodey Gudoomiyihii u horeeyey ee Baarlamaanka Soomaaliya yeesho

Posted by Pi on June 12th, 2012

Nairobi– 12-june-2012– Pi– illaahay janadii haka waraabiyee waxaa maanta Nairobi ku geeriyoodey Sheekh Mukhtaar Maxamed Xuseen oo ahaa ninkii u horeeyey ee Gudoomiye Baarlamaan ka noqda Soomaaliya.

 

Geerida Marxuumka waxaa lagu wargalinayaa Ehelka iyo Shacabka Soomaaliyeed. Sheikh Muqtaar waxaa sanadkii 1965 loo doortey inuu gudoomiye ka noqdo Baarlamaanka Soomaaliya.

 

Wuxuu Alla ha u naxariistee maanta ku geeriyoodey Dalka Kenya isagoo gaarey Da’ahaan 100 sano jir.

 

Dhamaan howlwadenada Puntlandi.com waxay tacsi u dirayaan qoyska Reer sheikh Mukhtaar oyo shacabka Soomaaliyeed.

 

Illaah waxaan isna uga baryeynaa Jano waarta oyo dambi dhaaf.

Aaaaamiin

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this