Sign in to follow this  
Fiqikhayre

Puntland and Galmudug Withdraw Participation at Istanbul Conference II on Somalia Joint Statement

Recommended Posts

Prime Minister of Somalia: Istanbul Conference not inclusive and We're trying to solve it as soon as possible to address the raised grievances of Puntland and Galmudug.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Powerful words by the Prime Minister of Somalia who acknowledges the mistakes. The President of Puntland is expected to land in Istanbul tonight or tomorrow.

 

Maashaallaah.

Share this post


Link to post
Share on other sites

He further on said: The Roadmap is in its final stage and nothing will be changed on it and we welcome anyone who wants to include their input to it.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Puntland oo aadeysa Istanbul & Turkiga oo taageeraya

 

30 May 30, 2012

 

Magaalada Garowe ee xarunta dowladda Puntland ayaa maanta 30 ,May 2012 waxa ka anbabaxaya wafdi balaaran oo u socda dhinaca Istanbul ee Turkiga si ay uga qaybgalaaan shirka halkaasi ka dhacaya.

 

Issimo ,Ganacsato ,bulshada rayidka ah xubno ka socda dowladda oo xukumadda iyo xildhibaano isku jira ayay ka koobanyihin xubnaha Turkiga u dhoofaya oo dhamaan tiradoodu dhantahay 48 qof.

 

Madaxweynaha Puntland Dr,Cabdiraxman Maxamed Farole oo ku sugan Addis Ababa ayaa ilo wareedyo lagu kalsoonyahay Garowe Online u sheegeen inay wadahadal la galeen xubno ka tirsan wasaarada arrimaha dibedda Turkiga ,safaarada Somalia ay ku leedahay iyo weliba madax kale oo Turki ah waxana Turkigu ka aqblay Puntlan dhamaan cabashooyinkii ay horey u muujiyeen.

 

Ka sokow safarkan xubnaha Puntland ka tirsan ay ugu tagayaan Istanbul waxa Turkigu balanqaadey inay dardargeliyaan fulinta mashaariic horumrineed gudaha Puntland islamarkaasina tixgelinayaan doorka Puntland ay ku leedahay horumarka geedi socodka nabada Somalia.

 

Wixii ka soo kordha safarkan kala soco wararkeena xiga hadii Eebe Idmo .

 

GAROWE ONLINE

Share this post


Link to post
Share on other sites

A delegation of 48 individuals made of esteemed Issimo, Business folk, Civil Society, Members of the Puntland State government and Members of Parliament of Puntland State left for Turkey from the state's capital of Puntland Garoowe.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Turkey excepted all the raised grievances of Puntland after talks with the foreign office members of the turks in Addis Ababa and also the Somali Embassy Staff and other Turkish top officials.

Share this post


Link to post
Share on other sites
NGONGE   

Fiqi, you're turning into a SOL version of Al Jazeera (where some head of state would give a speech and then we see extracts from his speech appearing at the bottom of the screen). :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Turkey will also acknowledge Puntland's role in the process of the Roadmap and they will start and commence the allocated projects for Puntland straight away.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ngonge Al-Jazeera is somewhat important so is this issue as well. Puntland has raised with a loud voice what it thought to be an issue of lack of honesty and transparency and the Turks have been betrayed by a certain group in Somalia.

 

They acknowledge that fact. So did the Prime Minister of Somalia who said that the civil society groups were not inclusive and that they needed to be more inclusive and transparent.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweynaha Dowlada Puntland oo galabta ilaa caawa imanaya Istanbul

 

Posted by Pi on May 30th, 2012

 

Madaxweynaha Dowlada Puntland oo hogaaminaya wafti balaaran ayaa maanta imaanaya Dalka Turkey ka dib wadahadal dublamaasiyadeed oo wakhti dheer qaatey ayay Puntland go`aansadeen iney u safraan Istanbul.

 

Dhinaca kale warar badan oo ku saabsan wadahadalada dhexmarey Puntland, TFG iyo Dowlada Turkiga oo faahfaahsan goor dhow ayaan soo gudbineynaa ee haka dheeraan Puntlandi

Share this post


Link to post
Share on other sites

ADDIS ABABA: Puntland iyo Galmudug oo ka qeybgalaya Shirka Istanbul

 

May 30, 2012

 

ADDIS ABABA:-M-weynayaasha Puntland iyo Galmudug ayaa shaaciyay in ay Puntland iyo Galmudug ay ka qeybgalayaan Shirka Istanbuul kadib markii sida ay sheegeen la xaliyay arintii ay ku dideen shirka.

 

M-weyne Faroole, waxa uu sheegey in magaalada Garoowe iyo Boosaaso laga soo qaadayo Issimada Puntland iyo dad matalaya Ururada Bulshada, sidoo kale Issimo laga soo qaadi doono magaalada Galkacyo, waxaa kaloo uu sheegey in Siyaasiyiin ka kala socota labada maamul ay qeybgali doonaan Shirka.

 

Dhawaan, ayaa masuuliyiinta Puntland iyo Galmudug ay shaaciyeen in aysan ka qeybgali doonin Shirka Istanbuul iyaka oo sheegey in aan si caddaalad ah loo qeybin dadka ka qeybgalaya shirka, waxayna sheegeen in dad gaar ah ay tageen oo aan loo dhammeyn.

 

Puntlandpost.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Faahfaahin– Wafti balaaran oo Puntland ah oo Istanbul ku soo wajahan.. Maxaa isbadalay

 

Posted by Pi on May 30th, 2012

 

Adis ababa(Pi) Raysal wasaaraha Soomaaliya ayaa mudadii uu joogay Nairobi wuxuu kulan deg deg ah la qaatey Safiirada Turkiga u fadhiya Soomaaliya iyo Kenya waxaa lga wadahadlay qaladaadka ka jira shirarka ka bilowdey Istanbul iyo Hadaladii kasoo yeerey Puntland ee ay ku qaadacee shirka Istanbul.

 

Raysal wasaaruhu wuxuu sharaxaad dheer ka bixiyey Qorshaha geedisocodka nabada (Roadmapka) siduu kusoo bilowdey iyo meesha uu marayo iyo kaalinta Puntland ka ka qaadatay isagoo sheegey in maqnaanshaha Puntland ay waxweyn u dhimeyso qorshayaashaas, wuxuu kaloo RW Gaas xusey in Turkigu ay waji qaldan kusoo galee siyaasada Soomaaliya maadaama aysan waxwada tashi ah kala yeelen xukuumada shirarka Qolyaha lagu sheegey Ururada Bulshada.

 

Dowlaada Turkigu waxay aragtey in qaladaad ku jiraan sida ay wax u wadaan, inkastoo Raysal wasaare Gaas uu sheegey ineysan xukuumadiisu waxba ka ogay cida casuntey qolyaha isuu tagey Istanbul ee sheeganaya inay yihiin Ururada Bulshada, Arintaas Dowlada Turkigu waxay shegeen iney liiska magayada ka heleen Dowlada KMG,(Xafiiska Madaxweynaha).

 

Raysal wasare Gaas wuxuu taageerey Qaadacaada Puntland ay qaadacdey shirka isagoo sabab uga dhigey iney jiraan waxyaabaha Puntland sheegtey, Dowlada Turkiguna way taageertey oo waxay hoosta ka xariiqeen iney isbadal sameynayaan iyagoo la tashanaya Raysal wasaare Gaas, waxaa kaloo Diidmada Puntland iyo eedeynta ka timid Xukuumada Dr. Gaas taageerey Beesha caalamka ee waxkasoo dhisey Roadmap-ka

 

Si loo daba qabto shirka Waxay Turkigu safiirkooda Itoobiya jooga u direen Madaxweyne Faroole

 

Madaxweyne Faroole iyo Safiirka Turkiga ee Adis ababa jooga ayaa kulmey shalay Galab wuxuuna safiirka Turkigu sheegey inay Dowlada Turkigu balan qaadey iney xalinayaan dhamaan Qaladaadka iyagoo garowsadey in qalad dhacay, Wadahadal dheer ka dib Madaxweyne Faroole wuxuu dalbadey inuu helo Qoraal rasmi ah(Documens) oo ka imaanaya Dowlada Turkiga, Safiirkii Turkigu wuxuu sheegey inuu dowladiisa wadatashi kula noqonaya.

 

Maxaa dhacay ka dib

Wasiirka Arimaha Dibada ee Turkiga ayaa saaka aroortii si toosa ula soo xiriirey Madaxweyne Faroole wadahadal ka dib waxaa la isla meel dhigey oo Madaxweyne Faroole na aqbalay hadalka kasoo yeerey Dowlada Turkiga ee ah in la saxayo Dhamaan qaladaadka Puntlad, Galmudug iyo Suna Waljameeca tabanayaan. Intaas ka dib Dowlada Turkigu waxay Madaxweyne Faroole u sheegtey iney Diyaarad khaasa u soo dirayaan Waftiga Puntland o ka koobnaan doona, Madaxda Dowlada, Odoyaal dhaqameedyo, Ganacsato iyo Ururada Bulshada.

 

Wada tashi ka dib axaa la go’aansadey in Madaxda Puntland oo Qaarkood(Waftiga Madaxweynaha) ay joogaan Adis ababa iyo Waftiga intiisa kale ay isugu tagaan Jabuuti halkaasoo ay ku sugayso Diyaarad khaasa oo Dowlada Turkigu soo dirtey.

 

Goor dhoweyd waxaa Garowe ka ambabaxeyey Xubno isugu jira Isimo, Ganacsato, Xildhibaano iyo Ururada Bulshada waxayna ku wajahnaayeen Jabuuti, Adis ababa waxa akasoo baxaya Wafuuda uu hor kacayo Madaxweyne Cabdiraxmaan Faroole, dhamaan Ergada kaimaanaysa Puntland waa 48 iyo xubno horey u joogey Turkiga oo Odoyaal dhaqamneedyo u badan.

 

Wadahadalka dhexmarey Madaxweyne Faroole iyo Wasiirka Arimaha Dibada Turkiga waxaa la isla soo qaadey oo kale Galmudug io Suna waljameeca lakiin nalooma xaqiijin sida ay kusoo baxayaan Ergooyinkoodu, inkastoo naloo sheegey in MadaxweynMaxamed Axmed Caalim uu soo Raacayo waftiga Madaxweyne Faroole hogaaminayo.

 

Wadahadlkaan Dublamaasiyadeed oo kasoo bilowdey Nairobi, Ankara ilaa Adisbaba waxay socdeen labdii maalmood ee nasoo dhaafay, waxaana guul laga gaarey saaka subaxnimadii.

 

Wixii soo kordha kala soco Puntlandi.com oo ah isha kaliya ee wararka tafa tiran oo rasmiga h haysa.

 

Puntlandi.com

 

Adis ababa

Share this post


Link to post
Share on other sites

Puntland's Delegation that flew from Garowe to Istanbul, Republic of Turkey.

 

Wafdi balaaran oo Puntland uga dhoofey Turkiga

 

30 May 30, 2012

 

Gegida dayuuradaha Garowe ayaa galabta 30 May,2012 waxa ka duuley xubnihii Puntland uga qaybgali lahaa shirka Istanbul waxana ka hor diyaaradu soo martey Galkacayo iyo Bosaso oo ay dad ka soo qaadey.

 

Issimo ,ganacsato ,xubno ka tirsan bulshada rayidka ah iyo weliba xubno matalayey golayaasha dowladda ayay isugu jireen wafdiga Puntland ee u dhoofey Jabouti halkaasi oo uu ku sugan yahay Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr.Cabdiraxman Maxamed Maxamuud Farole oo israaci doonaan dhammaan.

 

Garowe Online waxa u suuro galay inay hesho nuqul ka mida liiska xubnaha ka qaybgalaya shirka Istanbul waxana ay kala yihiin sidatan hoos ku xusan:

 

Isimmada Puntland

 

1-Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan

 

2- Suldaan Siciid Maxamed Garaase

 

3-Garaad Maxamed Cilmi Shirwac

 

4-Suldaan Bashiir Muuse Konte

 

5-Suldaan Maxamed Cabdilaahi

 

6- Suldaan Siciid Maxamed Irbad

 

7-Ugaas Cabdiraxman Nuur Faarax

 

8-Suldaan Muuse Faarax

 

9-Boqor Cabdulaahi Maxamuud Cali

 

10-Suldaan Cabdilaahi Axmed Nuur

 

11-Caaqil Maxamuud Xasan Cumar

 

12-Ugaas Cabdiqani Geele Maxamed

 

13-Ugaas Cabdiqaadir Cilmi Xirsi

 

14-Islaan Haashim Islaan Maxamed

 

15-Suldaan Khaalid Abshir Saalax

 

16-Garaad Cabdulaahi Cali Ciid

 

17-Ugaas Cabdikariin Nuur Faarax

 

18-Suldaan Cabdilaahi Saalax Jeenicad

 

19-Suldaan Jamaal Cabdi Ducaale

 

20-Suldaan Cabdilsaan Shiikh Maxamuud

 

Xubnaha Dowladda

 

1-Dr.Daa’ud Maxamed Cumar

 

2-Maxamed Faarax Ciise Gaashaan

 

3-Xildhibaan Saadiq Abshir Garaad

 

4-Xildhibaan Axmed Jaamac Cabdule

 

5-Xildhibaan Sheebe Shiikh Maxamuud

 

Ganacsatada

 

1-Maxamuud Xayir Ibraahim

 

2-Maxamed Caydiid Jaamac

 

3-Yuusuf Cali Biixi

 

4-Ismaaciil Cabdisalaan Warsame

 

5-Maxamed Muse Axmed

 

6-Ismaaciil Axmed Dayib

 

7-Cabdilatiif Yuusuf Barre

 

8-Cabdirisaaq Siciid Faarax

 

9-Fowsiyo Ciise Cumar

 

10-Maxamuud Nuur Cilmi

 

Xubnaha bulshada rayidka

 

1-Nuur Maxamed Nuur

 

2-Mahdi Cali Cismaan

 

3-Cabdinaasir Yaasiin Salaad

 

4-Cabdirisaaq Hiirad Maxamed

 

5-Jaamac Saalax Maxamed

 

Madaxweynaha Puntland ayaa Jabouti waxa kula sugan xubno ka tirsan golaha wasiirada sida Arrimaha gudaha iyo dowladdaha hoose Gen.Cabdilaahi Axmed Jaamac Ilkajiir ,wasiirka Waxbarashada Dr.Cabdi Siciid Faarax Juxa iyo xubno ka tirsan aqalka madaxtoyada Puntland

 

Kadib qoraalo kala duwan oo ka soo baxay hogaanka siyaasada iyo dhaqanka Puntland oo ay ku diidanyihiin shirka Istanbul ayaa Garowe Online loo xaqiijiyey in is-afgarad Puntland iyo Turkigu ka gaareen mowduucyadii miiska saarnaa,waxana ay balanqaadeen inay dar dar gelindoonaan fulinta mashaariic horumarineed gudaha Puntland.

 

GAROWE ONLINE

Share this post


Link to post
Share on other sites

Sawiradda safarka xubnaha Puntland

 

30 May 30, 2012

 

GAROWE ONLINE

 

Akhristayaasha sharafta leh ee ku xiran Garowe Online waxaan halkan idiin ku soo gudbineynaa sawiradda xubnaha Puntland uga qaybglaya shirka Istanbul ee dalka Turkiga oo galabta ka duuley garoonka diyaaradaha Garowe.

 

Halkan ka daawo sawiradda safarka xubnaha Puntland

 

IMG_1032.JPG

 

IMG_1033.JPG

 

IMG_1035.JPG

 

IMG_1048.JPG

 

IMG_1050.JPG

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this