Sign in to follow this  
Carafaat

Sillyland: Buug Ka Sheekaynaya Isirka Somalidu Xagay Kasoo Kala Jeedaan Oo Qorihii Buuga Xabsiga L

Recommended Posts

Carafaat   

Buug Ka Sheekaynaya Isirka Somalidu Xagay Kasoo Kala Jeedaan Oo Qorihii Buuga Xabsiga Loo Taxaabay Iyo Dadweynaha Oo Aragtiyo Kala Duwan Ka Bixiyay

 

Hargeysa, June, 4, 2012 (Haatuf) – Buug uu qoray muwaadin reer Somaliland ah oo magaciisa la yidhaahdo Axmed Ibraahim Cawaale, isla markaana agaasime ka ah NGO-ga wadaniga ah ee Candalight ayay Ciidamada amaanka xabsiga u taxaabeen habeenkii Jimicuhu soo galayay xilli Buugaasi uu qoray loogu daah-furayay xaflada loo sameeyay kadib, kaas oo la sheegay in saluug laga muujiyay nuxurka Buugaasi oo qoruhu ku faaqiday Isir ahaan xaga ay ka soo jeedaan beelaha Soomaalidu, isla markaana beelo Somaliland ka soo jeeda uu qaarkood sheegayo inay ka soo jeedaan qoomiyaha dega dalka Itoobiya qaarkood.

 

Qoraha buugaasi oo ugu magac daray Buugiisa Dirkii Sac-maalada, ayaa waxa uu kaga sheekaynayaa xagay ka soo jeedaan Soomaalidu Isir ahaan, sidoo kalena Badhxanka Isirka Soomaaliyeed la falgalay, Cadooyin iyo dhaqamo kala duwan oo dadka Soomaalida ku wajahan, waxaanu ku xusay beelaha reer Somaliland qaar ka mid ah inay ka soo kala jeedaan Ormada, Uraagada iyo qawmiyado kale.

 

Hadaba maalmihii u dambeeyay ayaa hadal haynta buugaasi Isirka Soomaalida uu kaga sheekaynayo qoraha buugu ayaa dadweynaha reer Hargeysa goobaha bar kulan sida makhaayadaha iyo Huteelada ay isugu yimaadaan ay aragtiyo kala dawun kaga bixinayeen waxyaabaha uu xambaarsan yahay Buugaasi oo xafladii lagu soo bandhigi lahaa qorihii Buuga ay Ciidanka Bilaysku xabsiga uga taxaabeen.

 

Ugu horayn Dayib Aadan oo ka mid ah waxgaradka reer Hargeysa oo wariye Haatuf ka tirsani aragtidiisa ku wajahan Buugaasi wax ka waydiiyey ayaa waxa uu yidhi “Ninka Buugaas qoray ee kaga sheekaynaya Isirka Soomaalida, xaqiiqda muu taaban, balse waxaan u arkaa Buugaasi mid uu mashruuc kaga qaatay cid imika aynaan garanayn oo lagu doonayo in bulshadan halka kaliya ee khalkhal laga dhex abuuri karo inay tahay xaga Beelaha oo la iskaga horkeeno qoraalo been abuura oo xambaarsan arrimo jiho habaabin ah, waxa uu ahaa qoraha buugu nin agaasime hay’adeed ah ilaa hadana ma garan karno waxa ka dambeeya, balse cid nacab ah uun baan u arkaa arrinkaa”

 

“Horta buugan ninka qoray isaga laftiisu beesha uu ka soo jeedo ee qaybo ka mid ah waxa uu ku sheegay xagaa iyo Itoobiya qawmiyadaha dega qaar ka mid ah inay ka soo jeedaan, markaa horta buugiisa waxaad moodaa buug si kale ah, laakiin hada wuu xidhan yahay, markaa beesha uu ka soo jeedo ayaa-ba ogol in ninkaasi xidhnaado, sababo xaga amaanka ah awgeed, waayo looma baahna in qalinka iyo waxaad qoraysaa abuuro waxyaabo amaan daro keeni kara” sidaa waxa yidhi mid ka mid ah dhalinyarada reer Hargeysa oo sheegay in ninka buuga qoray ay isku beel ka soo wada jeedaan oo magaciisa ka cudur daartay in la shaaciyo.

 

Sidoo kale dad farabadan oo ka mid ah bulshada reer Hargeysa ayaa dareen sas leh ka bixiyay Buugaasi, waxaanay sheegeen in buugaasi yahay mid dadkan lagu doonayo inay dhexdooda buuq ka abuurmo, isla markaana ay ka abuurmaan amaan daro. ***

Share this post


Link to post
Share on other sites
Carafaat   

Reer waqooyi have silly tendencies. Why arrest a writer who wrote a book on ethnomology? Who cares if he questions the theory on Sheick of the Duriyad. If you disagree write your own book.

 

Truly silly. It makes me wanna read this 'forbidden' book. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Carafaat   

Che -Guevara;838329 wrote:
Questioning the silly story of Arab Sheikh impregnating local women is crime now?

 

There is only one book forbidden in Holland. And that book is called 'Mein Kamf' wrote by Adolf Hitler. I read it immediatly when my teacher in high school told me it was forbidden.

 

Mr.Cawaale is no Adolf Hitler but I am sure just as many will read the book. :D

 

P.S. Che, the book states some Somali's being related with Ethiopians,

That should excite you . :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Carafaat   

waxaanu ku xusay beelaha reer Somaliland qaar ka mid ah inay ka soo kala jeedaan Ormada, Uraagada iyo qawmiyado kale.

:D I suspect that maybe even one or two clans might be linked to Amhara's.

 

In Somaliland he is regarded as the Somali version of Hitler. I expect book burnings soon. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

You calling a whole country silly because they arrested some dude who was bored and wrote some gibberish nonsense.

 

Buug ba la qora bu iska maqlay

Share this post


Link to post
Share on other sites
Carafaat   

Adeer Xaaji Xunjuf,

 

We seldon agree. But on this one you are wrong old man. The man is an intellectual, he has done no crime, expressed no oponion, said nothing about politics or state matters, he is no goverment employee who violated rules, he insulted nobody. He is a outstanding citizend who has committed two decades building schools, health facilitaties, enviromental works and build the biggest, most reliable and most transparent NGO in Somaliland. Winning awards from Hillary Clinton and even declined to go himself out of sheer modest.

 

His only crime was doing a historic research on ethnopology or antropology and write a book about it.

 

If you or the goverment disagree's with his research work. The normal course would be to come with a own hypothesis or antithesis in this case, publish it and prove the man wrong.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Hadduu ku sheegi lahaa Carab, Ingiriis iyo meelo kale kasoo jeedaan, taloow isla saldhigaas maa loo taxaabay lahaa? Hmm...

 

Ma moodi in reer Soomaaliyeed Xabashi meel iska galaan ka sakoow Xaawo iyo Aaden. Soomaalida inay meel gisho maxaa loogu ordaa. Dadkaas iyagaa naga soo jeedo, not vice versa. Anagaa ka farac weyn maadaama iyaga mixed yihiin oo Semitic sheegtaan and we are not.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Carafaat;838384 wrote:
Adeer Xaaji Xunjuf,

 

We seldon agree. But on this one you are wrong old man. The man is an intellectual, he has done no crime, expressed no oponion, said nothing about politics or state matters, he is no goverment employee who violated rules, he insulted nobody. He is a outstanding citizend who has committed two decades building schools, health facilitaties, enviromental works and build the biggest, most reliable and most transparent NGO in Somaliland. Winning awards from Hillary Clinton and even declined to go himself out of sheer modest.

 

His only crime was doing a historic research on ethnopology or antropology and write a book about it.

 

If you or the goverment disagree's with his research work. The normal course would be to come with a own hypothesis or antithesis in this case, publish it and prove the man wrong.

 

Nonsense on you're part again this man questioned and insulted huge sections of Somaliland and questioned their ancestry. The ancestry of the peoples of Somaliland is no joke how do you know he did a research did you read his book? No you didn't you base you're opinion on the news outlet of haatuf.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this