Sign in to follow this  
walaalkis

Most disturbing things in Somalia

Recommended Posts

Amee arrintii shalay dhacday la xiriirtaa. Amee maskiintaas ku eedeyeen waxeenan galabsan. Knowing how swift dadka u dilaan without baaritaan iyo waxaasba. Eebbe ha u raxmado hooyada, carruurteeda iyo reerkeeda kalena tacsi gaar ah u diraayaa. Samir dheer iyo iimaan suuban.

___________________

 

Ciidammada dowladda Hoosingow oo gacanta ku dhigay horjoogge ajnabi ah

 

Ciidammada dowladda Soomaaliya ayaa gacanta ku dhiggay shalay galinkii dambe hogjoogge ajnabi ah oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab, xilli uu marayay degmada Hoosingow ee gobolka Jubbada Hoose, kaasi oo ay dhallashadiisu tahay dalka Kenya.

 

Xildhibaan Geedi oo ka mid ah mudanayaasha Barlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in ciidammada Xoogga dalka Soomaaliyeed ee ku sugan degmada Hoosingow ee gobolka Jubbada Hoose in ay fuliyeen howlgal guulleystay oo ay ku soo qabteen horjoogge ajnabi ah oo ka tirsan Al-Qaacidda, xilli uu Gaari ay la socdeen dad shacabka doonayay in uu ku baxsado.

 

Waxa uu tilmaamay in shacabka magaalada Kismaayo ay war bixinta ku aadan baxasadka horjooggahaasi soo siiyeen ciidammada Xoogga kaddibna ay ciidammada baaritaanno ka sameeyeen deegaanka degmada Hoosingow , isagoo sheegay in horjooggahani laga soo dajiyay gaari BL ah oo ay la socdaan dad shacab ah oo ku sii jeeday gudaha dalka Kenya.

 

Xildhibaan Geedi waxa uu xusay in horjooggahani dhallashadiisa ay tahay dalka Kenya, isla markaana uu ka mid ahaa horjooggayaal ka dagaallantay magaalada Muqdisho ka hor intii aan Shabaab laga saarin, dhinaca kale waxa uu carrabka ku dhuftay in illaa iyo hadda aysan shaacin saraakiishii howlgalkaasi fulisay magaca horjooggahaasi.

Xigasho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this