Sign in to follow this  
Fiqikhayre

Puntland and Galmudug Withdraw Participation at Istanbul Conference II on Somalia Joint Statement

Recommended Posts

AYOUB   

Fiqikhayre;834738 wrote:
Puntland and Galmudug say Turkey conference is 'politically motivated'

Duh!*

Share this post


Link to post
Share on other sites
Mario B   

Fiqikhayre;834771 wrote:
Moonlight Turkey is taking sides, that's what you don't seem to get!

And what is the proof for your wantom statement, do people just say whatever prejudicial feeling they have on an issue without backing it with at least some facts!!

Share this post


Link to post
Share on other sites

MAAMULKA AHLUSUNNA WALJAMAACA EE SOMALIA
ASWJ



(WARSAXAFADEED)



Maamulka Ahlusunna Waljamaaca waxa u hakiyay ka qaybgalka Shirka Istanbul

Maamulka Ahlusunna Waljamaaca waxaa uu hakiyay ka qaybgalka shirka Magaalada Istabuul ee
wadanka Turkiga ka dhacaya 31 may ila 1 june 2012.

Hadi anu nahay Maamulka Ahlusunna Waljamaaca ee wadanka Somalia waxanu go'ansanay in
aanu hakino ka qaybgalka shirka ka dhacaya wadanka Turkiga sababaha hoos ku xusan dartood .

1.Ahlusunna Waljamaaca waxay horay uga dooday qabka bulshada rayidka ah ay uga qayb galayso
Shirka Istanbul waxaayna soo jeedisay in xubnaha bulshada rayidka uga qayb galaya shirka
Istanbuul laga keeno guud ahaan gobolada Somalia amaba lo qaybsado habka dowlada kmg ah ay
ku dhisantahay ee 4.5 si dhinacyada kala duwan ee somalida ay iskaga dhex arkan.

2.Waxaa jiray shir Magaalada adis ababa nagu dhexmaray Masuuliyin ka socota Turkiga waxana u
gudbinay in dowlada turkiga ay hakiso dhoofinta odayaasha dhaqanka iyo bulshada rayidka inta la
xalinaayo isfahan waaga ka jira.

3.Waxaan Turkiga u dirsanay gudi wada jir ah oo Dowlada Turkiga kala xajooda sidi ay dib ugu
dhigilahayd safrinta odayaasha dhaqanka iyo bulshada rayidka.

Dhamaan qodobadaas kor ku xusan ee anu ka dalbanay Dowlada walaalaha anu nahay ee Turkiga
nagamaysan aqbalin waxaayna si toos ah u dhofisay odayaasha dhaqanka iyo xubno ka socda
bulshada rayidka oo aan la aqoon meel ay ka socdaan iyo gobol ay matalaan.

Sida daraad hadi anu nahay Maamulka Ahlusunna Waljamaaca ee Somalia waxaanu hakinay ka
qaybgalka Shirka Istanbuul.

7286366776_8a1d155fdb.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

LONDON: Aqoonyahanada Reer Puntland ee Uk, oo Taageerey Goaanka Dowlada Puntland ee Shirka Istanbul Conference kaga noqtey.

 

May 28, 2012 10:02

 

London: (pp)- Caawa oo ay bishu tahay 27/5/2012, Waxaa Teleconference isagu yimid aqoonyahanada Puntland ee Uk ku dhaqan iyagoo ka dooday mowqifka Dowlada Puntland ey ka qaadatay shirka Istanbul ka furmaya iyo qaabka shirka loo maareeyay. Waxaa si qoto dheer looga doodey Ajanadaha shirka iyo qaabka ey Dowlada Turkey u maareysay iyo casumaada ay fidisey, waxana sidoo kale la isla soo hadal qaadey cida shirka ka qeyb-galeysa sida Qurbajoogta iyo ururada Arimaha Bulshada, waxana la isla-qirey 99% dadka ka qeyb-galaya shirka iney yihiin dad kasoo jeeda Mogadishu.

 

Aqoonyahanka Puntland oo taageeray go'aankii Puntland ay kaga soo horjeesatay Shirka Stanbul

Sidoo kale Aqoonyahada reer Puntland ayaa falan-qeeyay Siyaasada Dowlada Turkey ee ku wajahan Soomaaliya, waxana soo baxdey in Dowlada Turkey eysan dhex-dhexaad ka ahayn arimaha Soomaaliya, xaga Horomarka Waxbarashada iyo Mashaariicda, Xili Dowlada Puntland iyo shacabkeeda laga qadiyay Mashaariicda horomarineed ee dowlada Turkey ugu deeqdey Somalia, waxaa sidoo laga doodey mowqifka Qurbajoogta Puntland ee Turkey, iyadoo la isla soo qaadey kulamo lala-yeeshay Safiirada Turkey dalalka reer Galbeedka loona gudbiyay ahmiyada Puntland iyo u xaq soorida shacabka Soomaaliyeed.

 

Hadaba waxaan goaan saney inaan qaadano talaabooyinka soo socda.

 

A) Waxaan si-cad u taageereynaa Mowqifka Dowlada Puntland iyo shacabkeeda ee ka dhan ka ah Shirka Istanbul.

B) Waxaan si-cad uuga soo horjeednaa in la marin-habaabiyay shirka, isla markaana la casumey dad kasoo wada jeeda Mogadishu ee lagu astaameeyay ururada Bulshada Qurbjoog, taasina eysan ahayn Cadaalad.

 

C) Ugu danbeyn waxaan Dowlada Turkey ee aan Walaalaha nahay ka codsaneynaa iney dib u eegto Siyaasadeeda ku wajahan Soomaaliya, waxaan sidoo kale lee nahay Dowlada Turkey waa iney Cadaalad iyo xaq soorid u sameysaa ummada Soomaaliyeed, Xaga Waxbarashada Mashaariicda Caafimaadka Dhismayaasha iyo dhamaan horomarinta Guud ee Somalia.

 

Aqoonyahanka baaqa taageerada soo saaray:

 

Prof Axmed Jaamac Cilmi

Prof Mursal Xassan Khaliif

Prof Yuusuf Shire Bare

Dr Jaamac Ahmed Nuur

Dr Saalax Muumin

Dr Faarax Axmed Bari-Bari

Eng Amed Yuusuf Dhoolayare

Eng Khaliif Ashkir Hure

Eng Samatar Cilmi Joore

Eng Axmed Faarax Dhuubane

Avv. Bare Axmed Qalinle

Avv. Muuse Cumar Dhoodi

Avv. Ciise Yuusuf Xoosh

Col. Cumar Yuusuf Sanyare

Col. Idris Suldaan Axmed

Col. Jaamac Warsame Muuse

Col. Khaliif Shire Shanfool

Col. Axmed San-dheere

Aqoonyahan, Baashi Axmed Huruuse

Aqoonyahan, Dalmar Yuusuf Maax

Aqoonyahan, Yuusuf Axmed Dhurwaa

Aqoonyahan Khaalid Aw-cali Sanyare

Aqoonyahan Bare Muuse Faras-cade

Aqoonyahan Kaarshe Axmed Cilmi

Aqoonyahan Liibaan Diiriye Axmed

Aqoonyahan Ismaaciil Maxamed Maxamuud

Aqoonyahan, Bashiir Kabayare.

 

Waxaa baaqan Puntlandpost soo gaarsiiyey

 

Mahamed Ahmed Isticmaar

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xogta iyo ajandaha dhabta ah ee shirka Istanbul

 

Magaalada Istanbul waxa ka socda shir Turkigu isugu yeerey odayaasha iyo xubno bulshada rayidka Somalida ah ,waxana muuqata faragelinta xulida xubnaha ka qaybgalaya iyo weliba sida ay ugu dhexmuuqdaan ururo iyo kooxo siyaasadeed oo dano gaar leh fushanaya.

 

Waxa na soo garey nuqul kamida ajendaha shirka oo la sheegey inay ka qaybgalayaan 300 oo qof 135 kamida waa odayaal dhaqameed Muqdisho diyaarad loogu soo direy islamarkasina u baqooley dhanka Istanbul iyaga oo aan wax ogolaansho iyo la tashi ah kala yeelan arrintaasi dadka ay matalayaan,maamulada iyo meelaha ay ka yimaadeen iyo weliba umadda Somaliyeed.

 

Halka 165 kale la sheegey inay isugu jiraan aqoonyahano,ganacsato,dhalinyaro ,haween culimo iyo qurbajoog oo sidii odayaasha oo kale laga soo diyaariyey xafiis gaar ah,waxana ay isugu jiraan dad dibad joog ah oo siyaasada dalka aan ka war hayn iyo kuwo ku jira urur diimeedyada dalka ku hardamaya.

 

Magacyada lagu casumey shirka waxay isugu jiraan rag horey ugu soo fashilmey siyaasada Somalia qaybna ka ahaa dowladihii dalka soo marey,ururo haatan u hanqaltaagaya maamulka dalka hanashadiisa iyo kuwo darajooyin ku qaatey colaada dalka ka aloosan iyo weliba rag Baydhabo fadhiyey oo Al-shabaab ka tirsan.

 

Halkan waxaan idiin ku soo gudbineynaa qaar kamida magacyada xubnaha lagu casumey shirka Istanbul:

 

Cadar Aadan (American Refugee Council),Dr.Maxamed Shiikh Axmed Doodishe ,Cabdulaahi Abuukar (Manhal Charity)Sahra Cali Xasan,Dr.Aadan Xaaji Ibraahim(Wasiirkii hore ee caafimaadka),Amiin Caamir,Axmed Naaji Sacad ,Cabdi Shire Jaamac Jooqle,Aamino Muuse Weheliye,Zakia Huseen ,Prof.Cabdulaahi Cismaan,Cabdiqaadir Aadan Cabdul, Abdirisaaq Xuseen,Gen.Axmed Jaamac ,Maxamed Shariif iyo odayaasha qaar oo soo jeedinaya kalmado,Dr.Cali Baashi ,Sh. Saalax Shiikh Ibraahim,Sh. Cabdiraxman Maxamed,Shiikh Cabdiqaadir Somow ,Xasan Mahadalah, Amira Axmed ,Cabdulaahi Abyan,Najma Cabdi ,Abuukar Arman,Gen.Ahmed Jaamac (Former Police Chief),Prof.Yusuf Axmed Nuur,Cabdi Maxamed Abtidoon (Wasiiru dowlihii hore ee gashaandhiga),Sahra Cali Samatar,Zakiya Huseen ,Mustaqim Waid,Nimco Ahmed ,Hindiya Cali,Cadulaahi Cismaan,Maxamed Cumar Maxamed Ladan Caafi,Maxamed Diini,Prof.Cabdulaahi Bariise ,Cabdikarin Xuseen Guleed,Dr.Cali Ciise Cabdi,Xaliimo Ismaacil.

 

Fiiro gaar ah magacyada kor ku xusan waa inta soo jeedinada ku leh shirka Istanbul.waxa jira ururo sigaar ah u dhex muuqda sida Samsam Foundation oo qaabilsan fulinta mashaariicda Turkiga Muqdisho.Hiil Qaran ,Tayo ,Khaatumo, Aala Shikh iyo kuwo kale oo ku caanbaxay inay ka soo horjeestaan habsami u socodka geedi socodka nabada Somalia.

 

Booqashadii Turkiga wasiirkeeda koowaad kadib waxay ku dhawaaqeen inay Somalia ka fulinayaan mashaariic horumarineed balse waxa laga dhacsiiyey in Somalia ay tahay hal magaalo iyo hal qabiil oo qura oo waxay soo dhaafi kari waayeeen xayndaabkii Muqdisho.

 

Il wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa sheegey in ku dhowaad 300 oo Milyan Doolarka Maraykanka uu Turkigu ugu deeqey Somalia balse lacagta tiradaas dhami gacanta u gashey ururo iyo magacyo gaar ahaaneed oo ku fushadey danahooda.

 

Shalay ayaa war-murtiyeed si wadajir ah u soo saareen Puntland iyo Galmudug waxay kaa biyo dideen shirka Istanbul kadib marki ay arkeen faragelinta lagu sameeyey shirkan iyo weliba inaan danta Soomaliyeed lagu hayn halkaasi oo dadka siyaasada qaarkood ku tilmaamayaan in lagu wado qorshe cusub siiyasada Somalia mid lagu unkayo waana mid dhaawaceysa waxna u dhimeysa geediga loogu jiro haatan in dowladd Somaliyeed la helo Aug2012.

 

Garowe Online

Share this post


Link to post
Share on other sites

Bulshada weynta Puntland oo dawlada ku taageertay qaadacaada Shirka Turkiga.

 

Puntlandi on May 28th, 2012

 

Garowe(Puntlandi.com):- Iyadoo maalinimadii shalay ahayd ay dawlada Puntland qaadacday Shirka Turkiga iyadoo u cuskatay in aysan Macluumaad badan ka hayn ajanydaasha shirka iyo xubnaha ka qaybgalaya oo aan ahayn shaqsiyaadkii saxda ahaa ee matalayay bulshada Soomaaliyeed.

 

Dadweynaha Puntland ee magaalooyinka kala duwan oo aad u farabadan ayaa warbaahintu la dhexmartay Macroofanka waxayna badankood si qeexan u muujiyeen taageerada dhabta ah ee ay la garab taagan yihiin dawlada Puntland maadaama ay fikir ahaan iyo Ficil ahaanba ay ku matasho.

 

Dadweynuhu waxay shaaciyeen in ay haboontahay in laga wada shaqeeyo danta umada Soomaaliyeed iyadoo la raacayo wadadii nabada iyo kala dambaynta Soomaaliya lagu soo celin lahaa, lakin shirkani ay ula muuqato mid soomaalida lagu kala kaxaynayo, dhexdeedana looga abuurayo khilaafyo cusub oo ka badna kuwii hore.

 

Shacabka kala duwan ee magaalooyinka Puntland oo isku aragti ka taagnaa shirkan Turkiga ayaa tilmaamay in shirkani uu yahay mid aan u cuntamin umada Soomaaliyeed sidaas darteedna aysan taageersananayn qaabab hor leh oo loo marayo kala qo-qobnaanta Umada.

 

Arrintani ayaa imaanaysa xilli maalinimadii shalay Madexweynayaasha Puntland iyo Galmudug ay si cad u qaadaceen Shirka Turkiga ka furmaya kuna tilmaamay mid aan umada Soomaaliyeed u qalmin.

 

www.Puntlandi.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweyne Faroole oo sharaxaya sababta ay Puntland,Galmudug iyo Suna wal jameeca u qaadaceen Shirka Istanbul

 

Posted by Pi on May 28th, 2012

 

Axadii shalay ahayd ayaa Dowlada Puntland iyo Galmudug waxay si wada jir ah u qaadaceen shirka Istanbul ka dhici doona 31 bishaan iyagoo sabab uga dhigey faragalin iyo marin habaabin ay Dowlada Turkigu ku wado Roadmapk-ka, dhinaca kale xalay ayaa Suna Waljameeca ku dhawaaqeen inay iyana qaadaceen shirka, Madaxweyne Faroole wuxuu sheegey inaysan xitaa TFG aysan la socon ajandaha shirka balse ay jiraan dad kale oo magaca Rayidka huwan ay feer ordayaan shirka, waxaa dadkaas ka mid ah sida ay Madaxweyne Faroole iyo Caalim sheegeen dad xagjir ah.

 

Warbaahinta Puntlandi.com ayaa mar dhow waxaa soo gaaray warbixin ku saabsan qorshaha Turkigu wataan, cida ka dambeysa iyo meelaha lagasoo abaabuley iyo waliba meelka dhac weyn oo lagu sameeyey Odoyaal dhaqameedyada, maanta ayaan soo bandhigeynaa Warbixintaas, inta ka horeyso dhagayso Madaxweyne Faroole iyo madaxweyne Caalim oo sharaxaya sababta ay shirka u qadaceen.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Mario B   

Xaaji Xunjuf;835061 wrote:
So 3 stake holders are not attending Puntland the Galmudug and the Ahlsuna sufis, only the TFG will attend the conference.

I think it's the time we had one President representing all Somalis in an International conference, enough of these presidential groupies in the international stage that look more like a circus than dignified politics. So President Sharif and PM Gaas are enough, I believe. Sakiin can stay home too, he is a lame duck speaker!:D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Mario B;835067 wrote:
I think it's the time we had one President representing all Somalis in an International conference, enough of these presidential groupies in the international stage that look more like a circus than dignified politics. So President Sharif and PM Gaas are enough, I believe. Sakiin can stay home too, he is a lame duck speaker!
:D

True but here is the problem the 3 entities Galmudug and Puntland and the Ahlsuna are all stakeholders and part of the so called road map and the conference is also about the road map and ending the transition. When coming back this could cause some problems.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madex-dhaqameedka Puntland oo taageray qaadacaadii Shirka Turka ee Madexweyne Faroole.

Posted by Puntlandi on May 28th, 2012

Garowe(Puntlandi.com):- Madex-dhaqameedka Puntland ayaa taageray qaadacaadii Shirka Turka ee Madexwda dawlada Puntland xilli inbadan oo ka mid ah ay shalay ka baaqdeen socdaal ay ugu duuli lahaayeen Wadanka Turkiga.

 

Garaad Maxamed Cilmi shirwac oo ka mid ah Isimada Puntland oo warbaahinta gudaha maanta la hadlay ayaa sheegay in Isimada Puntland ay ka laabteen go’aankii ay uga qyabgali lahaayeen Shirka Turkiga islamarkaan ay dawlada Puntland la qaateen go’aanka ay ku dhawaaqday.

 

Garaadku wuxuu tilmaamay In aysan ka qaybgalayn shirkaasi, madmadaw ka jira ajandayaasha iyo waxyaabaha looga hadlayo awgiis, wuxuuna xaqiijiyay in aysan u suurtagalin isku dayo farabadan iyo dadaal ay ku bixiyeen in ay ku ogaadaan ajandayaasha shirka iyo xaqiijinta dadka lagu marti qaaday in ay yihiin kuwii rasmiga ahaa ee umada Soomaaliyeed matalayay.

 

Garaad Maxamed Cilmi shirwac oo si qoto dheer uga hadlay shirkan Turkiga iyo mawqifka Isimada Puntland ayaa sheegay in Isimada Turkiga Tagay ee reer Puntland aysan xog buuxda ka hayn shirka loogu yeeray islamarkaan si kale oo aan xaqiiqda ahayn wax looga dhaadhiciyay.

 

Garaadku wuxuu xaqiijiyay In ay jirtay qondo ahayd in qaar ka mid ah isimada Puntland la doonayay in ay malinimadii shalay Turkiga u duulaan si ay uga qaybgalaan shirkaasi lakin ay baaqdeen markii ay isla qaateen in shirkaasi in suusan ahayn mid umada Soomaaliyeed u qalma wanaageeda looga hadlayo.

 

Garaadka oo qaadacaada shirkan iyo taageerida mawqifka dawlada Puntland ka hadlay waxaa uu yiri “Muqdisho wixii aan tagnay kuma aanan arag, naloomana soo gudbin sidii aanu rajaynaynay, ka isimo ahaana waanu ka midaysanahay shirkaasi, haatan Isimada shirka tagayna si kalaa wax loogu sheegay, laakin xogta dhabta ah ee aan idinsiinayo waxaa weeye waxa Puntland ay ka biya diiday waanu ka biya diidnahay”.

 

Garaad Maxamed Cilmi shirwac wuxuu sheegay in uu ka mid ahaa Madexdhaqameedka lagu martiqaaday shirka Istanbuul wuxuuna carabaabay in aanMadex-dhaqameedkan loo soo bandhigin waxa uu shirku ku saabsan yahay wuxuuna yiri “iyadoo dareenkaasi uu nagu jirtay ayaa go’aanka Puntland soo baxay anaguna waanu taageernay maadaama Wax noo cuntama uu noqon waayay, waana ku raacsanahay taasi Madexda dawlada Puntland”.

 

Arrintanina waxay imaanaysaa xilli shacabka Puntland oo midawsan ay si wada jir ah maanta u taageereen mawqifka dawlada Puntland ay ka istaagtay shirka Istanbul ee Turkiga, waxaana suurtagal ah in xilliyada inagu soo aadan ay banaanbaxyo arrintan la xiriira ka dhacaan magaalooyinka Puntland.

 

www.Puntlandi.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

THE Agenda of the TURKEY conference has been released together with the Participants.

 

THE STANBUL GATETHING OF THE SOMALI CIVIL SOCIETY

FINAL AGENDA

 

Sunday, May 27, 2012 - Saturday, June 2, 2012

 

Attendance is limited to the invited guests only

 

The Istanbul Gathering of the Somali Civil Society Conference brings together about 300 diverse

members from all walks of life, from different regions of the country and with all political

persuasions. Among this is the 135 elders that are expected to select the future parliamentarians

of Somalia. The conference also brings together 165 members from academia, professionals,

business leaders, youth, women's groups and religious scholars. Moreover, members of Somali

diaspora from different parts of the world (Australia, Europe, North America, Asia and Africa)

will participate in the Istanbul Conference.

 

1

 

Objectives of the Istan bul Conference

 

The objective of the conference is to simply give the sectors of the Somali people - Traditional

Leaders, Islamic Scholars, Academics, Civil Society Groups and Diaspora representatives - a

neutral political space to think clearly and collectively about the future and best interests of their

country in advance of the International Conference on Somalia in Istanbul on May 31 st - June

2nd, 2012.

 

The conference is expected to address multiple and complex issues. Among the issues on the

agenda are: establishing security, strengthening political institutions, social and economic

development, transitional justice, and the role that various groups such as elders, religious

groups, women, youth, artists and elders can play in building durable peace and functioning state

in Somalia.

 

Keeping the short time and the complexity of the Somali issues in mind, the conference is

expected to address most of the important issues. Please note that each panel/round table will

address a set of questions.

 

Expected Results

 

1. To provide Somalis a forum where they can freely discuss among themselves on issues

that are important to them.

 

2. To explore the challenges Somalis face and the responses that are appropriate in dealing

with these challenges.

 

3. Somalis identify their own solutions, priorities and the type of help they need in order to

take their position in the community of states.

 

4. Enhance the understanding of Turkey on issues of security, politics, humanitarian and

development of Somalia.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Saturday, May 26, 2012

 

Arrival of Delegates and Registration

 

DAY ONE

 

Sunday, May 27, 2012

 

09:15 -11:00 Panel 1: Welcome from the Hosts

 

Minister of Foreign Affairs of the Republic of Turkey HE Ahmet Dovutoglu will welcome the

guests and encourage Somalis to identify and discuss their own issues freely and respectfully.

Remarks from the Guests

 

Speakers: Abdi Bile Abdi, General Ahmed Jama, Abdulkadir Adan, Ambassador Mohamed

Sharif, Zakia Hussen, Professor Mohamed Mukhtar, and Five Traditional Elders Will Make

Short Remarks.

 

11:00 - 11:30 Coffee Break

11:30 -13:00 Panel 2: Addressing the Humanitarian Crises

 

Keynote: Amino Haji Elmi

 

Chair: Adan Adar

 

What are the realities on the ground now? Has the famine ended? Turkey's approach in handling

the famine crises was praised. What are the lessons from this approach? How can the issues of

the IDPs be approached? What are the long term responses to the re-occurring famine crises?

 

Adan Adar (American Refugee Council), Dr. Mohamed Sheikh Ahmed Dodishe, Abdullahi

Abukar (Manhal Charity), Sahra Ali Hassan and Dr. Adam Haji Ibrahim (Medical Doctor and

the Former Minister of Health)

 

13:00 - 14:30 Lunch Break

14:30 - 16:00 Panel 3: Media, Literature and Peace

 

Chair: Abdullahi Haji

 

What is the record of the artists, poets and media professionals so far? Have they contributed to

the conflict? What role can the poets, singers and artists play in building peace in Somalia?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Amin Amir (Cartoonist), Ahmed Naji Sa 'ad (Singer), Abdi Shire (Poet and Composer from

 

Qeylo-Dhaan Band), and Amina Muse Weheliye (Well-known journalist), Zakia Hussein

16:00 - 16:30 Coffee Break

 

16:30-1800 Panel 4: The Role and Responsibilities of Traditional Elders

 

Chair: Professor Abdullahi Osman

 

What is the role and responsibilities of the traditional elders in Somali politics? Should their role

be institutionalized? What can they do in selecting the MPs? How can they contributing to the

peacebuilding process?

 

Professor Abdullahi Osman, Abdulkadir Aden Abdulle, HE Abdirizak Hussein, General Ahmed

Jama, Mohamed Sharif. The elders will have the opportunity to participate in the session.

 

DAY TWO

 

Monday 28, 2012

 

09:15:- 11:00 Panel 1: Islam, Somali Culture and Reconciliation

Chair: Professor Mohamed Muse

 

Keynote: Sheikh Bashir Salad (Chair of the Council of the Religious Scholars)

What role will Islam play in Somali politics? Should force be used in order to achieve power?

How do Islamists want to deal with other Somali forces? What is the position of the Islam if

Somali people are allowed to elect their own leaders? Can Somali Islamist groups learn from

,I

Turkey? How to deal with Al-Shabaab?

Speakers

 

Dr. Ali Bashi, Sheikh Salah Sheikh Ibrahim, Sheikh Abdirahman Mohamed, Sheikh Abdulkadir

Somow, Traditional Elder

 

3

 

11:00 -11:30 Coffee Break

Keynote: Professor Mohamed Haji Mukhtar and Professor Cawo Abdi

11:30 - 13:00 Panel 2: Ending the Transition: Selection of MPs

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this