Sign in to follow this  
General Duke

Istanbul Conference ready to open.......(TFG, Puntland, Galmudug, Ahlu Suna,) present

Recommended Posts

PM_Somali_Turkey1.jpg

 

Dalka Turkiga waxaa maanta lagu wadaa inuu kafurmo Shirkii looga hadlaayo aayaha Dalka Soomaaliya,kaas oo ay ka qaybgalayaan dhinacyada Siyaasada Soomaaliya.

 

Shirkaa ayaa waxaa ka qaybgalaya ilaa iyo 50 dowladood oo daneeya Arimaha Soomaaliya kajira inay lug ku yeeshaan.

 

Wararka ayaa sheegaya in shirkaan looga hadli doono marxalada wadanka Soomaaliya, iyo waliba sida xiligaan xal waara loogu heli karo iyo sida ugu fudud ee looga bixi karo xiliga KMG ah.

 

Sidoo kale waxaa looga hadli doonaa Kulankaan habraaca xiliga kala guurka iyo waxyaabaha u qabsoomay dowlada Soomaaliya iyo waxa loo baahanyahay in xiligaan la dhameestiro.

 

Dhamaan lixda Saxiixayaasha habraaca marxalada kala guurka ayaa kawada qaybgalaya Shirka,waxaana kamid ah Madaxwaynaha Dowlada Soomaaliya Shariif Sheekh Axmad,Madaxwaynaha maamulka Puntland C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroole,Ra’iisul wasare Gaas ,Madaxwaynaha Maamulka Galmudug Maxamed Axmad Caalim’ iyo Ergo ka socoto Soomaaliland,Qaramada Midoobay.

 

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Mr Bank Moun ayaa sidoo kale ka qaybgalaya Shirka,kuna sugan Dalka Turkiga.

 

Dhinacyada Siyaasada Soomaaliya ayaa shirkaan kii ka horeeyay waxaa ay ku qaateen Dalka Ingriiska.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Shirka Istanbul oo maanta furmaya

Updated About:1 hour ago0

 

Shirweynaha Istanbul ee loogaga hadlayo xaalada Soomaaliya ayaa lagu wadaa inuu maanta halkaasi ka furmo kadib marki ay dalka Turkiga wada gaareen madaxda caalamka iyo hogaamiyaasha Soomaalida.

 

Shirkani oo ah mid laba maalin ka socon doona magaalada Istanbul ee dalka Turkiga ayey dowlada Turkiga isku dayi doontaa in ay mar kale kusoo jeediso indhaha caalamka dalka Soomaaliya kadib marki sanadki 2011 si weyn oo walaaltinimo leh ugu soo gurmatay abaarihi ku dhiftay.

 

Hogaamiyaasha dhaqan, ganacsatada, qurba joogta iyo kooxaha ururada bulshada rayidka ah ayaa iyaguna goob joog ah oo ka qeybgalaya.

 

Waxyaabaha la filayo in lagu lafa guro ayaa waxaa ka mid ah dhameynta waqtiga kumeel gaarka ee dowlada ay taageerto Qaramada Midoobay oo lagu wado in waqtigeedu dhamaado bisha August.

 

Ajandaha loogaga hadli doono shirka waa mid la mid ah ajandayaashii lagu soo lafa guray shirarki waaweynaa ee horay loogu soo qabtay dalal kala duwan ee ay dhawaanahaan madaxda Soomaalida yeelatay.

 

Laakin Turkigu ayaa aad loogu raja weyn yahay inuu ka duwanaan doono dalalki hore usoo marti geliyey shiradka Soomaalida, sababtoo ah aad ayey uga go,antahay isbadal sax ah oo ku yimaada siyaasada Soomaaliya.

 

Inti lagu guda jiray abaarti sanadki hore garaacday Soomaaliya waxaa booqasho taariikhi ah ku yimid ra’isulwasaare Recep Tayyip Erdogan iyo xaaskiisa, waxa uu noqday Erdogan hogaamiyihi ugu horeeyey oo ka baxsan Qaarada Africa oo Muqdisho booqda mudo 20 sana ah.

 

Wixi markaasi ka danbeeyey Turkey waxa uu ka bilaabay Muqdisho mashaariic xaga horumarinta ah sida dayactirka dhismooyinka, wadooyinka, iskuulada iyo isbitaalada.

 

Shirkaan waxaa ka qeybgalaya madaxda dowlada KMGS, hogaamiyaasha maamulada Puntland, Somaliland, Galmudug iyo ergoo ka socota ururka Ahlu Sunna Waljamaaca.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Shirka Istanbul II ayaa maanta lagu wadaa inuu furmo, kaasoo ay ka qeyb galayaan Madaxda Soomaalida, dalal ka tirsan Caalamka, iyadoo shirkan uu yahay mid looga hadlayo arrimaha Soomaaliya.

 

Turkiga oo si weyn xilligan ugu leh arrimaha Soomaaliya, ayaa doorkiisa sii muuqanayay tan iyo markii sanadkii hore abaarihii iyo macluushii ka jirtay Soomaaliya, xilligaas oo Ra'iisul Wasaaraha Turkiga iyo qoyskiisa ay booqasho ku yimaadeen Magaalada Muqdisho.

 

Laakiin ahmiyada u yeelan doono shirkan ayaa ka duwanaan doonta arrimaha gar gaarka bani'aadanimada oo uu xilligan Turkiga kaalin muuqata uu ka ciyaarayo, waxaana arrimaha hada qeyb ka ah ammaanka, siyaasada iyo dhisida hey'adaha dowladda.

 

Shirka Istanbul II oo kii ka horeeyay lagu qabtay sanadkii 2010 ayaa waxaa ka qeyb galaya Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Ban Ki-moon, Ra'iisul Wasaaraha Turkiga Reccep Tayyib Erdogan iyo Dalalka daneeya arrimaha Soomaaliya.

 

Inkastoo shirkii saddexdii maalmood socday ee ay lahaayeen Ururada Bulshada iyo Odayaasha dhaqanka la soo gaba gabeeyay, hadana go'aanadii iyo talooyinkii ka soo baxay ayaa la horgeyn doonaa shirka maanta dhici doona, kaasoo intiisa badan ay noqon doonaan ajandayaasha looga hadlayo kuwii ay soo lafa gureen madax dhaqameedyada iyo qeybaha bulshada.

 

Shirkan ayaa soconaya muddo labo maalin ah, waxaana qorshuhu yahay in go'aamo dhaxal gal u ah horumarinta mashaariicda iyo kaabayaasha dhaqaalaha ay hormuud u noqdaan inay ka soo baxaan, maadaama Soomaaliya hey'adaha ay ka bur bursan tahay ay ugu weyn yihiin kuwa kaabayaasha dhaqaalaha.

 

Madaxda Soomaalida, gaar ahaan kuwo loogu yeero Saxiixayaasha Road Map-ka ayaa shirka ka qeyb galaya, hogaamiyeyaasha dhaqanka, siyaasiyiin, ganacsato, oo Turkiga doonayo inay masiirka umada ka hadlaan

Share this post


Link to post
Share on other sites

Excellent and great success, all Somali stakeholders present and the great brotherly nation of Turkey at the forefront seat, there has never been a better day for Somalia and the Somali people since the start of the civil war.

 

 

This is a great opportunity for us, all Somalis, and should be harnessed to the optimum.

Share this post


Link to post
Share on other sites
NGONGE   

^^ First day, they'll talk business (water, resources, building, etc). Second day, they'll talk about the transition.

Share this post


Link to post
Share on other sites
N.O.R.F   

^I think some good will come out of it (and I hope it does) but, Somalis being Somalis, as soon they all land back on home soil is where things will get interesting. Who is happy, who isn't, who was promised what etc will all come out.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Carafaat   

Inshallah kheyr. The Turks are some patient people, lucky for us. they waited 40 years as a candidate EU member states when Europe was only 7 or 8 countries, nowdays EU consist of 27 countries and they are still waiting paitiently.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Mario B   

ElPunto;836607 wrote:
The agenda is: how to facilitate neo-ottoman colonization of Somalia.

And is that a bad idea, I would rather take that option than the colonization of Somalia by either Ethiopia or Kenya!!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this